August 31, 2009
Garaabo Jaad Oo Ka Hadhey Ijabanihii Saaka Uu Gawska Ku Joojiyey Baa Hortiisa Tuulan, Makhaayadana Waxaa Joogey Kaligii iyo Kariyihii Shaaha. (sheeko xiiso leh).
Tan iyo markii ay dawladu bilowdey diwaan galinta muwaadiniinta JSL waxaa degaanka ceelbardaale ka taagan dagaalo goos goos ah, kuwaasi oo sababey dhimasho iyo dhaawac isugu jira dad ay arrintani khuyseyso iyo kuwo aan ka war heynba, xaaladan colaadeed ee degaankaas ceelbardaale ka soo cusboonaadey ayaa sababta bilowgeeda loo tirinayaa ninka ku magac dheer Maxamuud Raage, Hadaba waa kuma Maxamuud Raage? Maxeyse shaqadiisu aheyd markii iigu horeysey ee aan la kulmo? Maalmihii xusuusta mudnaa ee nolosheyda soo mara makna haan dib u maalo mid ka mid ah, Waxey aheyd sanadkii 2006-da bishii saddexaad sagaal iyo labaatankeedii mar aan safar gaaban ku tagey dalka somaliland.
Safarkaasi wuxuu ahaa mid kadis ah oo ku sar go,naa hal todobaad oo kaliya maalintii aan ka duuley dalka Britain maalin ka dib waxaan ka degay magaalada hargeysa oo ah xarunta JSL, waxaaney aheyd maalin khamiis ah balse maalinkii ku xigtey oo tirsiga maalmaha Islamka magaceeda muslimiintu u yaqaanaan Jimce, markuu waagu baryey barqo dheer oo soo korna ay tahay ayaa waxaan kaxeysaney baabuur yar oo noociisu yahay Mark-2 misana xaafada laga lahaa, waxaanan taayirka saarney toobiyaha toosan ee taga Magaalada Gabiley oo qiyaastii Hargeysa u jirta 54KM.
Qorshaha socdaalkayagu wuxuu ahaa xaalad caafimaad daro oo la soo daristey ruux aan dhalasho wadaag nahay, tilmaamta iyo tiigsashadu waa ninka ku magac dheer Maxamuud Raage oo dadka baladka gudihiisa jooga ugu yeedhaan Sheekh Maxamuud Sheekh Muxumed Raage, waxa aan sidanaa waa tirada telephone-ka gacanta uu ku sito (Mobile Number) mar ay ced-ceedu miley dheer tahay misana aan hor joogno guriga uu ka degan yahay Magaalada Gabiley oo qufulan ayuu qalbigu yidhi tiigsada Mobile-ka aad sidataan oo garaaca Mobile-ka Maxamuud Raage si aad u ogaataan meesha uu ku sugan yahay, markaan garaacey ka gadaal waxaa igaga boodey codka wariye Khadar Maxamed Cakule oo leh khadku waa mashquul ee mar kale ku soo celi, fikir gaaban ka dib waxaan go’aansaney in aan tagno degaanka ceelbardaale oo ah barta uu Maxamuud Raage degan yahay, jidka laamiga ah ee Gabiley dhex mara ayaan midig uuga degney waxaanan u dhaqaaqney dhinaca qiblada ee loo tukado markaad dhex joogto JSL.
Waxey aheyd wakhti abaar daba-dheeraatey degaanku ka soo dooganayo, waana wakhtigii caadada aheyd ee cimilo roobaadka looga bartey curashda Guga, marka aad fiiriso misana dhaayaha la raacdo degaanada ku dhinac teedsan wadada gaadiidku maro ma arkeysid degaan kaliya oo reeruhu si xidhiidh ah u wada degan yihiin, cabaar marka aad maalto cagta baabuurka waxa aad arkeysaa reero si teel-teel ah u degan, dhulku waa banaan beero qodaal ah u badan buuruhuna ay dhinac teedsan yihiin, markii aan soo gaadhney meesha lagu magacaabo Buqdhada oo ah halka Maxamuud Raage ka degan yahay degaanka ceelbardaale ayaa waxaan sheeda ka aragney gaadhiga gaarka u ah oo horjooga guri girgid ka sameysan misana la iigu magac dhabey in ay tahay maqaaxi dadka socotada ah ee jidka maraya iyo kuwa ka ag-dhow degaanka ay ku taalo ay ka shaahaan, barxada hore ee makhaayada ayaan joojiyaha baabuurka ku bakhtiiney.
