June 29, 2009
Warbixin: Ergo Ka Socotay Urur Siyaasadeedka ARDAA oo Waji Gabax Kala Kulantay Ottowa iyo Kooxdii “Dabaqa Carta”, oo Hawlihii Lagu Yaqaanay Bilowday.
Ottawa (Harowo) - Ergo ka socota Urur Siyaasadeedka ARDAA, kana soo kacantintay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, USA, isla markaana uu hor kacayey gudoomiyihii hore ee urur siyaasadeedkii fashilmay ee ACNA, Maxamed Alla-Bari oo Shirka ka dhacaya Ottawa Hortii turxaan bixin u timiday Magaalada Ottawa, ayaa sida ay noo xigiijiyeen ilo ku dhaw dhaw dadkii shirka turxaan bixinta ka qayb galay kala kulmay waji gabax iyo guul daro hawlihii ay u socdeen.
Shirkan turxaan bixinta oo xalay ka dhacay magaalada Ottawa ee dalka Canada, ayaa si folka foola ah iskugu hirdiyeen ergada ARDAA ka socotay iyo qaybo muhiim ah oo ka tirsan Jaaliyadda Reer Awdal ee Magaalada Ottawa, kuwaas oo sida la sheegay iyagu diiday inay ka qayb galaan shirka isbaahaysiga mucaaraddka Awdal ee ay hormoodka ka tahay ARDAA.
Ergada ka socotay ARDAA, ayaa sida wararku sheegayaan aad iskugu taxalujisay sidii ay u gancin lahaayeen kooxaha ka soo horjeeda urur siyaadeedka ARDAA, iyaga oo adeegsanaya hadalo macaan oo shucuur tolnimo ku dheehan tahay, balse aan ku salaysnayn xiqiiqada dhabta ah ee urur siyaasadeedka ARDAA iyo ujeedadada ka dembaysa. Wararkan ayaa waxa kale oo ay intaa ku dareen inay ergadii ARDAA ka socotay dib ula noqdeen dhex dhexaadintoodii ka dib markii la tusay waxyaabo cadayna siyaasadaha ka denbeeya ARDAA.
Dhinaca Kale Kooxda loo yaqaan “Dabaqa Carta”, oo u ololaysa Somali Weyn, lana sameeyey wakhitadii uu socday shirweynihii Carta (Jabuuti) ee lagu dhisayey dawlad Somalia ka talisa si loogu ururiyo dhaqaale lagu taageero dadkii ka qayb qaataay shirkaasi, ayaa waxay ARDAA u igmatay inay ka caawiyaan kharashka ku baxaya shirka ay ARDAA ku qabanayso magaalada Ottawa wiiga soo socda. Kooxda “Dabaqa Carta” ayaa sidii caadada u ahayd dabaqii ay ku caam baxeen kula dhex wareegaya xaafadaha magaalada Ottawa, iyaga oo inta badan beegsanaya dumarka iyo waayeelka Reer Awdal.
Ninkii Shaki kaga jiroow siyaasadaha ka hoos shanqadhaya ARDAA, bal u fiirso astaanta ururka oo taaj looga dhigay xidigtii cadayd ee shanta Soomaaliyeed iyo Bandiiraddii Bluuglay.

Hadal haynta iyo qaban qaabada shirka urur siyaasadeedka ARDAA, ayaa sida wararku sheegayaan “Dhamac Kulul oo Digo Lagu Dhextuuray” ku noqotay Jaaliyadda Reer Awdal ee magaalada Ottawa, iyada oo sida la sheegay kooxo dhalin yaro ah oo qaarna ARDAA taageesan yihiin, qaar ka soo horjeedaan ay isbaacsanayaan makhaayadaha iyo meelaha kale ee la isku arko ee magaalada Ottawa.
Si kasataba ha ahaate, shir siyaasadeedka lagu qabanyo magaalada Ottawa, oo lagu beegay wakhti xasaasi ah, ayaa sida la filayo noqon doona mid sii kala fogeeya Ardaaya beelaha Samroon, isla markaana sii wiiqi doona, dhaawac weyn-na u soo jiidi doono qaadhaanada loo ururiyo ururada samo falka ee ka hawl gala, una adeega danyarta Awdal.
Harowo.com, Ottawa, Canada

