Hargeysa, (Harowo Desk) - Macalin C/laahi Diiriye Guuleed Caraale oo ku andocoonaya inuu isagu yahay qofkii ugu horeeyay ee daraaseeyay isla markaana bilaabay Miisaanka Maansada taasina ay muran wayn oo in laga gar naqo gaadhay ay ka dhex abuurtay isaga iyo Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac [Gaariye] ayaa maanta qayb ka mid ah taariikhdiisi miisaanka maansada iyo xiligii uu bilaabay ku soo bandhigay Bandhiga Dhaqanka ee Mooge Festival, hadaba ka dib markii uu arintaa ka hadlay ayaan waraysi kala yeelanay, halka khilaafkii iyo sheegashadii isaga iyo Abwaan Gaariye midba gaar u sheeganayay halka ay marayso, waxa uu ka qabo xukunkii dhawaan gudidii dhex gashay ka soo saartay ee Abwaan Gaariye ku siiyeen, Miisaanka Maansada, hadaba waraysigaas oo dhamaystiran iyo buugiisi uu Bandhiga ku soo bandhigay daawo.
Marka hore in aan erayadan qoro waxa igu abuuray kadib markaan dhagaystay nin reer Awdala oo xildhibaana oo Horowo.com soo gudbisay wax uu ninkaasi ku sheegay SHIRJARAA ID, ninkaa oo ay hadaladiissii aad iga yaabiyeen ayaan waxan goostay in maadaaba aan ahay dadka uu ninkaasi sheegayo in uu matalayo in aan bal figradayda si caama aan ugu gudbiyo waa haduu la kulmay. Waxan aaminsanahay ninkaas oo ah ina Sheikh Cali Ayaanle in uu yahay nin aan fahamsanayn dhismaha hay’adaha dawliga ah iyo shaqada ay kala leeyihiin iyo waliba isaga oo aan fahamsanayn asbaabaha iyo waxa kala xeeriya ee kala sooca Dhaqanka ama Diinta IYO nidaamka DAWLADNIMO.
Boorama (Harowo) - Ergadii gurmadka ka ahayd falkii jidgooyada ee lagu laayay 4 qof ee ganacsatada ahaa iyo xurgufta beelaha ka soo kala jeeda gabilay iyo Dila, ee maalmahanba ku sugnayd magaalada Boorama, ayaa maanta ka ambabaxday dhanka magaalada Boorama, iyaga oo u socdaalay dhinaca magaalada Ruqi oo ah deegaanka Dibiraweyn ee degmada Baki.
Hargeysa (Harowo Desk) - Xildhibaan Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Hargeysa waxa uu kaga hadlay arinta shaqaaqada Deegaanka Ceelbardaale ka taagan, waxa kale oo uu xildhibaanku ka waramay sida arintaa loo siyaasadeeyay ee xisbiyada, siyaasiyiinta iyo dadka qaar uga hadleen, geesta kale xildhibaan Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle waxa uu ka hadlay dawlada iyo doorkeeda oo uu tilmaamay inay ku guul daraysatay wax ka qabashada dadkii gaystay dilka ee jid gooyada deegaanka u dhexeeya Kalabaydh iyo Dilla. Xildhibaanku waxa uu sheegay in dadkii lagu dilay deegaankaasi ay ahaayeen muwaadiniin bixiya cashuurta dawlada balse ay waayeen xuquuqdoodi oo nabadgalaydoodi dowladu sugi wayday, cidii dishayna la soo qaban waayay.
Get Flash to see this player.
Hoos ka Daawo Sawirka Xildhibaanka oo La Weyneeyey
Hargeysa (Harowo Desk) - Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB Md. Jaamac Yaasiin Faarax ayaa maanta su’aalo Saxaafada qaar ka mid ahii ka waydiiyeen, hawlaha doorashooyinka iyo eedaymaha xisbiyada Mucaaridku Xisbigooda ku eedaynayaan ka bixiyay jawaab. xoghayaha oo arintaa ka hadlayana daawo.
Hargeysa (Harowo Desk) - Wasiirka Wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Md. Maxamed Siciid Muxumed ayaa shir jaraa’id oo uu wasaaradiisa ku qabtay kaga hadlay kooxo wada qorshe dhalinyarada dalka lagu duufsanayo isla markaana ku doodaya inay qabanayaan tartamo iyagoo sheeganaya inay matalaan Somaliya sidaa daraadeed ay Wasaaradiisu ka digayso in arimahaas oo kale da’yarta lagu marin habaabiyo hadaba shirkii jaraa’id ee wasiirka daawo isagoo dhamaystiran.
