July 30, 2009
Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo loo magacaabay Afhayeenka Xisbiga UDUB.
Hargeysa (Harowo Desk) - Xoghayaha guud ee Xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax ayaa Cali Maxamed Yuusuf [Cali Guray] u magacaabay inuu noqdo afhayeenka Xisbiga UDUB, waxaanu xoghayuhu sidaa ku shaaciyay warsaxafadeed uu maanta soo saaray oo lagu cadeeyay magacaabista Cali Guray ee Afhayeenka Xisbiga UDUB loogu magacaabayo. Warsaxafadeedka Xoghayaha Xisbiga UDUB oo nuqul ka mid ahii soo gaadhay xafiiska Shabakadda wararka ee Harowo.com ku leedahay magaaladda Hargeysa ayaa waxa uu u dhignaa sidan.
Ku: Cali Maxamed Yuusuf [Cali Guray]
Og: Gudoomiyaha Xisbiga Bahweynta UDUB ahna Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin
Ujeedo: Magacaabis Afhayeenka Xisbiga UDUB
Markaan arkay baahida uu Xisbigu u qabo kaalinta afhayeenimo inn loo magacaabo masuul buuxin kara awgeed isla markaana la tashi la sameeyay talo qabeenka iyo gudoonka Xisbiga waxaan si buuxda ugu magacaabay inuu noqdo afhayeenka Xisbiga laga bilaabo 30/07/2009 Cali Maxamed Yuusuf [Cali Guray]
Hadaba Mr. Cali Maxamed Yuusuf waxaan kugu wargelinayaa in laga bilaabo 30/07/2009 aad xilkaaga afhayeenimo ee xisbiga kuu igmaday aad u gudato si buuxda hadii EEBE idnmo.
Allaa Mahad leh
Jaamac Yaasiin Faarax - Xoghayaha guud ee Xisbiga UDUB
