June 29, 2009

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Oo Shahaado Sharaf Gudoonsiiyay Muwaadin Reer Somaliland ah oo Socdaal Gaadhi ku soo Maray Sadex Qaaradood.

axmed-yuusuf-yaasin-smallHargeysa (Harowo Desk) - Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa Maanta Shahaado Sharaf dhiiri galin ah oo xukuumada Somaliland ku maamuustay Gudoonsiiyay Maxamed Muuse Yuusuf Makhtal oo ah muwaadin si iskii ah isugu hawlay Ictiraaf-raadinta Somaliland, isla markaana gaadhi yar oo uu wato ku soo maray 18 dal oo ku kala yaala qaaradaha Yurub, Aasiya iyo Afrika.

Madaxweyne ku xigeenka oo xafladii Shahaado gudoonsiinta Muwaadinkaa ka hadlay ayaa sheegay in shahaadada muwaadinkan la siinayaa tahay mid ay xukuumadd ahaan ugu talo galeen dhiiri gelinta muwaadiniinta Somaliland, ee waxa wanaagsan u qabta dalkooda, kuwaas oo uu Madaxweyne ku xigeenku sheegay in hadii loo mahadniqi waayo ay tahay wax aan fiicnayn.

Geesta kale Muwaadin Maxamed Muuse Yuusuf Makhtal ee isu xilqaamay Ictiraaf-raadinta Somaliland, oo isna halkaa ka hadlay ayaa Madaxweyne ku xigeenka iyo xukuumadda uga mahad naqay shahaado sharafta ay gudoonsiiyeen, hasa yeeshee waxa cambaarayn iyo canaan xoog leh u soo jeediyay xubno ka mid ah golaha wasiirrada Somaliland, Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargaysa iyo Telefiishanka Dawladda.

Mudane Maxamed Makhtal oo maanta hadal ka jeediyay munaasibad Madaxwayne-ku-xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin uu shahaado sharaf ku guddoonsiiyay, ayaa sheegay in wasiirrada Beeraha iyo Qorshaynta Somaliland ay been u sheegeen oo ay dhawr goor ku wargeliyeen in ay balan uga soo qaadeen Madaxwaynaha iyo Madaxwayne-ku-xigeenka Somaliland, balse ay balantaasi been noqotay.

Mudane Makhtal waxa kale oo uu canaan iyo dhaleecayn u soo jeediyay Maayarka Caasimadda Hargaysa Eng Xuseen Maxamuud Jiciir, isaga oo sheegay in Maayar Jiciir uu dejiyay Hoteel maalintii uu soo gaadhay magaalada Hargaysa, hase ahaatee waxa uu tilmaamay in Hoteelkii u haysto kharashkii hurdada iyo cuntada ee uu isticmaalay muddadii uu degenaa Hoteelkaasi.

Makhtal waxa uu nasiib darro ku tilmaamay in Telefiishanka qaranku baahin waayay warkiisii iyo barnaamijyo ku saabsan qadiyadda Ictiraaf-raadinta Somaliland iyo waliba kulamadii uu la yeeshay masuuliyiinta qaar ka mid ah wadamadii uu soo maray. halka buu yidhi habeen walba laga baahiyo waxyaabo aan bulshadda u dan ahayn.

Mudane Makhtal waxa uu sheegay inaanu masuuliyiinta Somaliland ka helin soo dhawayntii uu ka filayay.

axmed-yuusuf-yaasin-1

axmed-yuusuf-yaasin-2

axmed-yuusuf-yaasin-3

Harowo Desk Hargeysa Somaliland.

Login