June 2009

June 27, 2009

Baanka Somaliland oo Si Rasmi ah Maanta Looga Furay Magaalada Laas-caanood:

laascaanood-small2 Laas-caanood, (Harowo Desk) - Waxaa saaka lagu qabtay Banki-ga magaalada Laascaanood xaflad balaadhan oo lagu furayay Bankiga magaalada kaas oo ay kasoo qayb galeen masuuliyiin ka socda Banka dhexe ee Somaliland,heer Gobol iyo waliba shacab wayne aad u fara badan kuwaas oo si wayn ugu faraxsanaa furitaanka Bankiga magaalada.

More

26 Juun Maalinta Xornimada Somaliland oo Qiimaheedii La Iloobay!

Boorama (Harowo) - 26 Juun 1960 waxay ahayd maalintii caro Soomaliyeed laga taago Calan, waxaana xornimadeedii la siiyay Somaliland oo ahayd maxmiyad ay ka talinyaan boqortooyada Britishku, taariikhdaasi waa mid aan la dafiri karin isla markaana aan la halmaami karin, oo ka mid noqotay Qarnigii tegay taariikhda Somaalida,Inkasta oo la odhan karo ma ahayn xornimo loo bislaaday wakhtigaas marka la barbar dhigo marxalada maanta lagu jiro, hadana waa xili iyo wakhti soo maray dadka maanta sheeganaya Somaliland. More

June 26, 2009

Gudoomiyaha Komiishanka Doorashooyinka oo Shaaca ka qaaday in Xukuumadu Bixisay samigii Lacageed ee Doorashada Madaxtooyadda.

. ”Waxa dhammaystirmay oo ay dawladdu bixisay saamigii kharashka ee doorashada madaxtooyada oo lagu shubay xisbaata Komishanka, taasoo dhan Hal milyan oo dollar.”  Gudoomiyaha gudida Doorashooyinka qaranka

Hargeysa, (Harowo Desk) - Gudoomiyaha gudida Doorashooyinka qaranka Md. Jaamac Maxamuud Cumar [Sweden] ayaa war saxafadeed uu maanta soo saaray waxa uu shaaca kaga qaaday in xukuumadda Somaliland dhamaystirtay kuna shubtay accunt-ka gudida doorashooyinka qaranka saamigii lacageed ee ay ku lahayd doorashada madaxtooyadda oo ahayd 25% ama lacag u dhiganta hal milyan oo dollar.

More

Faalada Madaxa Harowo ka Bixiyay ARDAA Anaa Raaligelin Ka Bixiyay

Maqaalkan waxaan qalinka u qaatay markaan arkay madaxa websidkayaga Harowo Axmed Sheikh oo faalo ka qoray ururka ARDAA, faaladaas oo aan u arkay in wixii meel ka dhac ku ah shaqsiyaad uu taabtay saaxiibkay ee ka baxsan Anshaxa warbaahinta aan si bahnimo oo aan ka mid ahay shabakada baaxada leh ee Harowo uga raaligeliyo shaqsiyaadkaas uu magacaabay saaxiibkay.

More

Wasiirka Arimaha Dibada oo Shir Jaraa’id Kaga Hadlay Arimo Badan.

cabdilaahi-maxamed-ducaale Hargeysa, (Harowo Desk) - Wasiirka Arimaha dibada Somaliland ayaa maanta Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Hargeysa kaga hadlay siyaasada Arimaha dibada ee Somaliland iyo safar uu dhawaan u tagayo dalka Maraykanka si uu halkaa kulamo ugula yeesho maamulka Cusub ee dalka maraykanka, hadaba shirkaa jaraa’id waxyaabihii uu wasiirku ka yidhi iyagoo faahfaahsan hoos ka dhegayso.

Get Flash to see this player.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland oo ka waramay Socdaalkoodi Kenye/kulamadii Deeqbixiyayaasha ay la yeesheen iyo hadaladda Xisbiyada Mucaaridku ka daba turaan wufuuda dawladda.

wasiir-cawil Hargeysa, (Harowo Desk) - Wafdigii Wasiiradda ahaa ee ka socday Xukuumada Somaliland oo socdaal shaqo mudo todobaad ka badan ugu maqnaa dalka Kenya, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, wafdigan oo uu hogaaminayay wasiirka Maaliyada Somaliland Md. Xuseen Ducaale Cali (Cawil) uuna wehelinayay wasiirka arimaha dibada Md. C/laahi Maxmed Ducaale, waxay xogwaran madaarka Cigaal International ku siiyeen Warbaahinta. Hoos ka dhegeyso hadalka Wasiir Cawil.

Get Flash to see this player.

