June 30, 2009

Urur Siyaasadeedka ARDAA Wuxuu La Mid Yahay Mashruucii “Jiifoo Jaq” ee Lagu Dhacay Danyartii Iyo Haweenkii Reer Hargaysa.

Dan waxaan u maleeyayeen, Maskaxdayda ka doortay, Daliil baan idin siinne, Dadkow aad u dhagayso

Markaan fiiriyay ee aan falanqeeyay  ee aan  la xidhiidhay xubno mihiima oo jooga duleedka meesha shirku ka dhacaayo ee Magaalada Ottawa Waxa ii soo baaxday in ujeedadan shirkani ayna waxba ka duwanayn “mashruucii Jiifoo Jaq” ee lagu dhacay Haweenkii iyo danyartii reer Hargaysa.  Sida xubno mihiim ahi ay sheegeen waxa cirka isku shereeyay isku san qashada iyo suuldhabaalaynta ay wadaan nimanka isku sheegay hogaanka Ururka Jiifoo Jaq “Ardaa” si aan loo dareemin shaadirka madaw iyo soodhka  birlabta leh ee ay wataan.  

Waxaa intii la iigu daray coomirada ku mashquulsan qabanqaabada iyo taaba galinta shirku in ayna rabin  marnaba in ay u dhanaadaan dadka reer Awdal shirka tan, ayna ku xulayaan xubnaha ka soo qayb galaya shirka ”Kanaa rashiida Kana Rasaaqa.” Waar hadaba dadka kale ma rootibaa aan waxba soo kordhinayn.

Waxa kaloo taasi ka daran marka aad arimaha qaar u fiirsato in aad dareemayso Jawaanada waa wayn ee loo sii talonaayo xoogahan yarka ah ee lagu soo helo ”Liibaana Akhawaanta”. Taasina waxa daliil u ah cartanka iyo caga juglaynta laga la hor tagay Ergadii ka socotay Minneapolis , oo iyaga laftoodu aan u socon dan reer Awdale u socday kaliya kasoo qaada wuxuu ilaahay idiinka qoray bililiqada meesha ka socota, laakiin sida la sheegay hiif iyo haaraan kala kulmay maamulka ARDAA ee “Jiifoo-Jaq” ee ku sugan Ottawa, oo sida dad ku dhawdhawi ay sheegeen ah maamul farta ku wareega sal fudayd awgii.

Waxa aan layaabay dadyahaw idinkuna aad la yaabteen sobobta ku kaliftay oday Cabsiiye isagoo doc ka soo hadlaaya inuu yidhaah ” Wax doorasha ahi ka dhici mayso ururka dhexdiisa ” Oo horta hadalkaasi miyuu ka siibtay, haduuse ka siibtay muxuu raali galin uga bixin waayay. ” Maxaa fiid ciyaaraha casar loogu tumayaa calaa kayfak loo yidhi, ma xayraan cartamayaa, ma camigu ha helabaa.”

Nimanka Ardaa Isku Sheegay Waxay Rabaan “Waxno aan qalano, Midiyahana Aan Qarino”.

Marka aad uu fiirsato macluumaadka aan soo helay iyo maqaaladan wada burhaanta iyo xujada ah ee iska soo daba dhacayaa, waxa aan shiki ku jiran in ay rumawday digniintii ay horay u bixiyeen qaar kimada indheer garadka wax falnqeeya sida Ahmed Sheikh Faarax iyo Mahammed Mousa oo dhawaanahan ku tilmaamay ururka “ARDAA” mid digo iyo danbas ka iibinaya shacabka reer Awdal.

Goblan tala Aduuney Maxay galin ba Meel Joogtay.

Ma waxa la joogoo waqtigii gaawaha loo culan lahaa xoogahaaga laga soo ururiyo garab rarata reer awdal ee loogu tala galay agoonta iyo danyarta reer Awdal ee ay baahida iyo abaaruhu ku dubteen dalka gudhiisa.

“Waxaad Ku Walaftay oo aan Wed Kaa Helin Ka Waantoobay, Waa Wax aan lagugu Karin.” Bal ila eega markan dhulkii Awdal Oo ka cabanaaya dhaca iyo boobka lagu hayo .

Dhulkii yiri dhibtaan qabaa, kun iyo dheeraade

Dhagar iyo rafaad baan qabaa, dheefna maan heline

Wax idhaba mooyee ma arag, wax I dhaqaaleyne

Dhashaydii ilaahay wuxuu ka dhigay , dhuuni raacyadane

Iyagaa isku dhiiranoo, cadaw uma dhaqaaqaane

Dhalanteed dhab mood, wiilashan dhawray barigiiye

Inay dhadana roob noqonahayn, dhoohanuhu mooge

Dhakafaar aduun waan qabaa, dheeco iyo ceebe

Dhidibada in la ii siibayaa la igu dheer maraye

Hayeeshee Halyey iima dhalan, iiba dhiidhiya e

Ma dhabaa dadkeer inaan dhaloo, dhoof aan lagu keenin?

Mugdiga Waayahani xambaaarsan yahay, hamuunta ku  gaaaxatay  iyo godol la aanteeda maankooda  , ayaa sobobtay in ay ku  cartamaan oo ay u kala badiyaan xoogahaaga yarka ah ee loo ururinaayo dadkkeena abaaraha iyo baahidu ku habsatay. Waqtigan seeftu jarayso ayaa marka aad u fiirsto gaboladeenii waxa dul heehaabaya humaag murugo iyo ciil xambaarsan marka aad u fiirsato baahida iyo dhibta jirta. Garashadooda  sabooshey iyo basaasta uu qabiilku ku reebay ayaa ku kaliftay inay isku taageeraano xaqdarada.

Ugu danbaytii waxaan leehay “Caawimaad waxaa loo fidshaa waa calool marane, ciyaal bay abaaruhu dileen caga ku boodh la ahe, Maxaa loo cartamayaa haduun meesha calaf oolin.”

Halkaas ayaan kaga baxayaa maqaalkan gawrgawran ee bilaa afeefta ah.

Cabdilaahi Xaaji Saciid

Email: Cubeesh@hotmail.com

Login