July 29, 2009
Xisbiyada Mucaaridka Danta Dalka Waxa Kala Weyn Danahooda Gaarka ah.
Waxaan ahay muwaadin xiiseeya xog-ogaal u noqoshada hadba halka ay marayso xaaladda siyaasadeed ee dalkeenu. Sababtu waxa weeye siyaasaddu waa ta lafdhabarta u ah maaraynta hawlaha dalka. Waxaan in yar ka odhanayaa arrinta ku saabsan doorashada ee maalmahan dambe aad uga muuqatay saaxadda siyaasadda Somaliland.
Waxaan aad uga soo hor jeedaa fikradda labada xisbi mucaarad ee ah in doorashada inagu soo aadan lagu galo tirada aan xaqiiqda ku salaysnayn ee Serverka.Waxaan aad ula yaabanahay sababta Kulmiye iyo Ucid u qaateen fikradan iyaga oo og in hay’adda Enterpeace si cad u sheegtay in tiradaasi tahay malo-awaal aan ku fadhiyin xaqiiqo ee loo baahanyahay in shaqo dheeraad ah laga qabto Serverka si loo helo tiro sugan.
Marka aan eego sida guracan ee wadaniyad la’aanta ah ee ay u dhaqmayaan hogaanka labdaa xisbi mucaarad,waxaan is idhaahdaa wax baa ka jira xanta ku shaacsan bulshada dhexdeeda ee ah: Hogaanka sare ee xisbiyada Kulmiye iyo UCID danta dalka waxa kala weyn meel marinta xeelad kasta oo ay u arkaan in ay u fududaynayso hanashada hogaanka dalka.
Waxaan taageersanahay talo soo jeedinta Gudiga Doorashooyinka Qaranka(GDQ),waayo tirada aan sugnayn ee Serverku sheegayo iyo guud ahaanba shaqda madmadowga badan ee Enterpeace ma aha wax lagu aamni karo xasiloonida dalka .
Cumar Siciid Maygaag
Hargeysa, Somaliland
