Boorama (Harowo) - Masuulyiinta xisbiga Kulmiye ee G/awdal iyo xubno ka tirsan hoggaanka sare ee xisbigaasi, ayaa maanta ku kala tegey hadal wadajir ay Boorama uga soo saari lahaayeen oo la tuhunsanyahay inuu ku saabsanaa marxaladda siyaasadeed ee dalku geleyo ka dib markii ay heshiiyeen dhinmacayada siyaasadda ee isku hayey khilaafka ka dhashay doorashada madaxtooyada Somaliland. Sida warku sheegeyo musharrax xisbiga Kulmiye ee mansabka madaxweyne ku-xigeenka, C/raxmaan Saylci….
Hargeysa - Waxa galabta qasriga Madaxtooyada JSL lagu qabtay xaflad balaadhan oo lagu saxeexayay Lixdii qodob ee beesha caalamku ku taliyeen ee khilaafkii taagnaa ee dalka soo afjaray. Waxa saxeexay lixda Qodob Gudoomiyayaasha saddexda xisbi Qaran, Dawlada Itoobiya iyo Deeqbixiyayaasha. Ugu horeyn waxa saxeexay Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin, ahna Gudoomiyaha Xisbiga UDUB, Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, waxana goob joog ka ahaa Shirgudoonada Golaha Guurtida iyo Wakiilada, Deeqbixiyayaasha oo uu wakiil ka ahaa John Marshal iyo Dawlada Itoobiya.
Hoos Ka Daawo Sawirada Saxeexa Gudoomiyayaasha
Anagoo tix-raacaynaa wareysigii Wargeyska Geeska Afrika la yeeshay 29/09/2009 Cabdiraxmaan Xaaji Adan “Ibbi’ oo ah Rayisal Wasaare ku xigeenka isla markaana ah Wasiirka Kalumeysiga ee Somalia ayaanu waxaanu kaga jawaabeynaa sidatan:
September 29, 2009
Guddomiyaha Komishanka Doorashooyinka Mud. Jaamac Sweden oo Beeniyey Inay Deeqbixiyaasha Caalamku Yidhaahdeen Ha La bedelo Komishanka.
Get Flash to see this player.
Inkasta oo Dhinacyada Doorashadu khusayso ay qolo waliba dhaliisha iska fogaynayso, islamarkaana qoloba ay qolada kale ku eedeynayso inay leedahay sababta keentay dib-u-dhaca doorashadai Madaxtooyada Somaliland, ee suurta galka noqon weyday inay ku qabsoonto wakhtigii hore loogu qoondeeyey oo ahaa 27-kii Bishan Septembar 2009, haddana waxaan shaki jirin in cida keliya ee muujisay inay ka go’antahay hirgelinta Doorashada uu yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin.
Hargeysa (Harowo Desk) - Mudanayaasha Golaha Wakiiladda gaar ahaan labadii garab ee kala difaacayay Xukuumadda iyo Xisbiyadda mucaaridka ah iyo Shirgudoonka ayaa maalin ka dib markii goluhu laalay labadii mooshin ee khilaafka iyo buuqa gacan ka hadalka gaadhay, markii ugu horaysay yeeshay Kulan turxaan saar iyo is cafin ah, kaas oo ka qabsoomay sooryo qado oo maanta ay labadda dhinac ku yeesheen Hudheelka maansoor ee Magaaladda Hargeysa. Kulankan qado ee Xildhibaanada Golaha Wakiillada iyo Shirgudoonka ama labadii garab ee goluhu u kala jabay todobaadyadii dhawaa oo ahaa mid saxaafadu dibadda ka joogtay oo albaabadda la isku xidhay.
Waaheen - Ururka Haweenka ee gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga UDUB ayaa shalay kulan baladhan oo ay ku tageerayeen go’aankii golaha Guurtida ee soo afjaray khilaafaadkii siyaasadeed ee dalka hadheeyay oo ay ku qabteen xarunta xisbiga udub ee gobolka maroodi jeex. kulankan tageerada ah oo ay ka soo qayb galeen gudoomiyaasha garabka haweenka ee 5 deegmo iyo garabka dhalinyarada ee xisbiga udub, waxanay tageero u muujiyeen go,aankii golaha guurtida oo ay ku tilmaameen in uu ahaa go,aan geesinimo ah.
