July 28, 2009
Dufcaddii 8-aad oo Maanta Ka Qalin-jabisay Jaamicadda Camuud University.
Boorama (Harowo) - Munaasibadan si weyn loo soo agaasimay oo maanta lagu qabtay xarunta Jaamicadda Camuud University, ayaa lagu siiyey 147 Arday oo ka qalin-jabisay kuliyadaha kala duwan ee jaamicadda shahaadooyin isugu jira Diploma iyo Degree. Kuliyadaha ardaydani ka qalin-jabisay ayaa wax ka mid ahaa: Deegaanka iyo Beeraha, Sharciga iyo Qaanuunka, Maamulka iyo Maaraynta iyo Kuliyada Waxbarashada. Munaasibadan ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiiru dowlaha waxbarashada, Wasiir ku xigeenka Waxbarashada, Gudoomiyaha gobolka Awdal, Maamulka Jaamacada Camuud iyo marti sharaf kale. Hadaba Hoos ka Dhegeyso khubadihii iyo Hadaladii musuuliintii ka Hadashay.
Get Flash to see this player.
