August 31, 2009
Odhaahda Akhristaha: Gudomiya Golaha Wakiilada Somaliland oo Shacabka u Sheegay in la soo weeraray Golihii ay Soo Doorteen. Cajiib… Cajiib!!!
Saca qoslaya ee Gudomiya Golaha Wakiilada Somaliland oo Shacabka u sheegay in la soo weeraray Golihii ay soo doorteen. Cajiib!! Hadalka ka so baxay Saca qoslaya ee Gudoomiya Golaha Wakiilada, waa mid Niyadjab ku riday aniga iyo inta kale ee sidayda u fikirta ee Reer Somaliland Waxaana noo soo baxday sida uu Gudoomiyuhu u kala qaybiyay Cududii wada shaqaynlahayd ee Golaha Wakiilada ee Somaliland.
Anagoo ah Unugga Wadaniyada Somaliliand (Somaliland Nationalism Cell), oo ah unug ay ku bahoobeen qaar ka mid ah Ardayda Jaamacadaha dalka, kana shaqeeya midnimada, wadajirka iyo iskaashiga muwaadiniinta ayaa markii ugu horeysay waxaanu baaq iskaashi iyo isfaham dulucdiisu tahay u diraynaa Axsaabta Siyaasadda Ee Somaliland , waxaananu leenahay:
Date: 31/08/09 - Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdillaahi Maxamed Ducaale oo wali ku gudo jira booqasho hawleedkii u ku joogay Jamhuuriyadda Djibouti ayaa waxa maanta uu la kulmay madaxda sar sare ee safaarada Faransiiska ee fadhigoodu yahay Djibouti, halkaasi oo ay labada dhinac ka wada hadleen sii xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga labada dal.
A decade ago Somaliland was seen as young progressive country beginning to rid itself off the shackles of the past troubles. However, Somaliland now enters uncharted territory, with reminiscence of the past looming. The question is where did it all go wrong and what happen to the aspirations of the people? In such short article it is not possible to numerate and analyse all the causal factors that might have regressed Somaliland’s progress, nevertheless, I will attempt to highlight few, which I consider to be the main causal factors as a nonpartisan observer. I will further make recommendations to over come the current collapse of governance and political melt down.
INAALILAAHI WAA INAA ILAYHI RAAJUCUUN: Anagoo ah dhamaan dadkan hoos ku qoran Oo kala joogna Norway, Qadar, Jabouti, Yemen waxaan tacsi tiiraanyaleh u diraynaa dhamaan qoyskii iyo qaraabadii ay ka baxdey Marxuumad Shugri Muuse Faahiye oo dhawaan ku geeriyootey Magaalada Boorama, Marxuumadana waxaan leenahay alaha ka waraabiyo Janadii Fardawsa Aamiin Aamin.
Secretary of State Hillary Clinton’s recent meeting with Somali President Sharif Ahmed was a reminder of his country’s importance to American foreign policy and a step in the right direction. Yet it will take much more to address Somalia’s desperate situation. A surge in piracy, a humanitarian crisis, and an increasing number of foreign fighters in the country all demand sustained attention. Mention of Somalia conjures images from the film Black Hawk Down or media coverage of pirate attacks.
Tan iyo markii ay dawladu bilowdey diwaan galinta muwaadiniinta JSL waxaa degaanka ceelbardaale ka taagan dagaalo goos goos ah, kuwaasi oo sababey dhimasho iyo dhaawac isugu jira dad ay arrintani khuyseyso iyo kuwo aan ka war heynba, xaaladan colaadeed ee degaankaas ceelbardaale ka soo cusboonaadey ayaa sababta bilowgeeda loo tirinayaa ninka ku magac dheer Maxamuud Raage, Hadaba waa kuma Maxamuud Raage? Maxeyse shaqadiisu aheyd markii iigu horeysey ee aan la kulmo? Maalmihii xusuusta mudnaa ee nolosheyda soo mara makna haan dib u maalo mid ka mid ah, Waxey aheyd sanadkii 2006-da bishii saddexaad sagaal iyo labaatankeedii mar aan safar gaaban ku tagey dalka somaliland.