Xogwaran Afhayeenka Madaxtooyaddu ka bixiyay Kulankii Madaxweynaha iyo Wafdiga Safadda Ingiriiska ee Dalka Ethiopia iyo Shir Maraykanku ku casuumay Somaliland

siciid-cadaani Hargeysa, (Harowo Desk) - Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Md. Siciid Cadaani Mooge, ayaa si faahfaahsan uga warbixiyay kulan Xarunta Madaxtooyadda Somaliland uu Madaxweynaha Somaliland kula yeeshay Maanta, Wafdi balaadhan oo ka socday Safaaradda Ingiriisku ku leeyahay dalka Ethiopia, oo uu hogaaminayo Danjire, Deved lind oo ka tirsan masuuliyiinta safaarada dawlada Ingiriisku ku leedahay dalka Ethiopia oo socdaal maanta ku yimiday dalka. Hadalkii afhayeenka oo dhamaystiran hoos ka dhegayso.

Get Flash to see this player.

Hamblyo Iyo Bogaadin: Meherka Md. Samaale Adam Muxumad iyo Marwo Xaliimo Ismaaciil Cusmaan.

rosespin Annaka oo ah dadka hoos ku qoran waxaan hambalyo u diraynaa Md. Samaale Adam Muxumad iyo marwo Xaliimo Ismaaciil Cusmaan oo meherkoodo ka dhacay magaaladda Bergen ee wadanka Norway: Waxaan  eebbe uga baryaynaa inay noqdaan reerkii lugu nastee lugo nagaado. Wiil iypo caano. Amiin, amiin, amiin

More

Hambalyo Iyo Bogaadin Ku Socota Boqor Suleenaan Aw Cali Maasheeye.

crown Annagoo ah jaaliyadda gobolka salal ee minnesota ee hoos ku qoran waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa Boqor Suleenaan Aw Cali Maasheeye, oo lgu caleemo saaray duleedka magaalada boon ee gobolka salal maalintii khamiistii ee june 18 - 2009 in uu ilaahay ka dhigo boqor dalkiisa iyo dadkiisaba iyo diintiisaba waxaanan leenahay ilaahay ha kuu fududeeyo xilkaasi…amiin….amiin…..amiin

More

Hanbalyo Iyo Bogaadin: Meherka Mudane Khadar Ismail Wayeb iyo Marwo Ifrah Ismail Muse

rose Waxa aan halkan hanbalyo kal iyo laab ah uga dirayaa Mudane Khadar Ismail Wayeb iyo Marwo Ifrah Ismail Muse oo meherkoodu ka dhacay magaalada Hargeisa ee Somaliland iyaguna degan dalkan Sweden. Waxa aan Alle uga baryayaa in uu ka dhigo guurkooda kii waara ee lagu reeyo Alle- na (Swt) kala siiyo ubad khayr qaba, oo dalkooda iyo diintoodaba anfaca.

Alla Mahad Leh - By Hussein Wadaadyare

June 25, 2009

Hadaladii Lagu Soo Xidhay Gabagabadii Munaasibadda Xisbiga UDUB u Sameeyey Xubnaha Kulmiye ee Ku Soo Biiray UDUB.

Get Flash to see this player.

Khudbadihii Masuuliinta Xisbiga Awdal Ka Jeediyeen Munaasabaddii Lagu Soo Dhaweynayey Xubnihii Xisbiga Kulmiye ee Ku Biiray Xisbiga UDUB

Get Flash to see this player.

Halkan Ka Dhegeyso Hadaladii Xafladda Udub u Samaysay Xubnihii Xisbiga Kulmiye ee G/Awdal, Kuna Biiray Xisbiga UDUB.

Get Flash to see this player.

Dhegeyso Soo Dhaweyntii Xisbiga UDUB ee Xubnihii Hore Uga Tirsanaa Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Awdal, Hadana Ku Biiray UDUB

Get Flash to see this player.

Halkan Ka Daawo Sawiradii Xafladdii Soo Dhaweynta Xubnihii Hore Uga Tirsanaa Xisbiga Kulmiye ee Ku Biiray Xisbiga UDUB.

xafladdii-dadkii-kulmiye-ee-udub-ku-biiray-small-2 Boorama (Harowo) - Xaflad la isku arkay oo lagu soo dhaweyanayey masuulyiintii hore ee xisbiga Kulmiye, taageerayaashi Muj. C/raxmaan Cali Faarax ee G/awdal iyo xubno kale oo sheegay inay kasoo digo rogteen xisbiga Kulmiye, ayaa maanta lagu qabtay Huteel Rays oo ku yaal magaalada Boorama. Xafladdan oo socotay saacado badan, ayaa waxa soo qabanqaabiyey ururka haweenka qaranka NOW iyo masuulyiinta xisbiga UDUB ee G/Awdal. Fadlan Hoos Ka Daawo Sawiradii Munaasabadda.

