July 29, 2009
Interpeace iyo Shaqsiyaad Ka tirsan Mucaaradka Ayaa Burburinaya Qadiyadda Soomaaliland.
Waxaan salaamayaa dhamaan shacabka soomaaliland dibad iyo gudoba. Akhristayaal dalkeenii hooyo wuxuu u baahan yahay badbaadin laga badabaadiyo cadowga gudaha oo soo dedejinaya guusha cadowga dibadda. Waxa maanta loo baahan yahay in mid laga noqdo danta guud oo wixii ka hor imanaya danteenna guud aan si wada jir ah isaga kaashano wax ka qabadkeeda.
Maanta waqtigan xaasaasiga ah ee la gudo galay mucaarid iyo muxaafidba waa in si taxader leh oo danta guud ku jirto loola macaamilaa isbedel kasta ama xaalad kasta oo ina soo foodsaarta. Dhowaan qaar inaga mid ah oo aqoon gaab ah ayaa shabakadaha internetka ku faafiyey warar been abuur ah oo ay ku sheegeen in wasiirka arrimaha dibadda ee JSL Md. Cabdilaahi Maxamed Ducaale uu weji-gabax kala kulmay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka, gaar ahaan Md. Donald Payne oo diiday ama ka cudur daartay la kulanka wasiirka.
Warkaas oo shaqsiyaad mucaaradadda khalad ka fahmay si sifaha wadaninimo ka baxsan u buunbuuniyeen war ku sheegaas been abuurka ah wuxuu aad usoo jiitay indhaha cadowga Soomaaliland ,oo isla markiiba ku faafiyey shabakadaha ka shaqeeya ama xasadka ku ah jiritaanka,nabadgelyada iyo horumarka Soomaaliland.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee xisbiga Kulmiye Dr.Maxamed Cabdilaahi oo hadda isu bedeley weriye ayaa soo qoray inuu la kulmay Donald Payne iyo madax ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka inkastoo wax cadayn ah ama sawiro ah aanu soo bandhigin dhinaca maraykankuna aanay wax war ah kasoo saarin jiritaanka kulankaas. Mudanuhu wuxuu ilaawey in Maraykanku aanay aqoon Kulmiye, Ucid iyo Udub toona balse ay inoo yaqaaaniin Soomaali, haddana aynu ka dhaadhicinayno inaynu ka madaxbanaanahay Soomaaliya inteeda kale oo ay inoo aqoonsadaan qaran Soomaaliland la yiraa inaynu nahay, balse mudanuhu uu qoray inuu kala hadlay arrimaha xuquuqal insaanka,xadhiga weriyayaasha iyo arrimaha doorashooyinka ee Soomaaliland. Ha ogaado mudanuhu inuu wax kasta oo sumcad xumo u keeni kara xukuumadda jirta ay burburinayso sumcadda iyo qaddiyada Soomaaliland taasina aanay dan u ahayn mucaarad iyo muxaafad toona.
Dhinaca kale hay’adda Interpeace si ilmo hadda la socod barayo ayay ula macaamishaa Soomaaliland, sidii dad jaahil ah oo sidii la rabo laga yeeli karona way ula dhaqantaa, markaa waxgaradka reer mucaarid iyo muxaafidba waa go,aan degdeg ah laga qaato ficilada qaab dhaqankooda.
Hay’addani anigu shaqsi ahaan aragtidaan ka qabo waxay wadaan isku dhufasho xisbiyada qaranka iyo komishanka doorashooyinka qaranka,waxay rabaan in doorashooyin aanay ka dhicin dalka oo dagaal sokeeye ka bilaabmo oo ay mashaariic kusoo qaateen, markaa waa in xal waara laga gaaraa wax ka qabashada beentooda soo noqnoqonaysa ee aan dhamaadka lahayn. ‘Bur haddii la waayo,bedelkiisaa la helaa” haddii hawshii loo igmaday ay ka soo bixi waayeen waa in sidii laga fursan waayo ee shacabka dan u ah la yeelaa.
Cadowgeenna waa inaynu u lahaanaa hal weji, mucaarad iyo muxaafadba. Interpeace waxay filimka ku meteleysaa libaaxii saddexda dibi(Saca ninkiisa) ee kala midabka ahaa oo hadda ka dhigan xisbi xaakimka,xisbiyada mucaaradka iyo komishanka doorashooyinka si ay u kala tafaraaruqaan oo midba uu cidla uga helo oo u cuno isku diray isagoo adeegsanaya midabka jidhkooda kala nooca ah,dibiga cadoow ka madow iyo kan cas waxay rabaan inay iskugu kaa tagaan oo ku dilaan,ka madowna intaas in le,eg ayuu dhegta ugu sheegay,kan casna sidaas si le,eg.Markuu arkay in saddexda dibi coloobeen ayuu kolba mid cunay iyagoo aan isu soo gurmaneyn ileen cadaawad buu kala dhex dhigaye.
Soomaaliland waxa lagu badbaadin karaa isku duubni,wada tashi ,isu tanaasul iyo aqoonyahanka oo maanta u midooba ilaalinta danta guud ee maanta iyo mustaqbalka jiilasheena dambe,daacadna laga wada ahaado ka midho dhalintooda.
Shaqsiyaad dano gaar ah wata oo xukun u haraadan iyo qaar cadow soo adeegsanayo yaanay dab qabadsiin waxaynu 19 sano soo dhisanaynay ee ah nabadgelyo,wada noolaansho, dhaqaale,caafimaad,waxbarasho,iwm.
Wabilaahi tawfiiq
Siciid Saalax
Email: saedsalah09@hotmail.com
