August 30, 2009

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Mud. Cirro oo Maanta Galay shabaqii kalluunka ee Inta Badan Faysal Cali Waraabe La raadinayey!

Gudoomiyaha golaha wakiilada ee JSL Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta ku hor kufay saaxadda siyaasadda kadib markii uu si badheedh ah oo xagjirnimo ku dheehan tahay uu ula saftay hal dhinac,mudanayaashii dooddu u dhexeysay. Md.Cirro oo awalba lagu xaman jirey shaqsi ka aradan afkaaraha siyaasadeed ee maskaxdiisa ka soo maaxda,balse ku shaqayn jirey fikradaha ama hadalada uu u soo dhiibo gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Md.Faysal Cali Waraabe,ayaa hadaladiisa maantu ahaayeen xaalad abuur iyo khalkhal saameyn ku yeelan kara guud ahaan dalka oo dhan,gaar ahaana xasiloonida iyo kala dambeynta caasimadda.

Shirgudoonka golaha wakiiladu sharci ahaan wuxuu metelaa dhamaan shacabka Soomaaliland oo dhan,maadaama oo uu gudoomiye u yahay mudanayaashii metelayey ee ay soo doorteen shacabku. Md.Cirro-na wuxuu hore u sheegay inuu maalintii uu gudoomiyaha noqday uu muraayad QARAN gashaday, oo ay isugu wada mid yihiin dhamaan mudanayaasha golaha wakiiladu iyadoon loo eegin xisbigay ka tirsan yihiin (despite which party they belong to).

Taasi waxay beenowday maanta kadib markii Faysal Cali Waraabe oo waraysi siiyey idaacadda VOA-da uu ku sheegay in gudoomiyaha golaha wakiiladu aanu dhexdhexaad ka noqon karin dhamaan mudanayaasha xisbiyada qaranka soomaaliland ,balse uu mar walba ay tahay inuu la safto xisbiyada mucaaradka,haddii ay kuwa mucaaradka ahi is qabtaana uu xisbigiisa Ucid la safan doono.

Arrintaas oo ahayd hadal aan laga fiirsan oo kasoo burqaday shaqsi siyaasaddiisu aanay fadhiyin oo sida geedka gabaldayaha gelinba dhinac u janjeedha,gudoomiyaha golaha wakiiladu wuu ku raacay kuna taageeray khaladkaas gudoomiyihiisa.

Md.Cirro oo kamid ahaa aasaasayaashii xisbiga Ucid ee uu Faysal mulkiyadiisa sida gaarka ah u sheegto,ayaa ilaa hadda aan garan oo fahmin hagardaamooyinka uu Faysal la damacsan yahay iyo sida uu ugu hamuun qabo inuu mar qudha u baabi,iyo himilooyinkiisa siyaasadeed ee mustaqbalka si uu uga takhaluso,cawaaqibxumana ugala kulmo siyaasadda Soomaaliland,isagoo ujeedadiisa ugu weynina ay tahay inuu ka takhaluso shaqsi kasta oo la sheegan kara inuu xisbiga la leeyahay.

Md.Cirro intii uu xilkan hayey shirar badan iyo xaflado badan oo ay kusoo casuumeen hay’ado dowli ah iyo kuwo aan dowli ahayn,dibad iyo gudaba,marka codbaahiyaha lagu soo dhoweeyoaba waxa meel kasoo booda Faysal oo aan ajandaha ku jirin,wuxuu rabona iskaga hadli jirey,iyadoo taasi loo fasiri karo bahdilaad uu Cirro ku bahdilayey,balse Cirro sheekadiisu ay iska ahayd ilaa haddana tahay ”Cadduur dhowdhowdu uma dhacsana”.

Gudoomiye Cirro maanta ayuu galay shabaqii uu ku kaluumeysan jirey Faysal Cali Waraabe,gacantiisa ayuuna isku gowracay maanta,talaabada sharciga kasoo horjeedda ee uu qaaday maantana waa mid 100% cawaaqib xumo ku keeni karta mustaqbalka siyaasaddiisa. Ninka maanta 82 mudane oo uu gudoomiye u yahay u kala eexday ee dhexdhexaad ka noqon waayey,berrina maxaa laga filan karaa?? Waxa laga filan karaa isagoo ay ku jirto cajaladii uu gashaday Faysal Cali Waraabe inuu burbur u horseedo qaranimada Soomaaliland.

Anigoo ku hadlaya magacayga,kan jaaliyadda Soomaaliland ee New-york waxaan walaalkay Md.C/Raxmaan Cirro usoo jeedinaynaa inuu sida ugu dhaqsaha badan isu casilo,haddii kale uu qaladaadkiisa sida ugu dhaqsaha badan u saxo,golaha uu shirgudoonka u yahayna uu dhex u ahaado.Ninka kafantiisa tolaya ee uu kabahiisa tolayana uu hadda wixii ka dambeeya ka fiirsado afcaashiisa.

Dhamaan shacabkana waxaan usoo jeedinayaa shaqsiyaadka belada u gacan haadinaya ee dalka raba inuu dib beeleysi iyo qudhun ugu noqdo iska qabta,fursadna ha siinina ay ku fushan karaan fikradohooda guracan ee colaadda lagu gelinayo dhulkeena nabadda ah.

Yeeli meyno in dalku dib ugu noqdo sanadihii sagaashanaadkii,oo kuwii maalmahaas qaska waday haddana ay dab hurinayaan.

Shacabka xalaasha ahi wuxuu leeyahay MAYA QABIIL,HAA QARANIMO.

Wabilaahi tawfiiq

Jaamac Ducaale

Email: jaamacducaale09@hotmail.com

Login