July 30, 2009
Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinif), oo Ka Tirsan Xaisbiga Kulmiye, Ayaa Ku Eegeeyey Hay’ada Inter-Peace Shirqool Lagu Mijo Xaabinayo Diiwaan Gelinta Iyo Dooradha Madaxtooyada Somaliland
Hargeysa (Harowo Deska) - Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinif), on ah masuulka u Qaabilsan Xisbiga Kulmiye Arimaha Komishan Doorashooyinka Somalilans, ayaa ku eedeeyey Hay’ada Interpeace Inay Hormood ka Tahay Shirqol Lagu Mijo Xaabinayo mashruucii Diiwaan Gelinta Cobixiyayaasha iyo doorasha madaxtooyada Somaliland ee hada inagu soo foole. Mr. Xinif ayaa waxa kale oo uu hay’ada Inter-Peace ku eedeeyey inay Caqabad ku noqotay sidii ay habsami ugu gudan lahaayeen Komishanka Doorashooyinka Somailand xilkii loo igmaday. Waxa kale oo uu masuulakani intaa ku daray in xogta SEVERKA Diiwaan Gelinta ay u diideen cid reer Somaliland ahi wax ka ogaato. Waa Markii u horeysay ee masuul ka tirsan xisbiga Kulmiye runta ka sheego sabobaha dib u dhaca ku keenay doorashada madaxtooyada Somaliland. Hadaba Hoos ka Dhegeyso Hadaladii Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinif).
Get Flash to see this player.
