September 27, 2009

Faallo: Hummaaga Booqashada Saaka Iyo Hadafka Siyaasadeed ee Siilaanyo.

Axmed Maxamed Maxamuud oo ku magac dheer Siilaanyo waa siyaasi weyn oo ka mid ah siyaasiyiinta JSL, dhalasho ahaan wuxuu ka soo jeedaa Magaalada Burco, oo ka tirsan Gobolka Togdheer, wakhtigii kacaanka wuxuu ka mid ahaa ragii sida aadka ah ula soo sheqeeyey xukuumadii Maxamed Siyaad Bare, wuxuu ka gaadhey darajo sare oo ah ilaa heer wasiir, markii dambe wuxuu ku dambeeyey halgankii hubeysnaa ee jabhadii SNM. Curashadii Somaliland ka dib wakhtigii Maddaxweyne Cigaal mansab wasiirnimo ayuu qabtey, cadaadis badan oo kaga yimid dhinaca Maddaxweyne Cigaal oo dariiqeedu ahaa cabsida weedha duca qabe xilku waa meerto darteed ayuu iska casiley xilkii wasiirka Maaliyada.

Wuxuuna ku dhawaaqey in uu siyaasadii ka fadhiistey sababo qarsoonaa oo caafimaad daro iyo daal gabow awgeed la xidhiidhey, wakhtigii lagu dhawaaqey dhidbida heerka tartanka Axsaabta Qaranka JSL ayuu dib ugu soo laabtey saaxada siyaasada wuxuuna ku dhaqaaqey dhawaaqida xisbiga la magac baxey Kulmiye oo sida ay dadka reer somaliland badankoodu aaminsan yihiin kulmiyey raga badan oo siyaasadoodu tahay Kaaf iyo Kala dheeri.

Hadaba waa maxey himilooyinka siyaasadeed ee uu hiigsanayo siilaanyo? muxuuse yahay qorshihiisa siyaasadeed ee uu maagan yahay mustaqbalka? Arrimahaasi oo faahfaahsan waxaa inoo qaadaa dhigaya Wariye Sooyaal oo waraysi xiiso leh la yeeshey Mudane Siilaanyo, wareysigaasina wuxuu u dhacey sida tan.

Sooyaal: Siilaanyo goorma ayey aheyd markii kuugu horeysey ee aad hungureyso siyaasada?

Siilaanyo: Horta markaan yaraa ee aan dhiganayey malcaamad quraanka waxaan jeclaa in aan noqdo macalin yare si aan u Uleeyo una Aamusiiyo Ardeyga qeyrkey ah ee akhlaaqda xun.

Sooyaal: Sanadkee ayaad ku qiyaasi laheyd wakhtigaasi?

Siilaanyo: Ma xasuusan karo, malaheyguse wuxuu u maleynayaa kun sagaal boqol iyo kow iyo sodonkii.

Sooyaal: Sida aan taariikh-da ku hayno waxaad ka mid aheyd ragii sida aadka ah ula soo shaqeeyey M.S.Bare, Diga rogashadaadiina waxey noqotey in aad dagaal kala hor timaado xukuumaddii aad ka tirsaneyd taas maxaa sabab u ahaa?

Siilaanyo: Adeer waayahaas wakhti dheer baa ka dambeeyey ee ha igu soo hadal qaadin xukuumaddii kacaanka, miyaanad ogeyn magaca maxey Bare markaan maqlo inuu matag i qabto?

Sooyaal: Bari dhaweyd oo uu Madaxweyne Rayaale la hadley saxaafada dalka wuxuu kugu eedeeyey in aanad aqoon u laheyn sharciga wadanka u yaala taas maxaa ka jira?

Siilaanyo: Haddii aan runta kuu sheego barashada sharciga dalka waxaa igala muhiimsan ku fadhiisashada kursiga Maddaxtooyada.

Sooyaal: Waxaa jirey in wariyaha caanka ah ee lagu magacaabo Ahmed Hassan Awke wareysi xiiso badan oo uu la yeeshey adiga (siilaanyo) Maddaxweyne Rayaale iyo Faysal Ali Waraabe isaga oo ka wakiil ah T.V-GA caalamiga ee Univarsal Tv, markii dambe ee aad daawatey barnaamijkaa oo dhameystiran sideed u aragtey?

