July 29, 2009

Xildhibaan Garaad oo Shir Jaraa’id uu Maanta Qabatay Kaga Hadlay Xaalada Colaada Galbeedka, Kuna Eedeyay Masuuliyiin Sare in ay Wadaan.

shir-jaraaid-small Boorama (Harowo) - Xildhibaan Maxamuud Axmed Bare(Garaad) oo ka mid ah xubnaha golaha Guurtida ayaa shir-jaraaid ku qabtay maanta magaalada Boorama Hutelka RAYS, wuxuuna kaga hadlay Nabadaynta iyo heshiisiinta beelaha iyo muranka beelaha Gabilay iyo Dila, ugu horayn wuxuu tilmaan ka bixiyay in muranka ka dhexeeya labada beelood ee Gabilay iyo dila aanu ahayn meesha la yidhaa Ceelbardaale, balse ay tahay Dibiraweyn oo weligeedba loo yaqaanay deegaan beesha reer Nuur ah, meesha Ceelbardaale la yidhaana ay tahay meel ay haystaan dadkii lahaa ee reer gabilay.

Xildhibaanku wuxuu intaas ku daray in Arimaha muranka ee dhulka la siyaasadeeyay, sababta oo ah ayuu yidhi labada beelood ee reer Nuur iyo J/Abokor waxay heshiis ku gaadheen 22/08/1992 in marka ay dhibaato kal gaadho labada beelood lagu horeeyo xalinta Arimaha yimaad sida dhimashada iyo Dhaawac, ka dibna loo gudbaa waxa dhaliyay Arinkaas, heshiiskaas duqayda labada dhinac waxay ku gaadheen magaalada Boorama shir ku dhexmaray 22/08/1992.

Hadaba guurti waxay raaci jirtay Arkaanta aasaaska u ah nabadaynta ee dadka ka dhexeeya, sida caadada ahna hadii dhinac ka tawdo dhexeeyaha waxaa lagu dadaali jiray in la qanciyo lala dodo, loo caqli celiyo, isla markaana la dhegaysto tabashadiisa, lana daw bixiyo, wixii uu ku toosan yahayna laga aqbalo, wixii uu ku gardaran yahayna laga qabto, go’aan dhinacyadu isla aqbalin lama gaadhi jirin.

Xildhibaan Garaad wuxuu yidhi sidaas darted marka la eego warqada ku taariikhaysan 15/03/09 lam.GG/01/03/09,ujeedaduna ahayd go’aan gudi ee beelaha is haya waa arin dhul oo ay soo qadimeen iyaga oo wixii dhacay dhimasho, dhaawac iyo burbur maal aan ka talin, guurtidu waxay iska laabeen cabashooyinkii loo gudbiyay ee dhinaca beesha Dila.

Si kastaba ha ahaatee soo jeedintaas iyo talooyinkaasi shirgudoonkka goluhu wuxu u arkay in ay tahay macquul, wuxuuna si cad u sheegay in ergadii guurtidu ka leexatay tubtii nabadaynta markii bilowgii, ka dib markii loo yeedhay gudoomiyihii ergada ee uu la kulmay gudoomiyha guurtida wakhtigii goluhu ku dhwaaqay in la kordhiyay mudada xukuumada, ma ay suuroobin in loo bayaansho ergada sifaha ay u leexdeen iyo khaladkooda, danihii siyaasadeed ee gudoomiyaha guurtida iyo dano kale oo u gaara ayay ku hawlgashay ergadii, waxaana loo qalab qaatay sidii loo samayn lahaa mijo xaabinta jiritaanka Somaliland, gudoomiyaha waxaan ka codsanay in uu soo farogesho arintan, balse wuxuu ka doorbiday in go’aankii uu u sii dhiibay ergada guurtida lagu dhawaaqo. Iyada oo aan kelmad laga qaadin tabashadii duqaydii dhanka Dila, waxaana lagu warhelay BBCda oo uu ka hadlay gudoomiyihii ergadu Maxamed Maxamud Diiriye, marna Ergadu ma keenin ninka fidmada dhaliyay ee ku doodaya meesha ee Ina Sh.Muxumed Raage, lagama hadal ciidanka uu haysto iyada oo duqayda reer Dila in badan ka hadleen qawl iyo qoraalba.

