July 4, 2009
Xisbiga Kulmiye oo uu Ku Dhacay Xanuunka Loo Yaqaan RL “Rifan iyo Lisan”.
Dhamaan waxaan salamayaa bahda war-faafinta, aqristayaasha waqtigooda siiya iyo dhamaan ummadda Somaliland ee daneeya jiritaanka,xoriyadda iyo aqoonsiga somaliland. Waxaa aan la soconaa in xusbiga kulmiye uu ahaa xusbi xoog badan, se wixii ka danbeyey 2007 waxa ku dhacay runtii hoos u dhac aad iyo aad u weyn oo la odhan karo waa rifan iyo lisan. Runtii iyo xaqiiqdii markii la baadhey dad badan oo wax garadi ogadeen in kulmiye uu sida maanta uu yahay uu dhaamo 100% siduu ahaa 2003.maanta kulmiye waxaa uu waayey fursadii uu lahaa 2009. Xusbiga mucaradku wuxuu dalka la wareegi karaa marka ay ummadda amintu ee aragto in uu u hegan yahay yoolka dadku eegayaan ee ah aqoonsi caalamiya in la helo oo la soo heliyo xoriyadii la il duufey 26 jun 1960,se xusbi leysku hayo hogaankiisu ma aminsan yahay jiritaanka somaliland mise ma aminsana sidee dadku u dooran karaan.Runtii kulmiye waxaa ku dhacay rifan iyo lisan.
Waana tan wax yaalaha uu waayey ee hore uu u laha:
1. SNM AYAAN AHAY
Xaqiiqdii kulmiye wuu wayey taasi waxaana kuu cadeynaya markuu seylici oo waligiiba SNM ahayn uu Gud: Ahmed Siranyo uu ka doortey Halyeygii Abdirahman Aw Ali oo ahaa SNM ninka reer dhan ka yimid oo badheedhey,ayuu ka doortey Saylici oo ku xidhan labada ilma samater ee somaliland meel ay ka gasho weydey.
Waxaa mar kaliya xusbigii si tusbax furmey uga baxay rag aad u culus oo SNM ahaa dad badana ay daba socdaan taasina waxay kalsonidii ka qaadey dad badan oo xusbiga u arkayey in SNM uu yahay.
Waxaa 2003 aqoonyano aad u tiro badan ayaa ka dhex muqdey xusbiga kulmiye,maanta se waa laga dareerey waad la socotaa sida tusbax la furey in ay uga dareereen aqoonyano badan oo waliba u badan Hargeisa,Berbera,Borama iyo Gabiley. Waxaad la socotaa in aqooyano badan oo kulmiye ahaa ay ka baxeen maanta uu runtii ay go’dey gacantisii midig.
2. KULMIYE OO BEELO U ROGAAL KU CELIYEY
Somaliland waa ka guurtey nidamkii beelaha,xusbiyo ayey u guurte.se xusbigii kulmiye isagu wuxuu dib ugu noqdey xagii laga soo guurey ee beelaha taasina rifan iyo lisan ayey xusbiga u horsedey.
* SHIRKII GAR-ADAG. Beesha uu ka dhashey Ahmed Siranyo ayaa xalkaa ku shirey kolkii la’ogaadey in xusbiga kulmiye ay beeshu go’aamo ay soo saartey oo ah in xusbiga nin aan ahayn reerka siranyo ka dhashey lagu wareejiyo haduu siranyo ka tago oo Mahamed Kaahin loo dhiibo,waana tii sababtey shirkii burco in aaney cidi isla soo sharaxin.
* SHIRKII LABADA BELOOD EE BURCO:Beesha uu ka dhashey Ahmed Siranyo ayaa u tagey beesha burco la degta oo yidhi iminka nadoorta anaguna marka danbe ayaan idindoorane. Taasine waxay keentey in beelihii kale ee somaliland u arkeen in reer lagu celinayo somaliland xukunkana qabyaalad in lagu qabsado la rabo sidii mareexanka.
4. HAGARDAAMO IYO AFLAGAADO
Xalkii xusbiga kulmiye uu dadka somaliland uu u sharxi lahaa qorshihiisa iyo wax qabadkiisa wuxuu caado ka dhigtey hagardaamo iyo aflagaado joogto ah,waxaa kaga filan 6 Abril 2009 wixii ka danbeya dowladi ma jirto,caalamkii daneynayey somaliland oo xitaa laga dhaadhiciyey in somaliland meel aan dowladi jirin.
Shirkii birminham ee gudoomiyaha ahmed yimid wuxuu yidhi Distorka riyaala kufsada ma kalmad kale ayuu waayey. Mar walba waa afxumo joogta ah ayaa lagu arkaa madaxda kulmiye.
Wax yaalo badan oo somaliland u wanaagsan ayey ka dhigaan xumaan waad la socotaa DHOOFKII XOOLAHA ee reer miyiga neefka adhiga ah laga siisanayey 48 dollar oo kash ah maanta reer miyigii waxay ku la’yihiin 25 dollar ayaa dhibatada sameyey waa mucaaradka se waxay u waayen foodkii reer miyiga. Maanta haddii la aqoonsado somaliland wuxuu odhonayaa waa been oo uu ka naxayaa.
5. XUBNO CULUS OO KULMIYE AH OO XAMAR TAGEY
Xubno dhaqaale iyo cilmiba ku caawin jirey ayaa xaga xabalaha xamar tagey waxana ka mid ah M.A. OOMAR, SIFIR,SHEEKH CALI MOWLIID iyo qaar badan,xitaa kulmiye xusbigii kama uu saarin oo ma canbareyn ee wali xidhiidh ayuu la leeyahay,xitaa london wey ku kulmeen ina oomar.
Maanta Gud:Ahmed Siranyo wuxuu ku hadaaqayaa SOMALIA ileen waxaa la yidhi wixii uurkaga ku jira afkaa kaa xada. Cid walba oo lex-jiclo ka lihi somaliland kuma amini karto somaliland hogaamiyaasha maanta kulmiye ka taliya.
SOMALILAND WAA GUULEYSANEYSAA EE YAAN LA GAAGIXIN.
Maxamud Cabdi Cawale - London
Email: mccawale@hotmail.com