Siilaanyo: Runtii wuxuu ahaa barnaamij qurux badan oo qeexi karaya faraqa u dhaxeeya aniga iyo raga aan is-hayno (Not tartan) markii dambe ee aan barnaamijkaa daawadeyse waxaan la yaabey caqliga gaaban ee ku jira ragaas oo ah mid baalmarsan hanaanka wanaagsan ee geedi socodka damuquraadiyada ka hano qaadey Somaliland.

Sooyaal: Wax ma nooga sheegi kartaa su,aalihii kuugu layaabka badnaa ee uu wariyuhu ku weydiiyo?

Siilaanyo: Waxaa iigu layaab badnaa labada su,aalood ee kala ahaa heesaha heesteed ugu jeceshahay? iyo midabkeed ka xiiseysaa midabada? Ismaanan laheyn inta aad nooshahay su,aalo noocaas oo kale ah baad la kulmi, hadey dhici laheydse maalintaas bey dhacdey.

Sooyaal: Mudane siilaanyo fanka isuma xumidin oo sida aad adiguba wareysigaas ku sheegtey waxa aad xiiseysaa muusiga, markiise wariyuhu kaa codsadey in aad hees macaan ugu luuqeyso dadweynaha kala duwan ee ku daawanayey waad diidey, maxey ku dhacdey taasi ma khajilaad baa kugu jirtey bal taas macnaheeda noo faahfaahi?

Siilaanyo: Adeer hees iyo saddex-ba waan saari lahaayee miyaanad ogeyn in dadkan fikirka ilaahey ka faley oo haddii aan hees jaceyl ah xitaa saari lahaa, laga soo dhex saari lahaa sagaal mu,aamaradood oo kala wada midab duwan.

Sooyaal: Laakiin siilaanyo ma waxa jirta kalsooni daro aad ka qabto naftaada?

Siilaanyo: Maya Maya alfa mara waan ku kalsoonahay nafteyda hase yeeshee wixii muran dhalinaya amase mushkilad abuuraya waa laga dhowraa nafta.

Sooyaal: Sidaa fanka aad uuga dhowrtey ceebta si la mid ah maxaad muranka siyaasada la isu qaban karo ceebta uuga dhowri weydeen?

Siilaanyo: Inta uu qosley buu yidhi: Adeer rag baa siyaasada isu haya.

Sooyaal: Haddii aad tihiin xisbiga kulmiye maxaa inii diidey soo bandhigida barnaamijkiina siyaasadeed ee aad rabtaan in aad dalka ku hogaamisaan mustaqbalka hadii aad doorashada ku guuleysataan?

Siilaanyo: Inta uu dhoola cadeeyey buu yidhi: Adeer wax siyaasad mustaqbal la yidhaah-do ma jirto, waxaanse kuu sheegayaa haddii aan doorashada ku guuleysano hadaba wixii na soo mara maamulka ayaan sida ugu fudud ee lagu wada qanacsan yahay u fulineynaa.

Sooyaal: Mudane Gudoomiye bal waxaad nooga warantaa arrinta ceel bardaale iyo mawqifka xisbigiinu ka taagan yahay?

Siilaanyo: Horta jawaabta arrintani waa deg deg maanta, jadwalka waxqabadkana waxa noogu jira ayey kow ka tahay, waxaanse kuu sheegayaa haddii shacbigu codkooda oo caafimaad qaba na siiyo oo aan doorashada ku guuleysano oo aan ragaa is haynaa na musuq nasakhin in degaanada Galbeedka Bur iyo Biyo loo kala bixi doono.

Sooyaal: Mudane siilaanyo burka iyo biyaha haddii la isu-badhxo ma kala baxaan ee maxaad uugala jeedaa jawaabtaas?

Siilaanyo: Adeer waad war laadahay ee degaanada Bariga burka iyo biyuhu wey kala baxaan, cid kasta oo reer Bari ah oo caqli leh waa ogsoon yihiin taas, caadada noocan oo kale ah in dadka ku nool degaanada Galbeedka la baro waa laga maarmaan muhiim u ah jiritaanka jamhuuriyada somalilanad.

Sooyaal: Mudane marka ay yimaadaan muranada dhinaca siyaasada somaliland xisbigiina waxa lagu xantaa in aad danta dalka,dadka, dawlada iyo diintaba ka hormarisaan dano gaar u xisbigiina oo ay hogaamineyso kalmada lagu magacaabo KU JIQSII, ma noo faahfaahin kereysaa sababta keenta arrintaas?

