July 2009

July 31, 2009

Komishanka doorashooyinka Somaliland oo Faahfaahin ka bixiyay Go’aanka ay ku laaleen Diiwaan Galintii iyo khilaafka soo kala dhex galay iyaga iyo Inter-Peece.

logo Hargeysa (Harowo Desk) - Gudida doorashooyinka qaranka ee Somaliland ayaa maanta shir jaraa’id oo ay ku qabteen xaruntooda magaaladda Hargeysa, faah faahin kaga bixiyay sababaha ku dhaliyay inay laalaan diiwaan galintii codbixiyayaasha, isla markaana ku baaqaan in doorashadda madaxtooyada lagu galo bilaa diiwaan galin.

Geesta kale komishanka doorashooyinku waxay ka hadleen asbaabaha ka danbeeyay isku dhaca iyaga iyo Hay’adda Inter peece, deeq bixiyayaasha, waxa kale oo ay digniin u jeediyeen musharaxiinta xisbiyada ee khilaafa go’aamadda komishanka hadaba hoos ka dhegayso codkii shirka jaraa’id ee komishanka oo dhamaystiran, waxaana ugu horaynaya Maxamed Yuusuf oo ahaa Gudoomiyihii ugu horeeyay ee komishanka ka dibna waxa hadalka uga danbaynaya gudoomiye ku xigeenka komishanka iyo gudoomiyaha Cali Biikalo iyo Jaamac Swedan.

Get Flash to see this player.

July 30, 2009

Madaxweyne Rayaale oo Waraysi uu Siiyey Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da Kaga Hadalay Interpeace Iyo Khilaafka Ceel-Bardaale.

Get Flash to see this player.

Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinif), oo Ka Tirsan Xaisbiga Kulmiye, Ayaa Ku Eegeeyey Hay’ada Inter-Peace Shirqool Lagu Mijo Xaabinayo Diiwaan Gelinta Iyo Dooradha Madaxtooyada Somaliland

Hargeysa (Harowo Deska) - Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinif), on ah masuulka u Qaabilsan Xisbiga Kulmiye Arimaha Komishan Doorashooyinka Somalilans, ayaa ku eedeeyey Hay’ada Interpeace Inay Hormood ka Tahay Shirqol Lagu Mijo Xaabinayo mashruucii Diiwaan Gelinta Cobixiyayaasha iyo doorasha madaxtooyada Somaliland ee hada inagu soo foole. Mr. Xinif ayaa waxa kale oo uu hay’ada Inter-Peace ku eedeeyey inay Caqabad ku noqotay sidii ay habsami ugu gudan lahaayeen Komishanka Doorashooyinka Somailand xilkii loo igmaday. Waxa kale oo uu masuulakani intaa ku daray in xogta SEVERKA Diiwaan Gelinta ay u diideen cid reer Somaliland ahi wax ka ogaato. Waa Markii u horeysay ee masuul ka tirsan xisbiga Kulmiye runta ka sheego sabobaha dib u dhaca ku keenay doorashada madaxtooyada Somaliland. Hadaba Hoos ka Dhegeyso Hadaladii Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinif).

Get Flash to see this player.

Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo loo magacaabay Afhayeenka Xisbiga UDUB.

mujaahid-cali-gurey Hargeysa (Harowo Desk) - Xoghayaha guud ee Xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax ayaa Cali Maxamed Yuusuf [Cali Guray] u magacaabay inuu noqdo afhayeenka Xisbiga UDUB, waxaanu xoghayuhu sidaa ku shaaciyay warsaxafadeed uu maanta soo saaray oo lagu cadeeyay magacaabista Cali Guray ee Afhayeenka Xisbiga UDUB loogu magacaabayo. Warsaxafadeedka Xoghayaha Xisbiga UDUB oo nuqul ka mid ahii soo gaadhay xafiiska Shabakadda wararka ee Harowo.com ku leedahay magaaladda Hargeysa ayaa waxa uu u dhignaa sidan.