More

Xisbiga UDUB oo KU Guulaystay Inuu Kasbasbado Taageerayaal Fara Badan oo Hore Uga Tirsanaan Jiray Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Awdal.

xafladdii-dadkii-kulmiye-ee-udub-ku-biiray-small Boorama (Harowo) - Xaflad aad u balaadhan oo ka dhacday Hutelka RAYS (Boorama), loona qabtay Taageerayaal ku soo biiray UDUB, oo ay wada jir u soo qabanqaabiyeen ururka haweenka qaranka (NOW) iyo masuulyiinta xisbiga UDUB ee G/awdal, ayaa  waxa ka soo qaybgalay wafdi ka socday hoggaanka sare ee xisbiga  UDUB, masuulyiinta xisbiga UDUB ee G/Awdal, Salaadiin, martisharaf kale iyo ku dhawaad 150 xubnood oo ka mid ahaa taageerayaasha C/raxmaan Aw Cali ee ku jiray xisbiga Kulmiye iyo masuulyiintii hore ee xisbiga Kulmiye ee G/awdal.

More

June 24, 2009

Faallo: Daan Daansiga Ereteria, Dulqaadka Somalinland Iyo Sooyaalka Tariikheed ee Geeska Afrika.

Wadamada ku yaal waqooyi  bari ee qaarada Africa ama loo yaqaan Geeska  Africa , waxay ka kooban yihiin 7doba wadan ee la isku yidhaadho IGAD oo kala ah Somalia, Jabouti, Ereteria, Ethiopia, Sudan, Uganda, Kenya. Waxa ku nool Geeska Africa qiyaas ahaan dad lagu cadadey 187.97 million iyadoo tirade korodhka dadku uu yahay sanadkiiba 2.6%.

More

Oday Jeex Cumar Geele oo si Ba’an Go’aankii Gudida Dhexdhexaadinta ee G/Guurtida Somaliland Dhawaanta ka Soo Saaratay Khilaafka Ceel-Bardaale.

oday-jeex-cumar-geele Boorama (Harowo) - Oday Jeex Cumar Geele, kana mid ah waxgaradka aadka Looga qadariyo Goboka Awdal, ayaa waraysi uu siiyey Shabakadda Wararka ee Harowo.com, si ba’an u dhaliilay go’aankii dhawaanta gudi ka socota Guurtida Somaliland oo uu soo xulay Salebaan Gaal (Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland), kuwaas oo uu Oday Jeex Cumar ku tilmaamay inay qaadeen “Gar Eexo”. Oday Jeex Cumar wuxuu aad ula yaabay kana  subxaano laystay sida xaqa iyo shareecada diinta Islaamka uga gudbeen gudida ka socotay Golaha Guurtidu, iyaga  oo adeegsaday qabyaalad badheedh ah iyo wax aan dan u ahayn beelaha isku khilaafsan Degaanka Ceel-Bardaale. Haba hoos ka dhegeyso hadalkii Oday Jeex Cumar Geele oo tifaftiran - By Weriye hashim Goth.

Get Flash to see this player.

Faallo: Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka ARDAA, oo Shaaca ka Qaday In Ayna Wax Doorasho La Yidhaa Ka Dhaci Doonin Shirka Lagu Qabanayo Magaalada Ottawa ee Dalka Canada

gudoomiyaha-ardaa Gudoomiyaha Urur Siyasadeedka Qurba-jooga Awdal ee la magac baxay ARDAA, mudane Ibraahim Cabsiiyey, ayaa markii ugu horesay isaga oo ku hadlaya magaca ururka shaaca ka qaaday “in aysan wax doorasho la yidhaa” ka dhaci doonin inta uu socdo shirweynihii ugu horeeyey ee taageerayaasha ururku sida la filayo ku qabsan doonaan magaalada Ottawa ee dalka Canada. Sidaa wuxuu Ibraahim Cabsiiyey ku sheegay waraysi uu sii siiyey Shabakad aan sidaa loo aqoon oo ka mid shabakadaha Reer Awdal, magaceedana la yidhaa “Warkamaanta.com”.

More

June 23, 2009

Weriye Maxamed Cumar (Hyenooow), Maxaa Lagaa Siiyaa Madaxweyne Rayaale?

Wariye Mohamed Omar Sh. Ibrahim oo ku magac dheer (Hyane), wuxuu ka mid yahay wariyayaasha fara ku tirsiga ah ee gobolka Awdal ka tabiya wararka. Wariyuhu Hyena wuxuu in badan ku dhex jirey warbaahinta dalka, waana weriye khibrad weyna u leh micnaha saxaafada marka loo eego wariyayaasha kale ee ku sugan gobolka Awdal.  Waxaanan odhan karnaa Weriye Hyena waa wariye ka dadaal badan wariyayaasha kale ee gobolka jooga, isla markaasina kaga horeeya dhinacyada diyaarinta warbixinada iyo tabinta wixii jira balse marka aad akhrido wararka uu qoro iyo faalooyinka uu soo bandhigo, waxaad moodaa in uu yahay wariye mucaarid ku ah xukuumada jirta ee JSL, haddii ay taasi run tahay waxaan odhan karnaa wariye Hyane maaha wariyihii u horeeyey ee xukuumad jirta mucaarida sidaas oo ay tahay waxaa dunida aynu nool nahay jira wariyayaal mucaarid ah iyo kuwo kale oo ku hadla afka xukuumada ay ku hoos nool yihiin.

More

Login