June 29, 2009

Xafladdii Xidhitaanka Sanad Dugsiyeedkii u Horeeyey ee Dugsiga Sare ee Magaalada Boon.

dugsiga-sare-ee-degmada-boon-small Boon secondary school, Waxa si rasmi ah albaabada loogu furay taariikhdu markay ahayd 01/09/2008. Dugsigani wuxu Boon u furay Bog Cusub oo ididiilo balaadhan xanbaarsan , Marka la eego sida ay ahayd xaalada waxbrasho ee dagmada. Ka hor dugsigan ma jirin nidaam waxbarasho oo ka danbeeya dugsiga dhexe. Arday badan ayay ka hor iman jirtay Duruuf Adag markay usoo wareegayaan Boorama hanoqoto duruuftaasi mid dhaqaale ama mid bulshaba.

Intii uu dugsigani furnaa mudadaa sanadka ah waxaa dhismiihiisa lagu daray labaa fasal oo cusub oo ay Maalgalisay Hayada DRC(Danish Refugee Council), Dugsiga waxaa wax ka baranayay sanad dugsiyeedkan Arday tiradoodu dhantahay 21 arday oo kala ah 13 wiil iyo 9 gaabdhood oo Ku jiray fasalka kowaaad (Form 1). Iyadoo la tixgalinayo qiimaha wayn ee dugsigani ugu fadhiyo dadwaynaha reer boon iyo deegaanaada ku Xeeran ,ayaa horaantiii bishan June ,waxaa lagu qabtay dugsiga xaflad balaadhan oo ay ka soo qaybgaleen dhamaan Qaybaha kala gadisan ee bulshada ku nool Dagmada Boon.

Xafladan oo lagu xusayay Dhamaanshaha sanad dugsiyeedkii u horeeyay ee dugsigu dhamaysto , waxaa ka hadlay Dad aad u tiro badan oo isugu jiray Odayaal ,Haween iyo dhalinyaro.

Dhinaca Odayaasha waxaa ka mid ahaa :

1) Abiib Aw aaadan jaamac.

2) Abiib rooble xoosh .

3) Saleebaan Cawaale buraale

4) Iyo Martisharaf kale .

Dhinaca dhalinyarada waxaa ka mid ahaa dadkii munaasbadaas ka hadlay Maxamad Ibraahim Guray, Ismaaciil geele cadar, Quman C/laahi Allaale iyo xubno kale.

Dhinaca haweenka waxaa ka mid ahaa Faadumo Hufane Maydhane ,Sacaada Maxaamuud Dhawal ,Maryan daahir Kaahin. Dhamaan Dadkii Xafladaas ka hadlay Waxay ku NuuxNuuxsadeen sida loogu  baahanyhay in laga shaqeeyo horumarinta dugsiga islamarkaana Gacmaha la isku qabsado sidii fursadan looga midho dhalin lahaa.

Ugudanbayntii waxaa abaal marin lagudoonsiyay ardaydii mutaysatay abaal marinta ee Kaalmaha hore gashay,Waxa gabagabadii Xafladan mahad balaadhan loo soo jeediyay Dhamaan Dadka Reer boon ee qurbaha ku nool ee taageerada ka gaystay hirgalinta dugsigan . waxaana si gaar ah Carabka loogu dhuftay Idiris Muxumad sacad oo fikirkisa, waqtigiisa iyo hantidiisaba u huray hirgalinta mashruucan waxbarasho ee dhaxalgalka ah.

dugsiga-sare-ee-degmada-boon

Qore/ Mukhtaar Muumin Cateeye

Login