More

Somaliland is Undermined by Tribal Chauvinism - By Mohamed F. Yabarag

target From the outset, Somaliland is peaceful, democratic, tolerant, and inclusive; a place where the rule of law is abided by all its citizenry and where people are equal in the eyes of the law. Is it? If you dig deep and explore further, however, you will come up with a different picture, an astonishing picture entirely different than what was portrayed of the country over the years. You will a see a country held back by tribal divisions and whose relative gains in terms of peace and social cohesion over the years is about to be reversed by a combination of events that are the products of its medieval and unjust social and political system – tribal power sharing.  

More

July 29, 2009

The Conspiracy Theory Continued….!

justice1 The peace seekers from clans of Somaliland are negotiating in Ruqi and Gabiley and meeting with the elders of the communities in that area. The negotiations on bringing the killers to justice are continued and will continue till it is abandoned. Deals can be reached if the clan from which the murders come from are honest and in full agreement to reach compromise.  It is however very unfortunate that the head of the army and that of the police in that area are reluctant to help the elders to apprehend the killers.  Also the government’s mobilization of its security is lacking seriousness. The Government has no teeth and the will to force the law and bring the killers to justice.  The news from Hargeisa and from other parts of Somaliland shows that apprehension of the killers and the sponsors of the murder are not in sight.

More

War-Saxaafadeed: Wasaaradda Arimaha Dibedda Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Mudane Cabdilaahi Maxamed Ducaale ayaa shalay oo taariikhdu ahayd 28/07/2009 waxaa u soo gaadhay Magaalada Addis-Ababa xarunta dalka aanu jaarka nahay ee Ethiopia ka dib markii uu ka soo laabtay socdaal shaqo oo u ku tagay dalka Maraykanka. Waxaa wasiirka Arrimaha Dibeddu intii uu  ku sugnaa Addis Ababa waxaa uu maanta saacadu markay ahayd 8:40 am  waxaa  si rasmi ah uu Xafiiskiisa kula kulmay Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibedda  ee dalka Ethiopia Mr.Takada Alamu, waxayna labada dhinac ka wada hadleen xidhiidhka labada dal ee walaalaha ah Somaliland iyo Ethiopia oo dhinac walba leh gaar ahaan sidii ay dawladda Ethiopia ay u dardar galin lahayd  wada shaqayntii ay la lahayd Somaliland haddii ay noqoto xag  siyaasadeed,ganacsi, amaan, iwm.

More

Wasiirka Dhaqanka Somaliland Oo Xafiiskiisa ku qaabilay Fanaanadda Tanya iyo Maxamed Aadan Himilo.

Hargeysa, (Harowo Desk) Wasiirka wasaaradda Dhaqanka iyo dalxiiska Somaliland Md. C/risaaq Waabari Rooble ayaa markii ugu horaysay xafiiska ku qaabilay Fanaanadda Reer Norway ee Afka Soomaliga ku Heesta Tanya [Canab Caday] Sida Soomalidu u taqaan oo iyada iyo fanaaniin reer Somaliland ahii maalintii isniintii booqasho ku yimiday Somaliland. Hadaba Kulankaas oo ay wasiirka ku wehelinayeen, Abwaan, Fanaaniin iyo Duqay, waxa aanu markii uu dhamaaday isla xafiiska wasiirka su’aalo safarkeeda la xidhiidha ku waydiinay Wasiirka, Fanaanada Tanya, iyo fanaanka wayn ee Maxamed Aadan Cali [Himilo] daawasho wacan.

Xildhibaan Garaad oo ka hadlay Xaalada Colaada Galbeedka kuna Eedeyay Masuuliyiin Sare in ay Wadaan

xidhibaan-garaad-small Boorama (Harowo) - Xildhibaan Maxamuud Axmed Bare(Garaad) oo ka mid ah xubnaha golaha Guurtida ayaa shir-jaraaid ku qabtay maanta magaalada Boorama Hutelka RAYS, wuxuuna kaga hadlay Nabadaynta iyo heshiisiinta beelaha iyo muranka beelaha Gabilay iyo Dila. Xil. Garaad wuxuu tilmaan ka bixiyay in muranka ka dhexeeya labada beelood ee Gabilay iyo dila aanu ahayn meesha la yidhaa Ceelbardaale, balse ay tahay Dibiraweyn oo weligeedba loo yaqaanay deegaan beesha reer Nuur ah, meesha Ceelbardaale la yidhaana ay tahay meel ay haystaan dadkii lahaa ee reer gabilay.