Hargeysa (Harowo Desk) - Xisbiga Taladda haya ee Udub ayaa xaflad aad u balaadhan ku soo dhaweeyay afar urur iyo Xubno Gudida fulinta ee Xisbiga UCID ka tirsanaa oo go’aansaday inay u diga rogtaan xisbiga UDUB, hadaba xafladaas oo aad u dheerayd waxaanu idiinka soo xulnay muuqaaladda Wasiirka Beeraha Md. Aadan Axmed Cilmi [Dhoolayare], Kooxda Ciyaaraha ee xisbiga ku soo biirtay, Samsam Maxamed Cige oo ka tirsan Xubnaha gudida fulinta ee Xisbiga UDUB iyo Xoghayaha guud ee Xisbiga Jaamac Yaasiin Faarax Daawasho wacan.
27ka Bishan Julay hayd maalintii ugui dambaysay loo qabtay arrimo badan oo la xidhiidha qabsoomidda doorashooyinka soomaaliland. Shalay oo kale waxa bilaaban lahaa oloha doorashooyinka ee xisbiyada qaranku ugu bixi lahaayeen gobolada kana soo bixi lahaayeen xafiisyada iyo guryaha caasimadda ee ay had iyo jeer ka hadlaan. Shalay oo kale ayaa sidooa kale waxay ahayd maalintii lasoo afjari lahaa kala shaandhayntii codbixiyayaasha soomaaliland ee ku kaydsanaa aaladdsa loo yaqaan serverka, isla shalay oo kale waxay ahayd maalin komishanka, deeqbixiyayaasha, xisbiyada qaranka iyo dawladdu soo afjar lahaayeen khilaaf kasta oo u dhexeeyey muddo ka badan sannad.
“This study contributes significantly to our understanding not only of Somaliland, but of the predicament of the Somali people as a whole … a major scholarly success.” Professor Ali Mazrui, Albert Schweitzer Professor in the Humanities, Binghamton University.
Forword: This study contributes significantly to our understanding not only of Somaliland, but of the predicament of the Somali people as a whole. Today, they are scattered over what used to be British Somaliland (capital Hargeisa), former Italian Somaliland (capital Mogadishu), former French Somaliland (now Djibouti), Ethiopia (the Ogaden), and Kenya. These are the five fragments they have been split into following the European scramble for Africa in the 19th and early 20th century.
Boorama (Harowo) - Dugsiga xifdiga quraanka Xaramayn-Shariifayn ee ku yaal magaalada Borama oo la Aasaasay 2003dii, ayay ka qalin jabiyeen difcadii sadexaad ee xifdiga quraanka dhamaysata, xaflad loo sameeyay Ardaydaas ayaa lagu qabtay shalay dugsiga sare ee Al-Aqsa, halkaas oo ay iskugu yimaadeen Ardayda dugsiga Xaramayn-Shariifayn iyo Waalidiinta dhalay, waxa halkaas khudbado ka jeedshay maamulka dugsiga iyo macaliimnta wax ka dhigta dugsigaas.
We live low and dishonest times, where false propaganda comes fast and furious, but anyone who try to normalize the position that Awdal is in today needs a reality check. Because people of Awdal are in a state of shock and it is shame to hear that some of us (Awdalistes) speaking on same intensity about peace and stability as to those other part of NORTH SOMALILA who their own people had committed such a crime but yet expecting the families of the victims to share a dream of a stable country that has never existed in the real world.
Hargeysa (Harowo) - Xildhibaan Cabdilaahi SH. Xasan Cismaan oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland, ayaa ka hadalay dood uu maanta Goluhu ka yeeshay xaaladda dadlka marayo ayaa si ba’an u dhaliilay hay’adaha caalimiga, gaar ahaana haya’ada Inter-Peace, kuwaas oo uu ku tilmaamay inay ku jiraan olole lagu wiiqayo Dastuurka Somaliland, loona baahan yahay in laga foojignaada. Xil. Cabdilaahi waxa kale oo uu eedayn u soo jeediyey asxaabta mucaadka oo hada u muuqda inay taageerayaan qorshaha hay’adahan. Hoos ka dhegeyso hadalkii xildhbaanka.
Get Flash to see this player.
