July 2, 2009

Gudoomiyihii goaankii kalabaydh oo Mucjiso lagu tusay dab qabsaday!

Borama (Harowo) - Gudoomiyihii gartii kalabaydh ee loo xil saaray in uu dhex dhexaadiyo beelihii diriray ee Gabilay iyo Dilla, oo dabayaaqadii arimaha ay ka biyo diideen duqaydii reer Dilla, markii ay arkeen cadaalad darada uu wado, isla markaana uu ka diiday in uu tixgelin siiyo cabashadooda, ka dibna go’aanka riday iyaga oo ka baxay madashii wada hadalka, waraysi aan ka qaadnayna ku adkaystay in uu wax walba sida ay tahay uu goaan ku soo saari doono…….

….. ayaa sida ay tibaaxayaan warar xogogaal ah oo aan helay sheegayaan in markii uu dhawr maalmood ka joogo goaanki uu riday, ay gubteen laba guri oo midna gabadh uu dhalay lahayd midna walaashii, guryahaas oo ku yaalay magaalada Burco, ilaa hada lama hayo sida wax loogu noqday dabkaas, balse waxay wararku tilmaamayaan in ay shuf beeleen, dabkaas oo qabsaday guryaha wakhti casar ah oo cadceedu soo jeedo.

Si kastaba ha ahaatee wararkaa naxdinta leh ayaa noqday mid gudoomiyihii Maxamed maxamuud Diiriye ku noqday xaalad mucjiso ah oo Ilaahay ku tusay ifka wixii uu ka shaqeeyay. Sidoo kale dadweynaha reer Burco ayaa si weyn u hadal hayay arimahaas gubashada guryaha oo iyagu kala socday arimaha gudomiyha idaacadaha iyo TVyada.

Dhanka kalana xubnihii golaha guurtida ka tirsanaa ayaa qudhooda ay ku noqotay arin fajac iyo la yaab leh, waxaana hada la is weydiinayaa sida muuqata ee Ilaahay wax ugu tusay dadkii rabay in bulshadii masaakiinta ahaa in ay fidmo balaadhan sii kala dhex dhigaan.

Ilaahay masiibooyinka ha ka qaboojiyo dadka wada dhashay meel kasta oo ay ku diriraan, dhexdoodana ha ka dhaliyo is faham iyo qalbi saliim ah. qof kasta oo fidmo ka shaqeeyaan ha ka toobad keeno.

“Walee balo nin doon doonoow kuma damaashaadid, dabka guriga kii hurinayoow godobi kuu duugan” Erayadii Abwaankii Soomaaliyeed.

Hashim Goth

Harowo.com, Boorama, Somaliland

Email: hashimgoth@hotmail.com

Login