Ceerigaabo, (Harowo Desk) - Wararka laga helayo Magaalo Madaxda Gobolka Sanaag Ee Ceerigaabo ayaa sheegaya in Roobabkii Dayrtu ka curteen degaankaas, taas oo maalintii isniintii uu halkaa ka da’ay roob aad u laxaad leh oo lagu qabowsaday. Roobkan ka da’ay magaaladda Ceerigaabo oo sida wararku sheegeen da’ayay mudo shan saacadood ah waxa uu soo rogay biyo iyo daadad aad u baaxad balaadhnaa, oo magaaladda si wacan u xaadhay sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadka ku dhaqan magaaladda Ceerigaabo oo roobkaa aanu wax ka waydiinay.
Hargeysa (Jam) - Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Md. Jaamac Maxamed Cumar (Sweden), ayaa ku dhawaaqay in aanay jirin cid xilkooda Komishanimo ka qaadi karta, isla markaana aanay cid odhan karin iscasila ilaa lagu soo caddeeyo eedaha loo soo jeediyey. Md. Jaamac Maxamed Cumar oo waraysi khaas ah Jamhuuriya ku siiyey xafiiskiisa magaalada Hargeysa, waxa uu ku adkaystay in Komishanka Doorashooyinka Qaranku aanu ahayn wax aayar cidi iska odhan karto waanu beddelnay ama ha iscasilaan, balse yahay hay’ad qaran oo sharci ku dhisan, sidaa daraadeedna aanay aqbali doonin cid kasta oo karaamadooda iyo xuquuqdooda muwaadinimo meel kaga dhacda.
Boorama (Harowo) - Munaasabad ballaadhan oo lagu taageerayey go’aamadii kasoo baxay beesha caalamka iyo G/guurtida Somaliland, ayaa maanta lgu qabtay Huteelka Rays ee Magaalada Boorama. Xafladdan oo ay soo qabanqaabiyeen qaar ka mid ah haweenka G/awdal. Xafladan ayaa waxa ka soo qaybgalay wasiirka warfaafinta, Axmed Xaaji Daahir iyo raxan fanaaniin ah oo uu watay, Masuulyiinta xisbiga UDUB ee G/awdal, diblomaasiga caanka ah ee soomaaliland wakiilka uga ah dalka Itoobioya maxamed Sh. Xasan Nuuriye, maamulka Awdal, Salaadiin, boqollaal haween ah iyo martisharaf kale. Hoos ka Dhegeyso Qayb ka Mid ah Masuuliinta kala Duwan ee Ka Hadashay Xafladda.
Get Flash to see this player.
Few nations in the world are as strategically important but as little known as Djibouti, a small desert nation of half a million people in the heart of the Horn of Africa. A lingering insurgency by the ethnic-Afar Front pour la Restauration de l’Unité et de la Démocratie (Front for the Restoration of Unity and Democracy - FRUD) that many believed was over in 2001 has reemerged as one of a number of security problems challenging Djibouti’s continued stability.
Gabaygan waxa tiriyey Faarax Maxamuud Maxamed oo ah nin qoraa/gabyaa ah degganna Virginia, USA. Gabaygan waxa uu Faarax kaga qaybgelayaa doodii(HADEY GODO INANTA ANIGAA GUNAANADIYE ANIGA IYO GAALKA IYAMAA GAYA)ee Barkhad Xaaji Cabdi (Mr. Gabooye) soo bandhigay ee ku saabsanayd DIRSOOCA iyo TAKOORKA soo jiraaga ah ee beelaha Gabooye lagula dhaqmo.
DIRSOOC GABEY More
Waxa la yaab mudan in maanta loo dabaaldego waxyiga ay Dowlada Ethiopia ku soo dejisay Xisibiyada Mucaaridka iyo Xukuumadaba. Lixda waxiyi maxa cusub oo mucjisa ah baa mise waa wax la wada ogaa laakiin la is garab marinaayay?Waxaa mudo badan laga doodaayay in Serverka howshiisa la dhameeyo, Komishanka Doorashooyinka la habeeyo, in ay wada xaajoodaan xisbiyado, iyo in la sugu maalina codbixinta. Waxay xisbiyadu garanwaayeen ma ahayn. Xisbiyada Kulimye iyo UCID waxay danmoodeen moron, xin,….