Markaan gudaha hore u galney makhaayadana waxaan indhaha ku dhuftey nin joogiisu dhex-dhexaad yahay, jaahiisu madow yahay, jimidhkiisuna buurni isku buuxda yahay wuxuu xidhnaa macows, shaadh iyo koofiyad kaas oo garabkiisa midigna saaran tahay cimaamad cad, qoorta wuxuu ku sitey tusbax Haybe ah oo aan tirsigiisa ku qiyaasey ilaa labo boqol oo xabo kaas oo noociisu yahay ka ay qaataan dadka haysta dariiqada loo yaqaano Qaadirida oo bilowgeedu asal ahaan ka soo jeedo sheekh Cabdiqaadir Jeylaani, Garaabo jaad oo ka hadhey ijabanihii saaka uu ku gaws joojey baa hortiisa tuulan, makhaayadana waxa jooga kaligii iyo kariyihii shaaha, barasho gaaban ka dib wuxuu Maxamuud Raage gudo galey ka sheekeynta dhulka iyo dhagaxda macdanta.
Qiimeynta aan hadalkiisa ku sameynayey wuxuu garaadkeygu qiraale u noqdey in uu leeyahay aqoon dhinaca maadiga ah oo noloshiisa ku filan, garasho faah-faahsan oo aan gudo galey ka gadaalna waxaan dib ugu soo raad joogsadey in uu ka mid ahaa rag qalin jabintoodu ka dhawaatey agagaarka kuliyadii caafimaadka ee Lafoole, muuqaal ahaan marka aan fiiriyo fikradihiisu waxey iila muuqdeen shakhsi meel fog wax ka arkaya, humaaga hamadiisuna tamaniyeyso tilmaamta mashaariic maax-dalabkoodu yahay sidii macdanta dhulka ku jirta loola soo bixi lahaa.
Xayeysiiska suuqa la isla dhex marayo iyo iidhada dadku ka bixinayaan ee Maxamuud Raage u meel martey waa mida aan ugu tagney, markaanse u sheegney muraadka aan ka leenahay wuxuu hadal ku soo koobey arrintan dhanka maqaamka ayaan la tageynaa, Maxamuud Raage wuxuu si hodantinimo ku jirto noogu dalbey caano geel oo xoor diiran xaga sare ka xabeebinaya, wax yar ka dib waxaan beegsaney barta uu ka dhisan yahay markiska uu wax ku dabiibo oo aan sidaaba uuga dheereyn makhaayada, markii aan soo joogsaney duleedka maqaamka waxey indhaheygu qabteen bustaan baaxad balaadhan ku fadhiya oo dhexdiisa laga beerey geedaha bixiya midhaha macaan ee la cuno iyo khudrad kala duwan, waana mashruuc aad u da,weyn dushiisana ka muuqato in mudo badan laga soo shaqeeyey hadii ay hamadaadu is-tidhaahdo biseylka waaxyihiisa indhaha kaga bogo uu daraandar iyo daal ku dilayo.
Markii aan socdaalka ku tagey degaankaa ceelbardaale, dhulku wuxuu ahaa dhul nabad ah oo aaney niyadaada marnaba galeyn guux cabsiyeed iyo guluf colaadeed midna, markan aan la fadhiyey Maxamuud Raage-na shaqadiisu waxey aheyd saarista jinka, rogista sixirka iyo dabiibka isha, mar aan isu dayey in aan macluumaad ka qaato amase ka qoro shaqadan waxey ii shegeen ilo ku dhow dhow Maxamuud Raage kuwaasi oo shaqadiisa u dhuun daloola in uu jinka ku saaraa mudo saddex daqiiqo ah, hadiise ay mudadaas la dhaafto misna xaalada ruuxa la dabiibayo waxba iska soo tari weydo waxa uu ku odhanayaa jirada ku haysaa jin maahinee waa sixir, rogista sixirkana waxaa u qorsheysan bey igu yidhaahdeen muddo toban daqiiqo ah ilaa labaatan daqiiqo, dhinaca isha wuxuu u adeegsadaa biyo bukaanka baabacooyinkiisa loo mariyo ka dibna qofku ursanayo, haddii uu qofku uriyo urta siniinta digada xoolaha ama ta digaaga oo kale xaalada bukaankaasi waa il bani,aadmi (Caynu Naas).
