August 29, 2009

Xogahayaha Guud ee Kulmiye Muxuu Kula Saftay Inaadeerkii Rambo?

Maalinba maalinta ka danbaysa wax kaa yaabiya ayaad arkaysaa, waxaan uga jeedaa waxaan la yaabay waxa xisbiyaddii mucaaradka ahaa ay markay doonaan ay u hadlaan sidii oo uu yahay caaqil ama suldaan reereed. Bal miyaanay layaab ahayn in Xoghayihii Kulmiye Keyse Xasan intuu iska illaaway xilkiisii xoghayanimo oo ay qaaday caadifad kale oo ah maxaa reerkayaga wax looga sheegayaa?

Subxaanalaah ! Mudane Xoghaye lagaagama fadhiyin maanta in aad Wariye Rambo oo galay qaladkiisii saxafinimo ee abid ugu weynaa in aad isla garab taagto hiil iyo garab doqoniimo.

Waxaa ka muuqata waraysiga uu xoghayuu siiyey wargeyska in uu is leeyahay arrinta balaadhi oo ka dhig guud ahaan gobolka Hargaysa, isla mar ahaantana uu rabo in uu majaro habaabiyo yoolka iyo hadafkii Rambo ka lahaa qoraalkiisii.

Xoghayaha Guud ee kulmiye oo daaqad ka soo galay saaxada siyaasadeed ee wadanka ka dib markii si lama filaana looga dhigay xoghaya guud ee kulmiye, markii uu geeriyooday alle ha u naxariistee xoghayihii hore ee Kulmiye marxuum Daa’uud.

Waxaan u sheegayaa xoghayaha in wadanku qaatay nidaamka xisbiyada isla mar ahaantaana aan looga fadhiyin in u ku taageero cid khaldantay khladkeeda, bal e uu ahaa waajibkiisuu in uu inaadeerkii Maxamed Rambo ku yidhaahdo Waar ya waad ka gar daran tahay wasiirka iyo madaxweynaha iyo qarankaba isla mar ahaantaana uu horseed ka ahaado xaalmarinta uu kala soo dheereeyey xildhibaan Mataan.

Xildhibaan Mataan oo run ahaantii ah xildhibaan qaaliya wuxuu dareemay khaladka laga galay qaranka iyo bulshada Somaliland taasina waa ta keentay in uu si degdeg ah uu xaalka u keeno isagoo ka wakiil ah dhamaan xoghaye Keyse iyo wariye maxamed Rambo.

Waxaan ku leeyahay waad ku mahad santahay mudane xildhibaan aragtidaada iyo fikirkaaga caafimaadka qabo.

Mukhtar Duale

Email: mduaale@gmail.com

Login