June 30, 2009

Xildh. Duur Oo Awood Darada Golaha Wakiilada ee uu Katirsan Yahay Kula Galgashay Xukuumada Somaliland.

Hargeysa (SN) - Xildhibaan Maxamed Nuur Caraale (Duur) oo ka tirsan Golaha wakiilada ee Somaliland ayaa fadhiidhnimada kamuuqata Golaha wakiilada kula galgashay xukuumada Somaliland waraysi uu siiyay qaar kamid ah saxaafada dalka.

Xildhibaan Duur oo ah oo kamid ah koox mudanayaal mucaarid ah oo lagu tiriyo kuwa kala qaybiyay wada shaqayntii golaha wakiilada, ayaa waraysi uu siiyay saxaafada gudaha ku sheegay in golahoodii wakiiladu uu meesha kasii baxayo kadib markii ay tahli kari waayeen inay isugu yimaadaan fadhiyada golaha wakiilada oo kooram la’aan awgeed mar walba ufurmi waaya.

Waxaanu Duur sheegay in xildhibaanadii golaha wakiiladu qaarkood isaga noqdeen wadamadii ay ka yimaadeen ee qurbaha, halka qaar kalena guryahooda iska joogaan, kadib markii lawaayay cid buuxisa tiradii looga baahnaa inuu kufurmo golaha waiiladu.

Xildhibaanka oo isku dayay fadhiidhnimada golihiisa kamuuqada inuu kula galgasho xukuumada Somaliland ayaa ku andacooday in xukuumadu meel isaga xidhay golihii wakiilada, hase yeeshee, shacabka sida weyn isha ugu hayay golihii loo han weynaa ee wakiilada ayaa tamar darada golaha kutimid dusha kasaara kala qaybsanaanta xubnaha golaha wakiilada oo ukala jabay koox uu Duur kujiro oo golaha ladhex timaada kujiqsiinta iyo eedaynta golaha kale ee Xukuumada iyo koox tiro badan oo difaac u eedayntaas, halka xildhibaano tiro badana isaga maqnaadeen fadhiyada golaha wakiilada kadib markii fadhiyada golaha wakiiladu noqdeen meel lagu murmo oo kaliya oo aan lagu hayn dan umadeed.

Hadalkan kasoo yeedhay xildhibaan Duur ayaa u muuqda “Cudurka kaa gala fardaha hadii laga gubo dameer dawadiisa lama gaadhayee”. Sababta oo ah majirto ilaa iyo hada wax qabad muuqda oo laga arkay tan iyo markii lasoo doortay golaha wakiilada, balse waxa la arkaa uun iyaga oo weerar iyo weerar celis ugu jira hawlo aan ahayn kuwii uyaalay ee laga sugayay, taasi oo rajo beel kadhigtay himiladii ay kaqabeen shacabkii soo soortey.

Xukuumada uu Duur ku eedaynayo fadhiidhnimada golihiisa wakiiladu waatii qabatay doorashadii lagusoo doortay golaha uu katirsan yahay, haatana xusul duub ugu jiro sidii ay uqabsoomi lahayd doorashada madaxtooyada ee loo qoondeeyay dhamaadka bisha September ee sanadkan aynu kujirno.

Source: Somalilandnation

Login