August 30, 2009
Xudunta Awood-Darrida Shirgudoonka iyo Murranka Mudaneyaasha
Hargeysa (Golis) - Murranka iyo khilaafaadadan joogtada ah ee tan iyo intii uu Goluhu jireyba ku soo noq-noqonayey Golaha Xildhibaanada la soo doortay, kuwaasoo markii hore bulshadu aad ugu han weynayd. Hase-yeeshee, markii danbe ku noqday ‘Nin Daad Qaaday Xumbo Cuskay’, ka dib markii uu beenoobay malihii ay bulshadu ka filaysay. Iyada oo taasi dhalisay in dadka arrimaha siyaasada u kuu gala iyo bulshada rayidka ah labaduba marka la soo hadal qaado Golaha Wakiillada ay ka bixiyaan fasiraado kala duwan, waxana aragtiyahaa dadka qaarkood ku sifeeyaan Golaha Wakiillada mid aan ujeeddo siyaasadeed oo sugan, sida Goleyaasha kale ee dhigooga ah.
Cold War Origins: For the past seven months world news outlets have provided daily coverage on what has been described as escalating piracy off the coast of Somalia in the Gulf of Aden and attempts by international, primarily Western, military vessels to combat it. Absent from such reporting, as the exigencies of commercial news broadcasting inevitably entail, is how and why the situation in the region reached the impasse it has and what its broader significance is. Instead the picture presented is, according to the standard formula, a point on a blank canvas with no historical depth, no geoeconomic and geopolitical width and no strata of diversified and interrelated causes that contribute to and dynamics that result from what is in truth a lengthy and complex process of developments. More
Sida aynu la socono qalinku waa aasasska iyo hormamarka ay umadi samayso ta u qiimaha badan, waxa kale uu astaan u yahay bulshada hiigsanyso in ay soo saarto dad iyo dal ku dhisan aqoon amaba hadaynu sida kale u dhigno dal ay dadkeedku ku hamiyaya inay qalinka qaatan, hadaad aragto bulsho ay dadkeedu ama faceedu ka daalaan inay qalinka adeegsadaan, runtii waxaa la odhan karaa waxaa umad gadaaal u socta. More
Gudoomiyaha golaha wakiilada ee JSL Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta ku hor kufay saaxadda siyaasadda kadib markii uu si badheedh ah oo xagjirnimo ku dheehan tahay uu ula saftay hal dhinac,mudanayaashii dooddu u dhexeysay. Md.Cirro oo awalba lagu xaman jirey shaqsi ka aradan afkaaraha siyaasadeed ee maskaxdiisa ka soo maaxda,balse ku shaqayn jirey fikradaha ama hadalada uu u soo dhiibo gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Md.Faysal Cali Waraabe,ayaa hadaladiisa maantu ahaayeen xaalad abuur iyo khalkhal saameyn ku yeelan kara guud ahaan dalka oo dhan,gaar ahaana xasiloonida iyo kala dambeynta caasimadda.
Hargeysa (Harowo Desk) Afhayeenka Xisbiga Taladda dalka haya ee UDUB Muj. Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) Ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta Xisbiga UDUB ee magaaladda Hargeysa kaga hadlay xaaladda muran ee u dhaxaysa Mudanayaasha Golaha Wakiiladda iyo hab dhaqanka Siyaasadeed ee Xisbiyada Mucaaridka. Cali Guray oo ugu horayn ka hadlay Golaha Wakiiladda ayaa sheegay in waxa ka socdaa yahay qorshayaashii xisbiga Kulmiye, kuwaas oo aan haba yaraatee lahayn wax ujeedo ah oo la garto.
Waxa uu Muj. Cali Gurey tilmaamay in doodaha xisbiyadda Mucaaridka Somaliland yihiin qaar aanay hayn jawaabtooda, tusaale ahaan waxa uu sheegay in xisbiyada mucaaridku diideen tartan, isla markaana diideen wax walba, marka la waydiiyo waxa ay doonayaana aanay jawaab hayn. Haddaba hadalkii Muj. Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo dhamaystiran hoos ka dhegayso.
Hargeysa (Harowo Desk) - Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Md. C/laahi Ismaaciil Cali [Ciro] ayaa shir jaraa’id oo uu caawa qabtay kaga jawaabay eedaymo Shir gudoonka golaha wakiiladdu u soo jeediyay. Wasiirka Arimaha gudaha Somaliland waxa kale oo uu ka hadlay sababta ay ciidamadda booliska ah u geeyeen Xarunta Golaha wakiiladda, taas oo uu ku tilmaamay mid ka dhalatay muranka soo dhex galay mudanayaasha iyo arimo nabad galyo daro oo ka soo muuqday inay ka dhalan karaan muranka u dhexeeya mudanayaasha, wasiirku waxa uu shir gudoonka golaha ku eedeeyay mid abuuraya dhibaato nabad galyo. Hadaba hadalka wasiirka oo dhamaystiran hoos ka dhegayso.
