July 3, 2009
Hambalyo xisbiga UDUB Hambalyo xisbiga UDUB
Marka hore waxaan salaamaya shacabka reer Somaliland, madaxda qaranka iyo saxaafada xorta ah ee xalaasha ah. Marka xiga waxaan hambalyo udirayaa dhammaan taageerayaashii madaxweyne ku xigeenkii hore ee cabdiraxmaan awcali faarax ee ku biiray xisbiga talada haya ee UDUB.
Waxaynu wada ognahay in tiradii ugu cuslayd uguna miisaan waynayd ay ku biireen UDUB, waxay taasi ka danbaysay kadib markii uu guddoomiyaha xisbiga kulmiye uu afduubtay shirwaynihii golaha dhexe ee ururka una raray magaalada burco.
Taasi waxay sobobtay in kala jab wayni uu ku dhacay xisbigii kulmiye ayna ka baxeen siyaasiyiin miisaan wayn leh oo ay kamid ahaayeen :
Cabdiraxmaan awcali faarax
Maxamed ibraahim dhagaweyne
Dr. axmed xuseen ciise
Dr. cumar cilmi dixood
Maxamed jaamac abgaal
Iyo kuwo kale oo badan
Haddaba taageerayaashii cabdiraxmaan awcali faarax ee doorashooyinkii hore usoo hooyay guusha ayaa hadda ku biiray xisbiga udub taasina waxay dhabar jab wayn ku tahay xisbiga kulmiye oo isku diyaarinaya doorashooyinka soo socda.
Sidaa awgeed waxaan marlabaad iyo mar saddexaadba aan hambalyo udirayaa xisbiga talada dalka haya ee UDUB oo maanta maraya heerkii ugu fiicnaa,waxaanan leehay halkaa ka wada shaqad qaranka aad uhaysaan, shacabka reer Somaliland waxaan ugu baaqayaa inay kalsoonidooda marlabaad siiyaan xisbiga udub oo ilaa maanta aan lahayn cidii xilka six or ah oo xalaal ah kala wareegi lahaa.
GUUL GUUL GUUL XISBIGA UDUB

