June 29, 2009
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo Beesha Caalamka Ugu Baaqay Inay Somaliland Gurmad Degdeg ah Ula soo Gaadhaan.
Hargeysa (Harowo Desk) - Shir jaraa’id oo uu qabtay madaweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa waxa uu beesha caalamka ugu baaqay in ay gurmad degdega la soo gaadhaan bulshada Somaliland oo uu sheegay in ay saamaysay abaaro baahsan oo ku habsaday guud ahaan gobolada Somaliland.
Madaxwayne-ku-xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin oo ay weheliyaan xubno Wasiirro ah iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan guddiga ka hortaga aafooyinka dabiiciga ah, ayaa shir jaraa’id ee uu maanta ku qabtay Hargaysa, waxa uu sheegay in abaaro baahsani ka jiraan guud ahaan dalka Somaliland.