August 29, 2009
Madaxweyne Rayaale oo Maanta La Kulmay Ku-xigeenka Denjiraha safiirka Dawladda Britain u Fadhiya Itoobiya Mr John Marshall.
Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa maanta uu xafiiskiisa ku qaabilay ku xigeenka denjiraha safiirka Dawladda Britain u fadhiya Itoobiya Mr John Marshall. Madaxweynaha JSL iyo safiir ku xigeenka Ingiriiska Mr Marshall, waxa ay ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid yihiin xaalada siyaasadda ee JSL, nabad gelyada iyo geedi socodka dimoqraadiyadda ee Somaliland ay ku caano maashay.
Maalinba maalinta ka danbaysa wax kaa yaabiya ayaad arkaysaa, waxaan uga jeedaa waxaan la yaabay waxa xisbiyaddii mucaaradka ahaa ay markay doonaan ay u hadlaan sidii oo uu yahay caaqil ama suldaan reereed. Bal miyaanay layaab ahayn in Xoghayihii Kulmiye Keyse Xasan intuu iska illaaway xilkiisii xoghayanimo oo ay qaaday caadifad kale oo ah maxaa reerkayaga wax looga sheegayaa?
Muranka manta taagini waa mid dhammaanteen aan masuul ka wada nahay, waayo dhinacyada is haya waxaan u nahay xaabo dabka sii hol cisa. Taas waxaan uga jeedaa qofna dhinaca uu taageersan yahay hadduu khaladku jiro kama qabto, iska daa khalad uu u sheego’e wuxuu u haystaa ma danbaabe sida malaa’iigta. Haddii arrin sidaa yahay markaa denbiga waan wada qabnaa. Maanta ninka yidhaa ‘cid heblaayo ayaa eedda oo dhan iska leh’ waa nin aan aakhiradiisa u tudhan,danta bulshada si dhab ah u eegin.
It’s been almost 20 years now since Somalia had a functioning administration that can exercise effective control over a large part of the country for a significant length of time. Successive efforts at bringing together the various parts of the country as part of a working central government have all too often proved chimerical. Although there are similar efforts currently underway under the auspices of the UN, the progress has largely been a far cry from the kind of effective administration that can be credited with ensuring sustainable peace and stability in the war ravaged country.
While the responsibility to resolve the ongoing conflict in Somalia essentially rests on the Somalis themselves, Somalia’s predicament has been rendered even worse thanks in large measure to the unwholesome interference of some irresponsible parties which have relentlessly rooted for the further escalation of the scourge of war in the country. What the regime in Asmara has been doing the last few years is a case in point.
The Somali enclave of Eastleigh in Kenya’s capital, Nairobi, is now a recruiting and financial center for hardline Islamists fighting in neighboring Somalia.
EASTLEIGH, KENYA - The streets of Eastleigh, a Somali enclave of Kenya’s capital, Nairobi, are crowded and dirty. Sewage and rotting garbage flow through gullies. Police are virtually nonexistent; restaurants are locked, even when open, for safety reasons; and guns are readily available for sale at the market. No one ever said “Little Mogadishu” was paradise, but now the sprawling neighborhood has become a hub of financing and recruiting for militant Islamists waging holy war in neighboring Somalia, according to residents, security analysts, and diplomats.
Hargeysa (Harowo Desk) - Mudanayaashani waxay ka digeen cawaaqib xumo ka dhalan karta dhega adayga shir gudoonka, waxaanay ugu baaqeen hay’addaha amaanka iyo kuwa danta ka leh jiritaanka qaranimadda Somaliland inay soo kala dhex galaan oo golaha u soo gurmadaan, Xildhibaanaddan waxa ay soo bandhigeen qodobo ay sheegeen in shir gudoonku jabiyay, waxaanay kala ahaayeen, Mudane C/raxmaan Maxamed Jaamac (C/raxmaan Xoog), Mudane Xuseen Ismaaciil Md. Axmed Aadan Waysa-cadde, Md. Aadan Muxumed Hoori (Mataan), Md. Ibraahim Carraalle Cabdi, Md. Maxamed Baaruud Qamac, Md. C/qaadir Jaamac Xaamud iyo Prof. Maxamed Barkhad Miigane. Riix Halkan