Wakhti saaka laga joogo saddex boqol iyo lixdan saacadood ayaa waxaa dhacdey dhacdo fool xun oo dhamaan dadka ku abtirsada qoomiyada ADAL ay ka anfariireen ka dib markii ay koox dad qalato ah ay jidka u dhexeeya kalabeydh iyo dilla u galeen dad musaafir ah oo isugu jira bulshada raydka ah qeybaheeda kala duwan sida aqoonyahan, ganacsato, haween iyo dhalinyaro kuwaasi oo markii la qabqabtey qudha laga jarey afar nin oo danahooda gaarka ah u gudayey jidka isla mar kaana ka mid ahaa musaafirka la qabqabtey.
Ku: President Dahir Rayaale Kaahin - Komissionka Doorashooyinka - Golaha Wakiilada - Golaha Guurtida - Interpeace - Somaliland Election Donor Countries
It is obvious that the Somaliland presidential election scheduled to be held on September 27, 2009 is in jeopardy. Interpeace, an organization that apparently, represents the countries that voluntarily accepted to pay 75% of the election expenses, is dragging their feet over meeting their obligations. To my understanding Interpeace is also responsible for preparing the final electoral register. They promised to publicize the list on July 15, but they didn’t.
The brutal killing of innocent people was well planned by people with calculated political agenda. It is beyond any one’s comprehension why this murder has taken place on this particle time and at this particular place and to those particular innocent travellers. It is very clear that it was a cover up of an ambitious plan thought by some power hungry individuals. Those men who were slaughtered were innocent and a victim of a serious and of a dangerous setup. The notion that the incident was based on tribal disagreement is very hard to swallow.The plan was to create a situation where the two tribes were to go to war and after that a coupe was staged in the name of saving Somaliland.
Hargeysa (Ramaas) - July 24, 2009 - Xildhibaan Maxamed Cabdi Ducaale, oo ka tirsan Golaha deegaanka ee degmada Bali-gubadle ee Gobolka Hawd iyo C/raxmaan Xandulle Ducaale, oo ah xubin ka tirsan Golaha Dhexe ee xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, ayaa shaaca ka qaaday inay ka baxeen xisbigoodii, oo ay ku eedeeyeen siyaasad xumo iyo barnaamij la’aan. Labadaasi masuul waxay sidaasi shaaca kaga qaadeen shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen magaalada Hargeysa.
Iyada oo laga duulayo dhaqan galka xeer Lambar 37/2007, ayaa waxa dalka laga qabtay diiwaan gelinta codbixiyayaasha, iyadoo looga jeedo in la helo doorasho xalaal ah oo aan lahayn ku shubasho iyo codad lagu noqnoqdo.Sida aynu la wada socono waxa Xisbiyada qaranku wada saxeexdeen inay aqbalayaan natiijada ka soo baxda Serverka (Final Voter list). Kaas oo ay gacanta ku hayso hay’adda Interpeace.
Boorama (Harowo) - Weriye Hashim Goth oo ka tirsan Shabakdda Wararka ee Harowo.com oo aanu khadka Telephone dhawaan ku xidhiidhay, ayaa sheegay in xaaladda Degaanka Ceel-Bardaale iyo jid u dhexeeya Boorama iyo hargeysa ay hada degan tahay, inkasta oo ay weli cabsiyi ka taagantahay meelaha qaarkood. Weriye Hashim wuxuu intaa ku daray inay 7 xubnood oo ka socda culmimadii iyo madax dhaqameedyadii waan waanta nabadeed ku jiray ay maanta soo gaadheen Boorama, iyaga oo sida la sheegay u socda xaqiiqo raadis ku ku saabsan hantidii dhawaanta lagu dhacay jidgooyadii ka dhacay wada u dhaxaysa Kalabaydka iyo Dilla. Hadaba hoos ka dhegeyso warbixintii weriye hashim Goth.
Get Flash to see this player.
Hargeysa (Harowo Desk) - Wasiirka Wasaaradda Iyo Dhaqanka Somaliland Md. C/risaaq Waabari Rooble ayaa Maalintii Shalay si Rasmi ah u furay Bandhig Dhaqameed loogu Magac daray Fanaankii Maxamed Mooge kaas oo socon doona mudo 6-cisho ah, isla markaana lagu soo bandhigay Buugaag iyo qalab kale oo hidaha iyo dhaqanka Somalida ku saabsan, waxa ka qayb galay Abwaano, Siyaasiyiin, Aqoonyahano iyo ururada Bulshada, Hadaba daawo khudbadii Wasiirka Dhaqanka iyo dalxiiska Somaliland.
