June 29, 2009

Saylici Iyo Saxarla Maxay Iska Shabahaan? Sheeko Gaaban oo Xiisole

Waa qoys soomaliyeed oo saman barwaaqo ah jooga, Saxarla waxay ahayd gabadh yar oo soo koreysa, sida caadiga ah caruurtu wiil iyo gabadhba waa is dhex boodaan marka ay yar yaryihiin oo wax ukala soocan iyo wax kala xadaynaya midna ma jiro. Saxarla waxay had iyo jeer la ciyaari jirtay wiilasha yar yar,Sida caadiga ah waalidiinta soomalidu ma dhibsadaan kamana hor istaagaan inay gabadhu wiilasha raacdo, la dheesho, dhuumow dhuumow la cayaarto, xataa wax la cunto marka ay yar-yaryihiin. Laakiin waalidku waxay isku dayaan inay gabadha ku koriyaan ama ku tabo-baraan xishoodka iyo asturaada,waxay ku waaniyaan inayna iskala mid dhigin wiilasha, si marka ay waynaato ay u dareento xishood oo aanay u caadaysan inay wiilasha dhexboodo.

Sidaas darteed waxa waalidku doorbidaa in gabadha markasta jidhkeedu asturnaado,xataa waxa la baraa qaabka ay gabadhu u fadhiisanayso marka ay fadhido(dhidhiibsi),halka wiilasha ay la bootaysanaysaa haday doonaan ay iska qaawanyihiin ee ay buuryada lulayaan.

Canugtii waxay dhibsatay dardaarankii waalidka ee joogtada ahaa……..waxay is weydiisay faraqa iyada iyo wiilka u dhexeeya. Waxay is-waydiisay waxa iyada uun waalidku ugu taaganyahay, laakiin wiilka loogu waanin la’yahay waxyaalaha iyada lagu waaniyo.Marka ay aabaheed ama hooyadeed su’aashaa waydiiso, waxay ugu jawaabaan “adigu gabadh baad tahay markaa xishoo hooyo ama aabo”. Canugtii yarayd waxay u fiirsatay faraqa iyada iyo wiilasha ay walaalaha yihiin ama ay dariska yihiin u dhexeeya, Wax kale oo udhexeeya way wayday marka laga reebo buuryada dheer ee wiilasha ka laad-laada.

Inta badan waalidku wuxu gabdhaha ku waaniyaa inay gabadhaha kale la cayaaraan,balse Saxarla kama hesho la socodka gabdhaha ay isku filka yihiin ee waxay jeclaan jirtay inay wiilasha la bootaysato. Saxarla si ay wiilasha uga midnoqoto isla markaana uga baxdo xayn-daabka gabadh-nimada ku xeeran waxay isku dayday inay aabaheed ku qanciso inay Wiiltahay.

Waa subax hore sidii caadada ahayd caruurtu marka uu waagu dillaaco waxay la kacaan firfircooni, waxay udareeraan ciyaartii shalay gabalku uga dhacay si ay halkii uga sii ambo-qaadaan. Odeyga reerku wuxu alaaba subaxdii fadhiistaa kab-dhoodka ama duleedka si uu ula socdo dhaqdhaqaaqa reerkiisa, Saxarla waxay u dhaqaaqday dhankii aabaheed si ay ugu sheegto inay wiil noqotay.

Saxarla intay maradii yarayd kor isaga fayday ayay aabaheed ku tidhi: Aabo bal day,buuryaa iisoo biqishaye iyadoo ula jeeda hilibka rabaaniga ah ee inta badan gabdhaha somaliyeed laga jaro,misana u qaadatay buuryadii oo biqlaysa!!!!.  Odeygii qosol iyo qaadan waabaa isugu biiray, wuxu ka yaabay inantiisu sida ay u yartahay iyo arinka ay ula timid sida uu maskaxda uga waynyahay.

Odeygii wuxu isku dayey inuu hadalka inanta yar iska dhega mariyo,laakiin inantii yarayd hadalkii way joojin wayday, waxay ku celcelisay “aabo buuryaa iisoo biqishay”. Markaasuu odeygii inantii yarayd ku yidhi “Aabo buuryaa iisoo baxday baad iga dayn waydaye, bal buuryada aad sheegayso cidda aad ula tegto ayaan sugaynaa”.

Dadka Salal iyo Awdal qosol iyo qaadan waabaa isugu biirey waxay taaganyihiin halka odeygaasi inantiisa ka taagnaa, hadalkoodiina waxay kusoo koobeen “musharaxbaan ahay iyo dadbaa igu dabo-faylsanbaad dayn waydee bal waxaad kasoo hoyso ayaan sugaynaa…KKKKKKK”.

Cismaan Xasan

Email: Miyir37@hotmail.com

Login