July 29, 2009
War-Saxaafadeed: Wasaaradda Arimaha Dibedda Somaliland.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Mudane Cabdilaahi Maxamed Ducaale ayaa shalay oo taariikhdu ahayd 28/07/2009 waxaa u soo gaadhay Magaalada Addis-Ababa xarunta dalka aanu jaarka nahay ee Ethiopia ka dib markii uu ka soo laabtay socdaal shaqo oo u ku tagay dalka Maraykanka. Waxaa wasiirka Arrimaha Dibeddu intii uu ku sugnaa Addis Ababa waxaa uu maanta saacadu markay ahayd 8:40 am waxaa si rasmi ah uu Xafiiskiisa kula kulmay Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibedda ee dalka Ethiopia Mr.Takada Alamu, waxayna labada dhinac ka wada hadleen xidhiidhka labada dal ee walaalaha ah Somaliland iyo Ethiopia oo dhinac walba leh gaar ahaan sidii ay dawladda Ethiopia ay u dardar galin lahayd wada shaqayntii ay la lahayd Somaliland haddii ay noqoto xag siyaasadeed,ganacsi, amaan, iwm.
Waxa kale oo labada dhinac ka wada hadleen mashruuca “Berbera Corridor” oo bishan July horaanteedii ay labada dhinac si hufan arrintaasi ka wada hadleen oo gudi heer wasiiro ah oo labada dhinac ah ku kulmeen magaalada Addis-Ababa laguna heshiyay in ay Ethiopia dar dar galiso isticmaalka dakada Berbera gaar ahaan dib u dhiska iyo dayactirka wadada isku xidha labada dal. Iyo arrimaha geeska afrika caam ahaan waxaanu kulankaasi ku dhamaaday jawi wanagsan iyo is afgarad buuxa.
Warbaahinta dalka Ethiopia ayaa si aad ah manta uga hadashay kulnaka dhax maray labada Wasiir .
Allaa Mahad Leh
Wasaaradda Arrimaha Dibedda
REPUBLIC OFSOMALILAND - Ministry of Foreign Affairs
