July 29, 2009
Xildhibaan Garaad oo ka hadlay Xaalada Colaada Galbeedka kuna Eedeyay Masuuliyiin Sare in ay Wadaan
Boorama (Harowo) - Xildhibaan Maxamuud Axmed Bare(Garaad) oo ka mid ah xubnaha golaha Guurtida ayaa shir-jaraaid ku qabtay maanta magaalada Boorama Hutelka RAYS, wuxuuna kaga hadlay Nabadaynta iyo heshiisiinta beelaha iyo muranka beelaha Gabilay iyo Dila. Xil. Garaad wuxuu tilmaan ka bixiyay in muranka ka dhexeeya labada beelood ee Gabilay iyo dila aanu ahayn meesha la yidhaa Ceelbardaale, balse ay tahay Dibiraweyn oo weligeedba loo yaqaanay deegaan beesha reer Nuur ah, meesha Ceelbardaale la yidhaana ay tahay meel ay haystaan dadkii lahaa ee reer gabilay.
Get Flash to see this player.