Siilaanyo: Waa su,aal fiican oo aan kaa filayey laakiin adeer maddxatooyada somaliland waxaa laga isticmaalaa kalmada ah KORKA KAGA JOOG, kolkaas baan shir isugu nimid (xisbiga kulmiye) waxaanan is- nidhi waar rag buu ilaahey inaga dhigoo sidan kuma jirneynee hadeynu kulmiye nahay kalmad inoo meel marta oo aan ku diidno siyaasada guracan ee wax dani inoogu jirin keena!!! Fikir dheer ka dib Mujaahid Ficil Marooje ayaa yidhi bal ka warama kalmada KU JIQSII, taas bana isla garaney in aan wada qaadano, waxaana ilaahey in loogu mahad noqo ah kalmadii in ay maanta noqotey mid noo meel marta.

Sooyaal: Ahmed siilaanyo sida ay sheegayaan warar aan si rasmi ah loo shaacin oo ka soo baxaya xisbiga mucaaridka ee UCID in ay jirto rajo ay ka qabaan dawlad wadaag ah oo la dhiso ilaa iyo inta ay doorashooyinku qabsoomayaan taas oo uu Faysal Cali Waraabena u maamaatinayo in uu maddaxweyne ka noqdo, ka kulmiye ahaan arrintaasi maxaad ka ogtihiin?

Siilaanyo: kkkkk ahaha Sida runta ah dhowr jeer ayey doorashada maddaxtooyadu dib inooga dhaceen, dib u dhacaasina wax badan oo burbur sababi kara ayuu keeney hase yeeshee midan aad i wydiineyso ee ah dawlad wadaaga diyaar ma u tihiin waxaan ka leeyahay maya maya maya, midaasi waa mid ku kooban xisbiga UCID iyo hogaamiyahooda Ina cali Hangool.

Sooyaal: Mudane siilaanyo intee in leeg ayaad ku qiyaasi kartaa dhaqaalaha kaaga baxey doorashadii hore ee maddaxtooyada?

Siilaanyo: Adeer iska aamus oo afkaaga hayso!! ma waxa lagugu yidhi su,aashaa soo weydii, caawa siilaanyo ha seexan waayee?

Sooyaal: Haddiiba aad doorashadan soo socota ee maddaxtooyada somaliland weydo maxaa kuu qorsheysan in aad ku dhaqaaqdo?

Siilaanyo: Taasii waa ma dhacdo.

Sooyaal: Markaasi macnaha aad u jeedo ma loo fasiran karaa waxaan haystaa 400, 000 oo kun oo cod bug ah?

Siilaanyo: Maya adeer waan waayi karaa oo waa runtaa taasiyee, qorashaha aan qarinayo waxa weeyi hadaan ku guul dareysto doorashada waxaa ii qorsheysan in aan qurbaha ku noolaado inta nolosheyda ka hadhey oo dhan.

Sooyaal: Maxaa ku jaban haddii aad dalkaaga hooyo gudihiisa aad kula noolaato dadkaaga?

Siilaayo: Adeer waxaan diidanahay in hunguri saddexaad iga galo siyaasada somaliland.

Sooyaal: Oo miyaanad ahaaneyn gudoomiyaha xisbiga ilaa doorashooyinka saddexaad?

Siilaanyo: kkkkkkkkkk warbaahintu wali mey garan xaajada guntan ee xisbiga kulmiye gudihiisa taala.

Sooyaal: Mararka qaarkood ee aad u baxdo qurbaha, lana kulanto maddaxda beesha caalamka, maxaa ugu muhiimsan ee aad ka wada hadashaan?

Siilaanyo: Waxaan inta badan ka wada hadalnaa sidii xisbiga UDUB looga qaban lahaa maamulka dalka.

Sooyaal: Ugu dambeyntii Adoo iga raali ah ma noo sheegi kartaa labada kalmadood ee ay dhagtaadu midna ugu neceb tahay maqalkeeda midna ay ugu jeceshahay?

Siilaanyo: kkkkk ahaha wikh wikh wikh waxaan ugu jecalahay mudaharaad waxaanan ugu necebahay mudo kordhin.

Sooyaal: Mahadsanid Mudane Siilaanyo.

Siilaanyo: Adaa Mudan Adeer.

Diyaarintii iyo Soo Gudbintii  -  Abdirasaaq Hammaal

E-mail:rasiiqi07@hotmail.com

Login