Get Flash to see this player.

Xildhibaan Garaad oo Shir Jaraa’id uu Maanta Qabatay Kaga Hadlay Xaalada Colaada Galbeedka, Kuna Eedeyay Masuuliyiin Sare in ay Wadaan.

shir-jaraaid-small Boorama (Harowo) - Xildhibaan Maxamuud Axmed Bare(Garaad) oo ka mid ah xubnaha golaha Guurtida ayaa shir-jaraaid ku qabtay maanta magaalada Boorama Hutelka RAYS, wuxuuna kaga hadlay Nabadaynta iyo heshiisiinta beelaha iyo muranka beelaha Gabilay iyo Dila, ugu horayn wuxuu tilmaan ka bixiyay in muranka ka dhexeeya labada beelood ee Gabilay iyo dila aanu ahayn meesha la yidhaa Ceelbardaale, balse ay tahay Dibiraweyn oo weligeedba loo yaqaanay deegaan beesha reer Nuur ah, meesha Ceelbardaale la yidhaana ay tahay meel ay haystaan dadkii lahaa ee reer gabilay.

More

Xisbiyada Mucaaridka Danta Dalka Waxa Kala Weyn Danahooda Gaarka ah.

Waxaan ahay muwaadin  xiiseeya xog-ogaal u noqoshada hadba halka ay marayso xaaladda siyaasadeed ee dalkeenu. Sababtu waxa weeye siyaasaddu waa ta lafdhabarta u ah maaraynta hawlaha dalka. Waxaan in yar ka odhanayaa arrinta ku saabsan doorashada ee maalmahan dambe aad uga muuqatay saaxadda siyaasadda Somaliland.

More

Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland Mudane Jaamac Sweden oo Shaaca Ka Qaaday In Doorashada Madaxtooyada Somaliland Lagu Galo Diwaan Gelin La’aan.

Get Flash to see this player.

List of the Problems That Have Consistently Plagued the Somaliland National Voter Registration Project.

brain-problems 1. The National Electoral Commission (NEC), and the political parties insisted on a sophisticated biometric (fingerprint identification) system, against the explicit advice of Interpeace and the donors; both recommended using a simpler manual system in order to avoid potential delays from an electronic one that Somalilanders would not be familiar with and that would require recruiting extra personnel and obtaining materials from abroad.

2. Donors provided about $10 million for the development and implementation of this ambitious system, of which over $ 5 million was directly contracted to Somaliland vendors and the employment of thousands of Somalilanders to implement the programme.

More

Warsaxaafadeed: Xafiiska Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB Mudane Jaamac Yaasiin Faarax

Hargeysa (Harowo Desk) - War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB Mudane Jaamac Yaasiin Faarax, ayaa u qornaa sida tan : Sida aynu wada ognahay.waxa ber yahan socday arrimo farsamo oo lagu xaqiijinayo in la helo tiro sax ah oo ka soo baxda Serverka oo ay gacanta ku hayso hay’adda Interpeace.

More

Interpeace iyo Shaqsiyaad Ka tirsan Mucaaradka Ayaa Burburinaya Qadiyadda Soomaaliland.

Waxaan salaamayaa dhamaan shacabka soomaaliland dibad iyo gudoba. Akhristayaal dalkeenii hooyo wuxuu u baahan yahay badbaadin laga badabaadiyo cadowga gudaha oo soo dedejinaya guusha cadowga dibadda. Waxa maanta loo baahan yahay in mid laga noqdo danta guud oo wixii ka hor imanaya danteenna guud aan si wada jir ah isaga kaashano wax ka qabadkeeda.

