July 31, 2009
Komishanka doorashooyinka Somaliland oo Faahfaahin ka bixiyay Go’aanka ay ku laaleen Diiwaan Galintii iyo khilaafka soo kala dhex galay iyaga iyo Inter-Peece.
Hargeysa (Harowo Desk) - Gudida doorashooyinka qaranka ee Somaliland ayaa maanta shir jaraa’id oo ay ku qabteen xaruntooda magaaladda Hargeysa, faah faahin kaga bixiyay sababaha ku dhaliyay inay laalaan diiwaan galintii codbixiyayaasha, isla markaana ku baaqaan in doorashadda madaxtooyada lagu galo bilaa diiwaan galin.
Geesta kale komishanka doorashooyinku waxay ka hadleen asbaabaha ka danbeeyay isku dhaca iyaga iyo Hay’adda Inter peece, deeq bixiyayaasha, waxa kale oo ay digniin u jeediyeen musharaxiinta xisbiyada ee khilaafa go’aamadda komishanka hadaba hoos ka dhegayso codkii shirka jaraa’id ee komishanka oo dhamaystiran, waxaana ugu horaynaya Maxamed Yuusuf oo ahaa Gudoomiyihii ugu horeeyay ee komishanka ka dibna waxa hadalka uga danbaynaya gudoomiye ku xigeenka komishanka iyo gudoomiyaha Cali Biikalo iyo Jaamac Swedan.
Get Flash to see this player.