Sidoo kale waxaa la ii sheegey in uu Maxamuud Raage dhaley caruur aad u tiro badan isaga oo cimrigiisu yahay mid markaas uun madaxa la galey koton jir, marka aad eegto hawsha balaadhan ee uu ku jiro sida wax soosaarka bustaanka, beero falida, buuro baadhka iyo bani,aadmi dabiibka waxaad is-weydiineysaa su,aasha ah talow yaa hawshani la kala hora? balse marka aad aragto dhow wiil oo is madax leeg misana dhinaca walbe u boodaya kuwaasi oo dhab ahaantii dhabrkiisa ka soo go’ay waxaad jawaab waafiya u heleysaa su,aashaadii oo waxaad isku qancineysaa walee kani uma baahna ciidan kaalmeeya iyo cid u gargaarta toona.
Sidaas oo ay tahay taxaliisha khadka madow laga miirayo iyo tufka qoraalka quraanka ah ee qofka jinka laga saarey lagu qorayo jidhkiisa waxaa u qaabilsan qaar ka mid ah wiilashiisa, inkasta oo la odhan karo asal ahaan cilmigan wuxuu ka dhaxley aabihii hadana waxey ii sheegeen waayeel laga qaatayaal ahi in isaga oo aan qaan gaadhin sheekh weyn oo ay aabihii saaxiibo ahaayeen mar uu siyaaro ugu yimid madaxa u salaaxey, markaasna ugu duceeyey in marka ay da,diisu gaadho afartan jir uu noqdo qof dadka buka dabiiba.
Sidaas oo ay tahay hadana hawshani uu ku jiro ee jin saarka ah wuxuu bilaabey dhow sano ka hor, dadka uu dabiibayo duunyo kama qaato oo waa dariiqadii aabihii dadkuse waxey u keenaan jawaano jaad ah iyo kiilooyo sonkor ah, kuwaasi oo uu isaga jeediyo xerta ku xeeran, marka ay ced-ceedu godka ku libidho ee uu gabalku dumo waxaa degaanka is-qabsada kaaha ka ifaya gaadiidka ku socda guriga Maxamuud Raage, habeenkii aan halkaasi joogey waxaan kula kulmey dad fara badan oo siyaabo kala duwan in loo dabiibo u soo diyaar garoobey.
Dadkaasi waxaa ku jirey qaar ka yimid Magaalooyinka kala duwan sida Hargeysa, Borama Ceerigaabo iyo Laascaanood, kuwaasi oo isugu jirey kuwo uu jin galey, qaar la sixrey iyo kuwo badan oo boqol talintoodii wax daawo ah ku waayey, gabadh soomaaliyeed oo aan meesha ku arkey markaan wareystey misana aan la sheekeystey waxey ii sheegtey in ay ka timid Magaalada Diri-Dhaba oo ku taala dalka Ethiopia, safarkaa dheer ee dhinaca dhulka ah waxey gabadhaasi u soo martey in ay dawo u hesho xanuunka uu jidhkeedu la ildaran yahay.
Markiska uu Maxamuud Raage wax ku dabiibayey waa hool aad u dheer oo laga dhisey sharab iyo dhooqo la isla dhacey, habeenkii markey tahay waxaa ka baxa laanbado laydh ah oo iftiimiya gudihiisa, kuwaasi oo ku shaqeeya qalabka luqada qalaad lagu yidhaahdo Solar Energey Lights kuwaasi oo isticmaalka System-koodu yahay in la kor dhigo guriga dushiisa si uu u qaato kuleylka iyo xarka ay bixinayaan falaadha qoraxda oo ah quudka uu ku shaqeeyo qalabkaasi, hoolka gudihiisa shamac baa ku goglan makhadado dhowr ahna gidaarkey dhinac teedsan yihiin, geesta aad guriga dhexdiisa eegtaba waxaa yaala jirikaano caag ka sameysan oo qiyaastii ah kuwa qaadkoodu yahay labaatan litter.
