August 30, 2009
Xudunta Awood-Darrida Shirgudoonka iyo Murranka Mudaneyaasha
Hargeysa (Golis) - Murranka iyo khilaafaadadan joogtada ah ee tan iyo intii uu Goluhu jireyba ku soo noq-noqonayey Golaha Xildhibaanada la soo doortay, kuwaasoo markii hore bulshadu aad ugu han weynayd. Hase-yeeshee, markii danbe ku noqday ‘Nin Daad Qaaday Xumbo Cuskay’, ka dib markii uu beenoobay malihii ay bulshadu ka filaysay. Iyada oo taasi dhalisay in dadka arrimaha siyaasada u kuu gala iyo bulshada rayidka ah labaduba marka la soo hadal qaado Golaha Wakiillada ay ka bixiyaan fasiraado kala duwan, waxana aragtiyahaa dadka qaarkood ku sifeeyaan Golaha Wakiillada mid aan ujeeddo siyaasadeed oo sugan, sida Goleyaasha kale ee dhigooga ah.
Waxanay dadka aragtidaa qabaa soo daliishadaan in Golihii la soo doortay shaqadoodii noqotay ka turjumada danaha siyaasadeed ee ay leeyihiin xisbiyada mucaaridka oo keliya. Balse haba-yaraatee, afartii Sanno ee ay madasha fadhiyeen sanad keliyana ha noqotee aanay ujeeddadii loo igmaday.
Dadka qaarkii ayaa iyaguna qaba in Mucaarid, Muxaafid iyo shacbiga midkoodna aanay u shaqeyn ama dan u ahayn Goluhu, balse ay ku mashquulsan yihiin oo keliya, waxayna dadka fikirkaa qabaa dooddooda u cuskadaan tallaabadii ugu horeysay ee ay ku dhaqaaqeen markii xilka loo dhaariyey, taasoo ahayd go’aankii ay mushaharka ku kordhisteen, isla markaana ku ansaxsadeen mushahar gaadhaya $700 (Siddeed Boqol oo Doollar), kaasoo marka loo eego xaalada dalka iyo duruufta dadka loo fasiran karo arrin lexe-jeclo darro ah oo ka markhaati ka kacaysa heerka ay taagan Xildhibaanadii loo han-weynaa, maadaama uu qawlkoodii ugu horeeyey uu noqday mid ay dantoodii kaga hadlayaan, halkii bulshadu ka filaysay in ay dhaami doonaan Golihii ka horeeyey ee ku yimi nidaamka beelaha.
Hada’se ay arrintu tahay mid taa ka duwan, golihii horena uu boqol jeer ka wax tar iyo tayoba wanaagsanaa Golahan is-xambaarku u badan yahay. Docda kale waxa iyaduna murranka is-weydiinteedu bulshada ku badan tahay sababaha awooda ka qaaday Shir-gudoonka Golaha Wakiillada, maadaama Golihii kan ka horeeyeyba ay bulshadu ku arki jirtay xildhibaano Goluhu ka qaado tallaabooyin anshax-marineed marka ay ku kacaan falal noocan oo kale ah.
Haddaba, baadhitaano Wargeyska Yool ku sameeyey doodad arrintaa ku saabsan waxa uu ku ogaaday in xudunta awooda hoggaanka Goluhu ay ku qotonto xeer hoosaadka Golaha, kaasoo ah mid lagu sameeyey ujeeddo siyaasadeed oo ay kala iibsadeen Shir-gudoonka iyo Xildhibaanadu, balse aan la qiimeyn awoodii iyo haykalkii Golaha.
Tusaale ahaan sida uu dhigayo xeer hoosaadka Goluhu waxa xubnaha Shir-gudoonka xilka ka qaadi kara tiro dhan 55 Mudane, taasoo ah 2/3 (Saddex Meeloodow laba Meelood tirade Guud ee Golaha), halka uu goluhu hore ka ahaa hal dheeri (Simple Majority). Arrintaasoo ah mida laga iibiyey Shir-gudoonka.
Iyada oo dhinaca kalena xidhibaanadu arrintaa kaga bedesheen Shirgudoonka in aan haba-yaraatee xeerka lagu darin wax xukun ah oo lagu anshax marinayo Mudaneyaasha ku kaca falal anshaxa Golaha wax u dhimaya, marka laga reebo qoddobo yar oo aan dhaafsiisnayn isu-dhego-nuglaanta Xildhibaanada.
