July 27, 2009
Fanaanadda Reer Norwey ee Afka Somaliga Ku Heesta oo Hargeysa Timiday Maanta.
Hargeysa (Harowo Desk) - Fanaanadda Reer Norwey ee afka Somaliga ku heesta Tanya iyo Fanaanka Wayn ee Reer Somaliland Maxamed Aadan Himilo ayaa maanta ka soo degay madaarka Magaaladda Hargeysa ka dib markii ay Marti qaad rasmi ah ka heshay dawlada Somaliland, waxaana lagu wadaa inay mudo ku sugnaadaan dalka. Fanaanada Tanya oo si wanaagsan ugu hadasha luuqada Somaliga ayaa markii ay ka soo degtay Madaarka saxaafada ugu warantay qolka Nasashada waxaanay u mahadnaqday Madaxweynaha iyo Marwadiisa hadaba daawo soo dhawayntii iyo hadalkii Tanya.
