August 29, 2009
Tiiraanyadiinnii Horaan Tiicayaa Weliye, Miyaanu Caqligu Toosahayn Tanina Waa Yaabe!
Muranka manta taagini waa mid dhammaanteen aan masuul ka wada nahay, waayo dhinacyada is haya waxaan u nahay xaabo dabka sii hol cisa. Taas waxaan uga jeedaa qofna dhinaca uu taageersan yahay hadduu khaladku jiro kama qabto, iska daa khalad uu u sheego’e wuxuu u haystaa ma danbaabe sida malaa’iigta. Haddii arrin sidaa yahay markaa denbiga waan wada qabnaa. Maanta ninka yidhaa ‘cid heblaayo ayaa eedda oo dhan iska leh’ waa nin aan aakhiradiisa u tudhan,danta bulshada si dhab ah u eegin.
Maanta sidaan ognahay hay’adihii qaranku (golayaal, madaxtooyo, garsoor, guddi doorasho, xisbiyo) intuba wey karaamo jabeen. Midba mid buu cunay, midba mid buu inkiray, haddaan muranka taagan dib looga laaban oo colaadda khilaafka walaaltinimo lagu bedelin waxa xigaa waa in shicibkana inta la cunay lagu daro. Taasi hadday dhacdana waa qaran-jab buuxa.
Marka la eego mandaqadda aan ku noolnahay waxa ka socda waxaan joognaa Ilaahay mahaddii, wanaagga Ilaah ina siiyey inaan ku shugrino oo aynaan ku kufriyin weeye, markaan is khilaafnaba waa inaan hoos u eegno qayrkeena halka khilaafku gaadhsiiyey.
Khilaafka maanta taagani maaha mid ka adag kuwii hore inoo soomaray ee aan dhexdeenna ka dhamaysannay, waayo waxa ina soo maray khilaafyo dagaal iyo gacan ka hadal gaadhay oo dad badani ku le’day, oo dad badani ku barakacay, haddana waan ka heshiinay inakoon cidna u yeeedhan. Markaa inaan maanta nidhaahno ‘waxa na haysta dhibaato aanaan kelidayo xallin Karin ee caalamkow noo soo gurmo’ waxaan u arkaa inay taasi karaamo jab ku tahay shacabka Somaliland, haddii lagu sii adkaystana ay tirtirayso taariikhdii dahabka ahayd ee hore iyo weliba in dib looga noqdo halka maanta la joogo iska daa wax la higsado’e. Waxaan hadal ku soo goynayaa:
Tafantoofe duulkii cabdow
Kala tasoobaaye
Tawfiiqda iyo wadajirkaa
Lagu tanaadaaye
Tafaraaruq guul laguma helo
Iyo is tuurtuure
Tusmo iyo hoggaan bay bulshadu
Tahan ku gaadhaaye
Marka la isla taageero bay
Arrini toostaaye
Daacadnimo la garab taaganyaa
Lagu tisqaadaaye
Tiiraanyadiinnii horaan
Tiicayaa weli
Miyaanu caqligu toosahayn
Tanina waa yaabe!
Qof uu araggu towsaysan yahay
Turunturroo jeere
Taagtu muruqa uun maaha’e
Waa tab iyo xeele
Talo-xumo dadkii qaayibaa
Taabi waa libine
Qof iimaanku waa hore ka tegay
Looma taag helo’e
Markay tafanto xaajadu qof sami
Waa tanaasule’e
Tudhaaliyo xushmaa lagu dhaqmaa
Laysma soo tigo’e
Tiiraanyadiinnii horaan
Tiicayaa weli
Miyaanu caqligu toosahayn
Tanina waa yaabe!
Maansada DUCO:
Dawladnimo danaystaa burshee
Geliya diiwaanka
Dawladnimo khilaaf baa dilee
Geliya diiwaanka
Dawladnimo qabyaalaa dunshee
Geliya diiwaanka
Deelqaafku wuu weeciyaa
Geliya diiwaanka
Xumaan daahirtaa hoojisee
Geliya diiwaanka
Dilaal baa huguri dhaafsadee
Geliya diiwaanka
Maskab doonku waw nacabe hoy
Geliya diiwaanka
Hadday dagantay cadawgeed hantiye
Geliya diiwaanka.
Dawladnimo inay qaalitaan
Idin dareensiine
Dadow, baro waxa lagu hantaa
Ma aha duulduule
Derejiyo xil lagu yaaco iyo
Ma aha doon doone
Dulqaad iyo waxaa lagu hagaa
Daacad joogto ahe
Hannaan weeye lagu daajiyaa
Doorka nololeede
Diintiyo waxaa lagu horaa
Deeqda Eebbahaye
Darxumada ka jira hooy xornimo
Kii dayacay eedye.
Maansada HAMMI
Hubsiinada barashadeeda
Haddii aad hogahogeyso
Hoos baa jira aan la beegsan
Hawr baa jira aan la daaqin
Hanbaa jirta aan la dhaafin
Hurdaa jirta aan la seexan
Han baa jira aan la tiigsan
Hantaa jirta aan la quudhsan
Hilbaa jira aan la goynin
Mar baan hootada la qaadan
La taaban balaayo huursan
Mar baa adigoo hagaagsan
Haddana hakad leeday xaajo
Mar bay habrashadu libkeentay
Mar bay hogashadu cod dhaantay
Mar baa adigoo harraadan
Hartiyo lagu dhiirran ceelka.
Marka kalena XINDIID erayo ka mid ah:
Ninba gees u xanaaqyoo
Xayraankii hadhiwaaye
Haddaan lays xakamaynin
Xooggu wuu burburaaye
Waar dadyow xinka jooja.
Muran bayna xabeebshay
Intaan xoogsan lahayne
Weynagaa xagal daacnoo
Xiskeennii koriwaaye
Waar dadyow xinka jooja.
MAXAMED YUUSUF (KEYSE)
Email: Maale22000@yahoo.com
