August 30, 2009
Afhayeenka UDUB Muj. Cali Guray oo Ka hadlay Muranka Wakiiladda, Eedaymaha Xisbiyadda mucaaridka iyo guud ahaan Xaaladda Dalka
Hargeysa (Harowo Desk) Afhayeenka Xisbiga Taladda dalka haya ee UDUB Muj. Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) Ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta Xisbiga UDUB ee magaaladda Hargeysa kaga hadlay xaaladda muran ee u dhaxaysa Mudanayaasha Golaha Wakiiladda iyo hab dhaqanka Siyaasadeed ee Xisbiyada Mucaaridka. Cali Guray oo ugu horayn ka hadlay Golaha Wakiiladda ayaa sheegay in waxa ka socdaa yahay qorshayaashii xisbiga Kulmiye, kuwaas oo aan haba yaraatee lahayn wax ujeedo ah oo la garto.
Waxa uu Muj. Cali Gurey tilmaamay in doodaha xisbiyadda Mucaaridka Somaliland yihiin qaar aanay hayn jawaabtooda, tusaale ahaan waxa uu sheegay in xisbiyada mucaaridku diideen tartan, isla markaana diideen wax walba, marka la waydiiyo waxa ay doonayaana aanay jawaab hayn. Haddaba hadalkii Muj. Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo dhamaystiran hoos ka dhegayso.