More

Ganacsatada Wajaale oo Sidii Bakaaraha Muqdishu Raba Inay Ciidan Samaystaan

Borama (Harowo) - Ganacsatada meheradaha ku leh magaalada magaalada Wajaale ayaa laga soo sheegayaa in ay ka bilaabeen magaalada Wajaale dhaqaale ururin ay ugu talo galeen Amaanka maalkooda iyo naftooda, taas oo mehered kasta oo ganacsi lagu qoray qaadhaan lacageed, sidaas waxa u sheegay shabakada wararka Harowo.com mid ka mida ganacsatada waaweyn ee magaalada wajaale degen, ganacsadahaas oo codsaday in aan la sheegin magaciisa wuxuu sheegay in gudi ka mida ganacsatada magaaladu hawshan lacag ururinta ah ka bilaabeen magaalada, taas oo ay noogu sheegeen ilaalinta Amaanka magaalada Wajaale ayuu yidhi Ganacsadahaasi.

More

Inaalilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajucuun

Anagoo AH Dadka Hoos Ku QoRan Waxaan Tacsi Udiraynaa Dhaman Qoyskii Iyo Qaraabadii Uu ka Geeriyooday Alaha U Naxariistee Marxuum Nuux Xuseen Cawaale Oo 26 bishan Ku Geeriyooday Magaalada Boorama  Gaar ahaan Sheekh Maxamed Nuux Cawaale . Waxaanan leenanay ALaha Marxuumka Janadii Fardawsa ka waraabiyo Idinkana samir iyo Iiman Idinka siiyo .

More

July 28, 2009

Dufcaddii 8-aad oo Maanta Ka Qalin-jabisay Jaamicadda Camuud University.

dufcaddii-8aad-ee-camuud-ka-qalinjabisay-small-2 Boorama (Harowo) - Munaasibadan si weyn loo soo agaasimay oo maanta lagu qabtay xarunta Jaamicadda Camuud University, ayaa lagu siiyey 147 Arday oo ka qalin-jabisay kuliyadaha kala duwan ee jaamicadda shahaadooyin isugu jira Diploma iyo Degree. Kuliyadaha ardaydani ka qalin-jabisay ayaa wax ka mid ahaa: Deegaanka iyo Beeraha, Sharciga iyo Qaanuunka, Maamulka iyo Maaraynta iyo Kuliyada Waxbarashada. Munaasibadan ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiiru dowlaha waxbarashada, Wasiir ku xigeenka Waxbarashada, Gudoomiyaha gobolka Awdal, Maamulka Jaamacada Camuud iyo marti sharaf kale. Hadaba Hoos ka Dhegeyso khubadihii iyo Hadaladii musuuliintii ka Hadashay.

Get Flash to see this player.

July 27, 2009

Taariikh kooban Aabaha Cuudka Soomaaliyeed Max’d C/laah [Xudaydi] 1928-kii ilaa 2009 Daawo.

Hargeysa (Harowo Desk) - Maxamuud C/laahi Xudaydi oo ah Ninka Sida wayn Somalidu ugu taqaan Aabaha Cuudka loogana hadhay ama loo daba fadhiisto tumista muusiga Kamanka ee Cuudka Loo yaqaan ayaa waraysi gaar ah oo uu maanta siiyay saxaafada qaarkeed kaga waramay taariikhdiisi fanka, xiligii uu bilaabay, halkuu ka bilaabay dadkii uu wax baray, waxa uu jecel yahay iyo hamigiisa Mustaqbal waxa uu maagan yahay iyo Iskuul fanka gaar ahaan tumista muusiga lagu barto oo uu Somaliland ka Furayo.

Fanaanadda Reer Norwey ee Afka Somaliga Ku Heesta oo Hargeysa Timiday Maanta.

Hargeysa (Harowo Desk) - Fanaanadda Reer Norwey ee afka Somaliga ku heesta Tanya iyo Fanaanka Wayn ee Reer Somaliland Maxamed Aadan Himilo ayaa maanta ka soo degay madaarka Magaaladda Hargeysa ka dib markii ay Marti qaad rasmi ah ka heshay dawlada Somaliland, waxaana lagu wadaa inay mudo ku sugnaadaan dalka. Fanaanada Tanya oo si wanaagsan ugu hadasha luuqada Somaliga ayaa markii ay ka soo degtay Madaarka saxaafada ugu warantay qolka Nasashada waxaanay u mahadnaqday Madaxweynaha iyo Marwadiisa hadaba daawo soo dhawayntii iyo hadalkii Tanya.

Login