August 31, 2009

Odhaahda Akhristaha: Gudomiya Golaha Wakiilada Somaliland oo Shacabka u Sheegay in la soo weeraray Golihii ay Soo Doorteen. Cajiib… Cajiib!!!

Saca qoslaya ee Gudomiya Golaha Wakiilada Somaliland oo Shacabka u sheegay in la soo weeraray Golihii ay soo doorteen. Cajiib!! Hadalka ka so baxay Saca qoslaya ee Gudoomiya Golaha Wakiilada, waa mid Niyadjab ku riday aniga iyo inta kale ee sidayda u fikirta ee Reer Somaliland Waxaana noo soo baxday sida uu Gudoomiyuhu u kala qaybiyay Cududii wada shaqaynlahayd ee Golaha Wakiilada ee Somaliland.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee Somaliland,Mr. Cirro oo loo yaqaan (La Vache qui rit), wuxu meesha ka saaray in uu masuulka yahay waxa meesha ka socda. Kala qaybsanaanta Golihiisana wuxu ku sheegay weerar kaga yimid meel kale oo ka baxsan Golihiisa uu gudoomiyaha ka yahay.

Qayb uu isagu ka mid yahay oo ka socda Xisbiayada Mucaaridka wuxu ku sheegay inay yihiin Gole la soo doortay, isla markaana ay xaq u leeyihiin inay Golaha u adeegsadaan ujeedooyinkasta oo ay wataan  Xisbiyada sheegta inay yihiin mucaarid, laaakin u muuqda inay yihiin Masiibo loo soo diray inay Buburiyaan Somaliland.

Qaybta kale ee ka soo baxday Xisbiga Talada haya ee Udub iyo Rag kale oo ka soo baxay Xisbiga Ucidna wuxu ku sheegay Qaar Golaha soo weeraray, isla markaana wuxu dafiray in iyaka qudhuuda la soo doortay, isla markaana ay xaq u leeyihiin inay ka soo horjeestaan fikirada qaldan ee ay wataan danaystayaasha u adeegsada Masabka ay hayaan sida qaldan.

Hadaba, markaan eegay sida qayral masuulnimada ah ee ka muuqata hadalada Gudoomiayaha,waxaa I soo gaadhay dhaawac. Dhaawacaasina wuxu I dhaxalsiiyay inaan ka rajo beelo wadankaygii oo iila muuqda inay dadkiisii ku hayaan weerar cadaan ah iyo mid gaadmo ahba.

Rajada kaliya ee aan leehayna waa Madaxweye Rayaale oo Xabsiga geeya Hogaamiyeyaasha Mucaaridka sheegta ee kala ah Faysal Waraabe iyo Axmed Siiraanyo.

Taasi haday dhacdo Somaliland waxay ka badbaadasaa isku dhaca siyaasadeed ee manta. Hadii ay taasi dhiciwaydana,isku dhaca siyaasadeed ee maantu wuxu keenidoonaa Burbur ku dhaca Dawladnimada Somaliland.

Burburkaasina wuxu noqondoonaa mid uu Hormood ka yahay Gudoomiha Golaha Wakiilada Somaliland Mr.Cirro (Saca qoslaya).

Wabilaahi Tawfiiq Axmed

Aden Xuseen (Dit Camash).

Email: geeddiqsi@hotmail.com

Login