An approach of grassroots initiative, compromise and peaceful order among the masses served well Somaliland over decades. Such wisdom saved it from much of the troubled scenes in the southern parts, but these fortunes may be at end as the political tempers flares up in the streets. If the latest news accounts from Hagias to go by, there is stormy waters ahead for Somaliland’s prospect: a well staged campaign of violent protest, vandalism and misinformation is in full-swing across the board. But the most disturbing of aspect of all is the new waves of denigration campaign against certain segments in the city, namely against people of Awdal origin.
Hargeysa (Harowo) - Wasiirka Arrimaha Dibada Md. C/laahi Maxamed Ducaale, ayaa sheegay in go’aankii ay Jimcihii la soo dhaafay ansixiyeen Golaha Guurtida Somaliland isla markaana ay ku qanceen darafyada siyaasadu uu ahaa hindisihii uu soo jeediyay Wasiirul dawlaha arrimaha dibada Itoobiya, oo metalayay deeqbixiyeyaasha iyo saaxiibada Somaliland. Wasiirka oo ka hadlayay go’aankii Guurtida, wuxuu yidhi “Waxaan aad iyo aad ugu mahad celinaynaa odayaasha guurtida guddoomiyaha, shirgudoonka iyo xubnaha guurtida go’aankii ay soo saareen ee muddo kordhinta madaxtooyada oo haddii aanay taasi dhicin dalka khalkhal geli lahaa mala.
Annagoo tixraacayna maqaalkii maanta ku soo baxay, wargeyska Jamhuuriya ee cadkiisu ahaa 3985 kuna taariikhaysnaa 27/09/2009, kuna salaysnayd in Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin, lagu qasbay inuu aqbalo lixdii qodob ee ay soo jeediyeen deeq bixiyeyaaha caalamiga ah laguna soo afjaray khilaafkii siyaasadeed ee dalka ka taagnaa, waxa aanu leenahay in warkaasi uu yahay dacaayad rakhiis ah oo ujeedada ka danbaysaa ay tahay in ummada lagu beer laxawsado, lagana been sheego xaqiiqada jirta.
Boorama (Harowo) - Munaasabad ballaadhan oo lagu taageerayey go’aamadii kasoo baxay beesha caalamka iyo G/guurtida soomaaliland ayaa maanta lgu qabtay Huteelka Rays ee Magaalada Boorama. Xafladdan oo ay soo qabanqaabiyeen qaar kamid ah haweenka G/awdal ayaa waxa kasoo qaybgalay wasiirka warfaafinta, Axmed Xaaji Daahir iyo raxan fanaaniin ah oo uu watay, Masuulyiinta xisbiga UDUB ee G/awdal, diblomaasiga caanka ah ee soomaaliland wakiilka uga ah dalka Itoobioya maxamed Sh.Xasan Nuuriye, maamulka Awdal, Salaadiin, boqollaal haween ah iyo martisharaf kale.
Get Flash to see this player.
Axmed Maxamed Maxamuud oo ku magac dheer Siilaanyo waa siyaasi weyn oo ka mid ah siyaasiyiinta JSL, dhalasho ahaan wuxuu ka soo jeedaa Magaalada Burco, oo ka tirsan Gobolka Togdheer, wakhtigii kacaanka wuxuu ka mid ahaa ragii sida aadka ah ula soo sheqeeyey xukuumadii Maxamed Siyaad Bare, wuxuu ka gaadhey darajo sare oo ah ilaa heer wasiir, markii dambe wuxuu ku dambeeyey halgankii hubeysnaa ee jabhadii SNM. Curashadii Somaliland ka dib wakhtigii Maddaxweyne Cigaal mansab wasiirnimo ayuu qabtey, cadaadis badan oo kaga yimid dhinaca Maddaxweyne Cigaal oo dariiqeedu ahaa cabsida weedha duca qabe xilku waa meerto darteed ayuu iska casiley xilkii wasiirka Maaliyada.

