July 29, 2009

Warsaxaafadeed: Xafiiska Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB Mudane Jaamac Yaasiin Faarax

Hargeysa (Harowo Desk) - War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB Mudane Jaamac Yaasiin Faarax, ayaa u qornaa sida tan : Sida aynu wada ognahay.waxa ber yahan socday arrimo farsamo oo lagu xaqiijinayo in la helo tiro sax ah oo ka soo baxda Serverka oo ay gacanta ku hayso hay’adda Interpeace.

Hay’addu waxay dalbatay shirkad Maraykan ah oo madax bannaan oo la yiraahdo “Creative Associates” si ay uga talo bixiso natiijada Serverka. Shirkadu markay eegtay Serverka waxay xaqiijisay barnaamijka Serverku ku shaqaynayo iyo shuruudaha loo dhigay in uu aad uga  hooseeyaan heerkii ay filayeen inuu ku kala sifeeyo dadkii is diiwaan geliyey. khaladaad aad u fara badan oo ku noqnoqosho ahina ay ku jiraan.

Sidaa awgeed loo baahan yahay in barnaamijkaa dib loo eego si natiijo lagu qanci karo uga soo baxdo Serverka. Taasi waxay  lagama maarmaan ka dhigtay inay yimaadaan khubaro xirfad u leh kala safaynta serverka si loo saxo khaldaadkaa badan.

Hadaba maanta waxa shir isagu yeedhay saddexda Xisbi qaran hay’adda Interpeace, waxayna  usoo jeedisay in la kala doorto saddexda qodob ee hoos ku qoran:

In doorashada lagu galo tiro aan sal iyo raad toona lahayn oo ah 1,146,832 taas oo ay ku jirto khaladaad aad u fara badan sida khubarada iyo Interpeaceba sheegeen.

In dib loo eego barnaamijka serverku ku shaqaynayo, lana saxo khaladaadka ku jira.

In doorashada lagu galo diiwaan gelin la’aan.

Hadaba Xisbiga UDUB isagoo tix gelinaya karaamada iyo rabitaanka ummada reer Somaliland iyo ujeedada laga lahaa diiwaan gelinta oo ah in la helo doorasho xor iyo  xalaal ah, waxa uu soo jeedinaynaa in la qaato ra’yiga ay ku taliyeen khubarada caalamiga ahkaas oo ah in la  saxo  barnaamijka (serverka).

2aad - Waxana Xisbiga UDUB ka go’an in doorashadu qabsoonto 27 September 09, sida Komishanka qaranku hore  u cayimeen.

Waxanu dadweynaha reer Somaliland la socodsiinaynaa inaanay jirin haba yaraatee liis qoran oo ka soo baxay hay’adda Interpeace iyo komishanka doorashooyinka qaranka toona  oo Xisbiga UDUB diiday. Nasib darro waxaa ah in labada Xisbi mucaarad ay door bideen in la qaato tiro aan sal iyo raad toona lahayn oo ka soo horjeeda rabitaanka ummada reer Somaliland, demoqraadiyada iyo doorasho xor iyo  xalaal ahi  uga dhici lahayd wadanka.

Allah mahad leh  -  Jaamac yaasiin Faarax, Xoghaya Guud Ee Xisbiga UDUB.

Login