Markaan weydiiyey qof ka mid ah kaaliyaashii Maxamuud Raage wuxuu ii sheegey in ay ku jiraan caagadahani biyaha cashirka taxaliisha loogu talo galey bukaanka, marka ugu horeysa waxaa biyahaasi lagu shubayaa maddaxa bukaanka, haddii lagugu jiro iyo haddii kaleba halkaas ayaa laga garanayaa, qofka lagu jiro marka biyahaas lagu shubo qosol kama soo baxo waxaan qeylo aheyn, dadka meesha isugu yimid sida ay u aaminsan yihiin Maxamuud Raage waxaad moodaa muruud waligiiba wax dabiibi jirey, tilmaamta iyo tiigsashada halka uu kolba joogo waa mid tusmadeedu tahay taxaliishiisa oo ay dadku wax ka arkeen, layaabka habeenkaas igu dhacey ee dhabano hayska igu ridey waxey aheyd markaan arkey ku yar oo aan da’diisa ku qiyaasey ilaa Lix Jir, kaas oo xidhan garan iyo surwaal dabo gaab ah. Kolkuu sheekh Maxamuud Raage horfadhiistey ee ay laba kalmadood is-weydaarsadeen shiki weyn baa i galey, waayo?
Doobta uu yarku tuurayo waa mid u qawdhameysa sidii qof qaangaadh ah, dabiib hore ugu socdey ayuu socdaalkiisa caawa daba-joogaa, dabuub hadal ayuu Maxamuud Raage runta diirka ka cadeeyey oo uu yidhi: Wiilkan yar ee aad u wada jeedaan misana aad moodeysaan inuu yahay Lix Jir waa nin shan iyo labaatan jir ah oo jabuuti ka yimid, Magaalada Gabiley ayuu marti ku yahay, muraadkiisa waan ku guuleystey, maradkii hayeyna mawle waa ka shaafiyey, caawana waxaa soo kalifey cajalada ay maskaxdiisu soo cel-celineyso oo maankiisu u maleynayo inuu sidii hore yahay.Maanshaa alaah buu maanta marayaa hayeeshee jidhkiisa dhadhey iyo jirada ku dhacdey waxa weeyi markii uu dhashey ayey laba jin oo mataano ah galeen markaasi bey koriinkii ka xidheen, weydinkaa arkaya muuqaalkiisa oo la moodo wiil yar oo aan wali qaangaadhin.
Maxamuud Raage waxa uu ahaa markii isugu kaaya horeysey makhluuqa noocaas wax u dabiiba oo ay dad badani ku xidhnaayeen mar aan dalka dib ugu laabtey oo aan ku kulaney bartamaha magaalada Hargeysa wuxuu ii sheegey in uu markiskii uu dadka ku dabiibi jirey u soo rarey magaalada Hargeysa balse bustaankii iyo bartii uu deganaa yihiin Buqdhada oo ka mid ah degaanka Ceelbardaale.
Hadaba, maanta waxaa nasiib daro weyn ah wararka isa soo taraya ee nuxurkoodu tilmaamayo ninkii noocaas ahaa baa bilaabe ka ah dirirta burqaneysa, doodahan is-diidan iyo dagaalkan balaadhey, dulucda hadalku wuxuu yahay dunida tan ee aynu ku noolnahay korkeeda wax kastaa wey ka dhacaan balse bulshada caafimaadka qabta badankoodu bayaan ha u ogaadeen in aaney Nabadi bilaneyn, naxariis bildhaantana aaney imaneyn inta shakhsiyaad daneystayaal ahi damac uu kaga jiro dhul aaney xaq iyo xuquuqtoona u laheyn in ay dagaal ku xalaaleystaan.
Dhamaad
Qalinkii: Abdirasaaq Hammaal
E-mail: rasiiqi07@hotmail.com
