August 30, 2009
Kaalinta Qalinka Iyo Qoraaga
Sida aynu la socono qalinku waa aasasska iyo hormamarka ay umadi samayso ta u qiimaha badan, waxa kale uu astaan u yahay bulshada hiigsanyso in ay soo saarto dad iyo dal ku dhisan aqoon amaba hadaynu sida kale u dhigno dal ay dadkeedku ku hamiyaya inay qalinka qaatan, hadaad aragto bulsho ay dadkeedu ama faceedu ka daalaan inay qalinka adeegsadaan, runtii waxaa la odhan karaa waxaa umad gadaaal u socta.
Qalinku waa aalada loo adeegsado in isbadal midho dhal ah lagu sameeyo, taasi waxay meesha ka saaraysaa baqihii laga qabay xaga aminga waayo waxa isbadlka wakhtigii hore lagu samayn jiray amba dhaliyradii wakhtiyadii hore u adeegsan jireen ay ahayd xaga qoriga iyo in qas iyo qalalase ku gaadhaan himiladooda, halka ay maanta dhaliyaradu rabaan inay isbadlka u adeegsadaan oo ay ku sameeyaan qalinka. Waxaan odhan karnaa waxaa la gaadhay wakhtigii uu caqligu ina hogaamin lahaa, waktigaasi waa xiliga aad aragtid waxa loo yaqaano kacaankii qalinka ee somalalind (Somaliland pen revolution era). Waxaa filyaa in taasi ay hada uu bilaw tahay oo ay arday badan inooga qalin basay jaamacdaha dalka.
Si kasta ha ahaate qalinku waa mid waxa lagu dumin karo, waxana loogu dhisi karo umad dhan, waxa maanta in badan macfruuca in dalal badan lagu furo dacaaydo ka dhan ah ilaa ay ku sigtaan inay burburaan, waxaa sidoo kale iyna aan meesha ka madhnayn in qalinku uu maanta dunida ka dhigay sidii tuulo oo kale oo aad isla minute-kiibaad aad helisad maqaal ka hadalay wixii dunida ka dhacay daclkeeda taasna waxaa suurta galiyay internetka oo uu asal u yahay qalinku.
Isku soo wada duubooboo qalinku waa waxa ay umadi kaga horumari karto umadadaka kale amba waa yoolka (goals) ay umad walba ay hiigsanyso inay gaadho oo ay xaqiijiso.
Hadaba waxaa xusid mudan in bulshadeena ay waayahana danba ay ku soo kordhayaan dadka xiisayna inay qoraalo sameeyaan, ha ahaato mid ay rabaan inay buugaag ku soo saaraan, ha ahaado maqaalo ay web site-yada ama journalada ay ku qoraan, waxaa la odhan kaaraa waa bulsho muujinaysa astaamihii horumarka aqooneed, waa bulsho u socta xagii wanaaga (positive-ka) ahaa taas oo ay dhaliyaradeed ay ku baarugasn yihiin qiimaha iyo ahamiyada uu leeyahay inaad isbadalka u adeegsatida xaga qalinka halka ayaa toban sano ka hor ay ahayd luuqada qudha ee waxa la xaliyaa inaad adeegsatid qori.
Sidaas daraadeed, Hadii qalinku yahay aalad laba af leh oo waxana lagu dhiso karo waxana lagu dumin karo, hadii qalinku yahay astaan horumarindeed waxaa haboon inaan is waydiino waa kuma qoraaga ama kaalintee ayuu kaga jiraa umada maxayse tahay masuuliyada saarani dhan kale waxaa maxay milgahay uu ilaalinyno ninka ama gabadha qoraaga ah ee adeegsanya aaladan qaaliga ah. Runtii waa mid siyaabo badan loo fasiri karo oo ay dadku kula duwanaan karaan.
Hadaba si aynu u dareensiino kaalinta uu kaga jiro qoraagu bulshada Waxaan rabaa inaan dood soo dhex dhigo bulsha waynta adeegsanta qalinka suaalahan kooban oo ah kuwan hoos u xusan:
* Waa maxay kaalinta aad kaga jirto bulsha weynta aad la noosha? Mase dareensan tahay doorka ( role) aad kuleedahay?
* Ma ogtahay hadii bulsho ay kala tagaan (disparity) dadkeeda aqoon yahay iyo dadkeeda aan aqoonta lehay in (illiterate) ay umadaasi khatar ugu jirto burur waxaa jirtay farqi iyo loolan u dhexeeya labadooda?
* Waa maxay masuuliyada saarana qofka adeegsanya qalinka?
* Ma jirtaa waxa ka hor istaagaya inuu qoro maqaal uu cid gaara ugu durayaa iyadoo aysan mustaysan eedaas?
* Waa maxay qaabka uu rabo inuu ku gaadhsiiyo akhrisytaasho ama audiences –ka? Ma mid masuuliayad xambaarsanbaa mise waa mid kale?
Ugu horayn waxaa xusid mudayn in qoraaga yahay qofka qaabaynaya am qusyanya qaabka ay bulsho u dhisantahay ama ay rabto inay u noolaato, waxaa runtii la odhan karaa waa mida dhisaya manhaj dhan oo ay umadi rabto inuu u noqdo qaab nolaleedkadii, waa mid u gudbinay bulshada waxa uu rabo inuu umada ku hago oo ku baarujiyo inay aya jiro qaab ama wado (shortcut) lagu gaadhi karo hormar dag-dag ah.
Waxaan shaki ku jirin in qoraaga yahay hogaaminya kacaanka qalinka somalind (Somaliland pen revolution era) aynu rabno inaynu ku badalno bulshadan daashay ee taaqaanay inay aanay waxaba qorin waxan akhriyin. Qoraa kastaa waxa uu gudbinyaa waa message uu kusheegayo laba mid uun inuu wax fiican gudbiyo am uu gadaal dadka rabo inuu u hogaamiye. Aynu dhamaanteen isku dayno inay bulsha xaga horumarka qalinka u hogaamino.
Qofka qoraaga ahi maha mida waxa walba oo maskaxdiisa kusoo dhaco qora ee waa ka dhawra milgahay iyo sharfta uu xanbaarsan yahay qalinku. Waa mid ay hagayso qawaaniin oo u diidaysa inuu gudbiyo oo uu bulshada gaadhsiiyo khabar ama dhambaal xanbaarsan waxa diinta, dalka iyo dadkaba waxa u dhimaya oo u horseedaya inay dib uga dhacdo mustawaheeda nolaleed.
Guntii iyo gebadii macduucan waxaaku soo laba eray , kan hore waxa weeye dadka dunida hogamiyaa waxaa dadkeeda aqoon yahaynka ah aynu isku dayno inaynu kaalintaas buuxino. Ta ugu danbaysaa waxaa usoo jeedin lahaa dhamaan bulshada somalind, aqoon yahay, salaadiin,culimudiin, gancasto, dhalin yaro iyo dawladaba in la gaadhay wakhtigii aynu qalinka waxa ku badli lahay (Somaliland pen revolution era)
Wa bilaahi tawfiiq
Farhan Mahamed Eggeh
E-mail: farxaan42@hotmail.com
