June 29, 2009
Madaxweyne Ku-xigenkii Hore ee Somaliland Md. C/raxman Aw Cali Farax, oo Safar Caafimaad Ku Jooga Dalka Malaysia.
Malaysia (SN) - M/xigeenkii hore Ee Somaliland Mudane C/raxman Aw Cali Farax (Laba Tolle) ayaa safar dhinaca caafimaadkiisa ah kujooga Caasimada Malaysia ee Kuala lumpur. Mudane C/raxman Aw Cali Faarax waxa kuweheliyada safarkiisa caafimaad marwadiisa. Mujaahid C/raxman Aw Cali Faarax oo haatan xaaladiisa caafimaad aad ufiican tahay ayaa lagu sameeyay baadhitaan guud (check up), kaasi oo loogu cadeeyay in xaaladiisu fiican tahay, dhawr todobaadna uu dibada kuqaadan doono dawooyin loo qoray, isaga oo hada degen Huteel kuyaal Badhtamaha Caasimada Malaysia ee Kuala lumpur.
Mudane C/raxman Aw Cali faarah ayaa maalin walba intii uu kusugnaa Malaysia si isdaba joog ah ay usoo booqanayeen ardayda iyo jaaliyada Somaliland ee Malaysia. Waxaana lafilayaa kahor laabashadiisa inuu lahadli doono Ardayda Somaliland ee Wax kabarata Malaysia oo aad utiro badan.
Mujaahidka oo tan iyo wixii kadambeeyay kabixitaankiisii xisbiga Kulmiye shirweynihii Burco kadib aan lagu arag fagaarayaashada Siyaadada, ayaa haatan umuuqdaa inuu kagabanayo dabaylaha siyaasadeed ee hada ka aloosan Somaliland. Hase yeeshee todobaadkii lasoo dhaafay ayay guud ahaanba taageerayaashii Gobolka Awdal isku shubeen xisbiga talada haya ee UDUB,iyaga oo ay kamuuqatay xamaasad badan iyo eedo badan oo ay usoo jeediyeen xisbigii ay kasoo bexeen ee Kulmiye.
Hadaladii soo dhaweynta taageerayaashiisa oo uu kusoo hadal qaaday mujaahidka, Gudomiyaha Difaaca iyo nabadgalyada ee xisbiga UDUB C/laahi Maxamed Jamac (Carey) waxa kamid ahaa “Maalintii Kulmiye diiday musharaxnimada C/raxman Aw Cali waanu Faraxnay waayo maanta maanu helneen taageerayaasha intan leeg, markaas waxaan leeyahay Mujaahid C/raxman Aw Cali waa nin Qaran meel kasta oo uu jooge ha noolaado”. ayaa kamid ahayd erayadii C/laahi Carey ee soo dhaweyntii UDUB ee taageerayaashii C/raxman Aw Cal Farax oo lagu qabtey Huteelka Rays ee magaalada Borame.

Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Madaxweyne Ku-xigeenkii Hore ee Somaliland
Somalilandnation - Kuala Lumpur, Malaysia

