September 28, 2009

Waxyiga Ku Soo Degey Madaxda Xisbiyada Mucaaridka

waxyi1 Waxa la yaab mudan in maanta loo dabaaldego waxyiga ay Dowlada Ethiopia ku soo dejisay Xisibiyada Mucaaridka iyo Xukuumadaba. Lixda waxiyi maxa cusub oo mucjisa ah baa mise waa wax la wada ogaa laakiin la is garab marinaayay?Waxaa mudo badan laga doodaayay in Serverka howshiisa la dhameeyo, Komishanka Doorashooyinka la habeeyo, in ay wada xaajoodaan xisbiyado, iyo in la sugu maalina codbixinta.  Waxay xisbiyadu garanwaayeen ma ahayn. Xisbiyada Kulimye iyo UCID waxay danmoodeen moron, xin,….

qas abuur, xumaan ka talis iyaga oo u malaynaayay in ay ku kasbanyaan codad. Shirqoola badan bay isu dayeen in ay u meel maraan, hase yeeshe waxay la gashay meel cidhiidi ah oo cudurdaar la hayn. Waxay raadinayeen cudur daar iyo cid badbaadisa.

Xisbiyada mucaaridku, khaas ahaan xisbiga Kulmiye, markii ay arkeen in dadwaynuhu ku baraarugay qayla dhaantooda oo ay fahmeen khatarta xisbiyadaasi soo wadaan, waxay madaxda xisbiyaasi  ku cuslaatay sidii ay u raali gelin lahaayeen dadwaynahaku ay u badbaadin lahaayeen magacooda.

Madaxdaasi iaga oo ay ka castahaybaa waxyigani ku soo degay. Waxa khasab ku noqotay wixii ay horey ugu diideen Xukuumada, Guurtida, Golaha Wakiilada, iyo talada shacbiga, iyo in badan oo ka mid ah indheer garatka Somaliland in ay sexeexaan bilaa shuruud.

Lixda qodob ee horey loo qorhseeyay ee maanta ay ka ogolaadeen xisbiyada mucaaridku dad iyo dowlada shisheeye waxay cay ku tahay dhamaan siyaasiinta, indheer garata iyo dadwaynaha Somaliland.

Qof kasta oo danaynaaya Somaliland wuxu ogaaha in ay fududayd xalka siyaasadeed. Hase yeeshe e madaxda xisbiyadu iyaga u xininaaya Madaxeyne Rayaale ay wadanka halis geliyeen.

Somalidu waxay ku mahmaahdaa HUBSIIMO HAL BAA LA SIISTAA ee ma la hubaa in Siilaanyo iska dhaafaayo qabka, xinka, xoog iska badinta, iyo aniga uun baa wax hagaajin karada?

Ma la inaga hubaa in madaxda xisbiyada mucaaridku aanay ka noqon qodobadaas si kastaba ha u yimaadeene? U malayn maayo in ay sidaas ku aamusayaan, laakin an filanyo khair.

BY Mohamed MOUSA

Email: mmousa@rogers.com

Login