June 30, 2009

Madaxweyne Maantaa Lagaaga Fadhiya Cadaalad iyo Geesinimo Inad Ku Furdaamiso Shaqaaqda Ceel-Bardaale

Dawlada-wanaagsani mar waliba waa in ay heegan u ahaato wixi ka soo baxa ha’yaddaha sharci danjinta ee dalkaasi leeyahay, islamarkaan waa in ay diyaar u noqota fulinta go’aamadaasi loo soo gudbiyo dawladaasi. Haddii ay dawladaasi ka gaabiso fulintu  hawlahaasi loo igmaday waxa meesha ka baxaysa wada shaqeyntii iyo nidaamkii dawladnimo ee shuruucda dalku ku dhisnayeen….

….iyo waliba dawlad wanaagi iyo hormurkii la heegsanaya iyo dimuqradeydii la naawlaya waxa meesha imankara isku dhaca aan dhibaatadiisa laga soo waaqsan karin oo waxweyne u dhimi kara nidaamkii dawladnimo ee la higsanayay waa haddii la waayo wada shaqeyn.

Muddo dhawr bilood ka hore waxa loo xilsaarey odayaal xul ah o golaha guurtida ka tirsan shaqaaqadii baryahan ba ka oogneyda dagaamo ka tirsan G/ Gabiley iyo dagaamo G/Awdal ee CEELBARDAALE, mudo dhawr bilood ah ayey guurtidu ku mashquulsaneyd xal u helida mashaakilkaasi dagaankaasi ka oognaa mudadbadan, sida aynu ula wada socon waxey guurtidii dhexdhexaadinaysa labadaasi beelood mudo dhawr bilood ah.

Waxay guurtidu soo saareen go’aamo kama danbeysa ah o ay soo gaadhsiiyeen golaha guurtida ee ay ka tirsanay ee u xilsaaray hawshaasi iyo dawlada u madaxweynaha ka yahay mudane Daahir Rayaale iyo warbaahinta xorta ah iyo dhamaan bulshada soomaliland ee nabada jecl, go’aamadan kama danbeysa ah waxa loo soo gudbiyay dawlada o leh fulinteenna lagan sugayo sida dhabtah dawlada ah ha’yaddii fulinta go’aamada ka soo baxa gudidaasi dhexdhexaadinta ee mudada badan ku sugnaa dagaanadaasi lagu muransan yahay.

Maanta maaha maalintii mar labada laga dhex toosi laha golaha guurtida ee go’aamadaasi waxku oolka ah ee lagu soo gunaanaday shaqaaqadii dhiiga iyo dhawaaca iyo hantiduba ku burburtay ee Ceelbardaale.

Waxanasiib daro ah in marlabaad  go’aamadii gudidu soo saartay la yidhaahdo guurtidiiba ku kala qeysan iwm. arinkaasi haddii u sidaasi u dhaco oo ay guurtidu isku khilaafto waxa meeshaasi inooga iftiimi doona ama micnaheedu noqodona meeshu maha GOLA GUURTI, islamarkaasna haddii la fulin waayo go’aankaasi guurtidu gaadhey waxey sharaf dhaca iyo naaqisnimo ku tahay maamulkeena o dhan iyo waliba qarannimadeena.

Runtii waxa marwalba waajib ku ah dawladu in ey go’aamada loo soo gudbiyo ama loo igmada in ay si daacadnimo ah u fuliso si loo damiyo dabkaasi meesha ka baxaya, haddii ey dawladu soo afjari weydo shaqaaqadaasi iyo kuwa la midkaba ee dalka ka taagan islamarkaan waajibaadkeeda gudan weydo sidaan aaminsanahey waxa mas’uuliyadeeda lagala xisaabtami doona ha’yadda fulinta oo ah dawlada u madaxda ka yahay madaxweyne Rayaale.

Waxa aakhristow qoraalkan yar ee gaaban igu kalifay maanta hadalo iyo khilaaf laga soo sheegayo golihii guurtida ee laha go’aamadii laga soo saaray khilaafkii Ceelbardaale ee lagu kala furdaaminaya laha labada beelood ee isku dagaanka ah gacalka iyo xasabada ba ah,  go’aamadan oo ah qaar mudo badan laga soo shaqeynaya oo ay guurtidii dhexdhexaadinto soo dhameystirtay ay ila hadda iga daadagi waayay guurtidiiba marlabad isku khilaafsan go’aamadii la soo dhameyay waa cajiib.

Waxan haddba leeyahay maamulka fulinta qaabilsan ee laga sugayaa wanaag iyo kala furdaaminta labadaasi beelood ee walaalaha iyo gacalkaba ahi waa maamulka madaxweyne Rayaale u hormoodka u yahay, waxa kaloo maanta bulshada soomaliland ee nabadgalyada iyo hormarka jecli eegayaan  sida u maanta u ka yeelo madaxweyne Rayaale arimaahaasi iyo go’aamadaasi fulintooda looga fadhiyo maamulkiisa, maaha arimahani arimo loo adeegsan karayo siyaasad iyo doorasho, runtii arimahani waa arimo dhul iyo hanti gaar ah khuseya oo cadaalad iyo aqoon u baahan iyo geesinimo. Ilaaheyna waxan ka baryayaa inuu maamulka iyo labadaasi dhicnaba waa fajiyo dariiq wanaagsan ee u kheyrku ku jiro.

Omar Daarood Xassan - Norway

Email: darood2@hotmail.com

Login