Xildhibaan Garaad wuxuu intaas ku daray in markii ay waxaas maqleen rafcaan ka qaateen, Gudoomiyaha Guurtidu rafcaankii halkuu mariyay marka uu leeyahay hala fuliyo, xeerkee sheegaya bil halagu fusho, maxay cuskadeen awoodee, kii wax loogu dhawaaqay ee duqaydiisii u doodaysayna lagu marti qaaday madaxtooyada, maxaa ku kalifay in ay Baayacmushtar dariiqa ku gawracaan maxay uga jeedeen ? ma safarka ayaa ka haystay beer ? masuuliyiinta lahaa Wasiirka Arimaha gudaha iyo taliyaha Ciidanka Qaranka iyo masuuliyiin heer gobol ee maydadka baryayay maalinta dhan, lana joogeen dad qalatada maxay u muuqataa?

Ugu dambayn wuxuu xildhibaan garaad farta ku fiiqay cida uu isleeyahay way ka dambaysaa xurgufta ka taagan labada beelood wuxuuna yidhi siyaasiyiinta dhiiga kursiga ku doonaysaa waa kuwii ka riday dagaalka Burco iyo Berbera 1992. wuxuu intaas raacshay oo yidhi Gudoomiyayaal Gole iyo hogaamiyaal xisbi siday iskugu xidhiidhiyaan falka dadqalatada iyo muranka dhulka ? miyaanay ahayn shaqo loo dirsaday oo lagu doonayo burburinta iyo tirtirada jiritaanka Qarankani ? Muxuu u jeedaa marka xildhibaan leeyahay abtiyaashay waxaa loo dilay fulin la’aanta mashaqadii ergada guurtida? Xidhiidhkaas labada arimood isku tolayaa muxuu yahay?

Waa xaqiiq marag ma doon ah in ergadii guurtidu meel-marisay waxa dhacay, fuliyeena fariimo iyo ahdaaf qaloocan oo siyaasi maleegay, waa dhacdadii u horaysay ee Golaha guurtidu ku margado, isla markaa dab iyo holac ka dhasho, kuwa xaabada u badinaya ee duqayda sheeganaya, lana yaqaano, kuwa msaajidada ka guubaabinaya, kuwa gacanta siinaya dadqalatada waa lala xisaabtami doonaa, guuldarana way ka gaadhi doonaan hawlaha ay afuufayaan, ugu dambayn waxaan leehay baroortu orgiga ka weyn, boogtii la xoqayayna la wada arag.

Ehaladii dadkooda la gawracayna waxaan leehay Samair iyo Iimaan, sharcigu wuu idiin hiilin doonaa, marka laga reebo inta shirqoolkan maleegtay way idin ogtahay umada reer Somaliland yar iyo weyn samirkiina iyo fiirada aad ka yeellateen ilaa imika cawaaqibka dambe iyo sidoo kale fahamka balaadhan ee aad u yeelateen waxa ka dambeeya iyo waxa loola jeedayba, sharciga hadii la horkeeni waayana waxay reebi doonta cawaaqib xumo la dambarsado, waxaan ka baryayaa ilaahay in bulshadeena aanu dib ugu celin dhibtii laga soo gudbay mid la mida ama ka daran. Wuxuu intaas raacshay xildhibaan garaad qodobo iyo xeer sheegaya in lagu fuliyo beelaha Somaliland beesha ku dhaqaaqda qaran dumisnimo iyo xeerar sheegaya cida caawisa cida qaranka dumainaysa in dhinac looga soo wada jeesto, waa in la fuliyaa ayuu yidhi qodobaas xildhibaan garad.

shir-jaraaid-1


shir-jaraaid-3

Hashim Goth

Harowo.com, Boorama, Somaliland

Email: hashimgoth@hotmail.com

Login