September 28, 2009

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland oo Beenisay War Been Abuur ah oo Ku Soo Baxay Wargeyska Jamhuuriya

Annagoo tixraacayna maqaalkii maanta ku soo baxay, wargeyska Jamhuuriya ee cadkiisu ahaa 3985 kuna taariikhaysnaa 27/09/2009, kuna salaysnayd in Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin, lagu qasbay inuu aqbalo lixdii qodob ee ay soo jeediyeen deeq bixiyeyaaha caalamiga ah laguna soo afjaray khilaafkii siyaasadeed ee dalka ka taagnaa, waxa aanu leenahay in warkaasi uu yahay dacaayad rakhiis ah oo ujeedada ka danbaysaa ay tahay in ummada lagu beer laxawsado, lagana been sheego xaqiiqada jirta.

Waxa aan leenahay haddii ay jirto cid lagu qasbay inay ogolaadaan qodobada lagu soo afjaray khilaafkaa siyaasiga ah ee dalka hadheeyey miyaanay ahayn axsaabka mucaaridka ah oo iyagu mar walba diidanaa in ay soo fadhiistaan miiska wada hadalka si dalka looga badbaadiyo khilaaf iyo fowdad ku keeni karta ummada nabadgelyo daro iyo burbur aan laga oo kaban Karin.

Axsaabta mucaaridku waxay ahaayeen kuwa had iyo jeer warbaahinta u adeegsada in ay ummada ku abuuraan cabsi iyo warwar ku saabsan in dalku uu gali doono marxalad amaan daro ah haddii golaha Guurtidu ay kordhiyaan muddada xilka uu hayo madaxweynaha iyo m/weyne ku xigeenku.

Sida aynu ka warqabno Madxweynuhu mar kaliya muu codsan in muddada loo kordhiyo wax fara galin ahna kuma samayn Golaha Guurtida oo iyagu u madaxbanaan in ay go’aanada muddo kordhinta ay u leeyihiin awood distoori ah.

Mdaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale waa kii ku dhawaaqay in doorasho bilaa diiwaan galin ah ay dalka ka qabsoonto 27 September, hase yeeshee waxa taa suurta galin waayey goolaaftankii mucaaridka ee dalka gil-gilay, dadweynahana u abaabulayey mudaaharaado iyo isku soo bax aynu ognahay khasaarihii ka dhashay, kuwo kale oo ka sii darana ay damcanaayeen inay abaabulaan, hase ahaatee Illaahay mahadii taasi uma ay suurta galin, Golaha Guurtiduna waxay ku amaanan yihiin in ay si waddaninimo ah ay u soo afjaraan khilaafkaasi, ummadana ay ku soo celiyaan wada tashigii iyo deganaanshihii  ummada reer Somaliland ay ku soo caano maashay

Allaa Mahad Leh

Siciid Cadaani Mooge - Afhayeenak madaxtooyadda JSL

Login