June 29, 2009
Halkee Buu Ka Yimiday Ururkan Lagu Magacaabay ARDAA?
Waxaan dhamaan wada og nahay in July 26-2008 lagu qabtay shirkii ama xil wereejintii ururkii ku dhintay magaalada Toronto, Canada ee la odhan jiray AACNA, sababta uu u dhintayna la wada ogsoon yahay, iyadoo loo wareejiyey si aan daacadi ku jirin iyo dadka loo magacaabay maddaxda oo ay ku jiraan shaqsiyaad an aad looga jeclayn magalaada Toronto. Wax kasta oo aan daacadi ku jirina wuxuu ku dabeeyaa burbur iyo baaba’, AACNA halkaas ayuu ku dembeeyey (Dead-end).
Hadaba, waxaa beryahan dabe soo if baxay urur lagu magacaabo ARDAA, su’aadhu la wado weydiinayaa muxuu yahay ururkan ARDAA? Kadib markii uu urukii AACNA uu ku dhintay magaalada Toronto ee dalka Canada, ayaa waxaa la abaabulay magac cusub si umada reer Awdal ee North America ugu soo joogsato, laakiin ARDAA weli waxaa lagu sheegaa in ay madax ka yihiin dadkii ururkii hore u dhintay awgood.
Waxaan wada maqalnay in shir lagu qabanaayo magaalada Ottawa ee Canada, shirkaas oo uu qabanaayo ururka ARDAA. Hadaba haddii aan ka faaloodo magaalada Toronto dadka ku dhaqan ee reer Awdal uma hayaan wax ixtiraam ah nimanka isku magacaabay in ay ka madax yihiin urukani, waayo Laba qof oo reer Awdal ah oo Toronto ku nool meel iskuguma iman karaan, waxaa loo geysatay isku dir iyo kala qaybin ay ku dhex abuureen shaqsiyaadka u madax ah ARDAA. Weligay ma arag dad ka indho adag dadka wata ARDAA, maxay la hortegayaan bulshada reer Ottawa oo ay u qabteen dhulkii iyo dadkeenii wadankii joogay, jawaabtu waa waxba.
Haddii aan u soo laabto magaalada Ottawa waxaan booqday sanadkii hore waxaan aad iyo aad ugu faraxay sida wanaagsan ee ay iskaga war hayaan ama u kaftamaan, iskuna calool wanaagsan yihiin. Markaa ayaa rag aan saaxiib nahay aan u sheegay sida anagu aan nahay ee loo burburiyey bulshada reer Awdal ee Toronto in ay naga wanaagsan yihiin, waxay ii sheegeen in weekend kasta ay kulmaan oo sidaa iskaga war hayaan.
Waxaan uga danleehay taasi sow nimankaas isku sheegay in ARDAA madax u yihiin Ottawa ma tegayaan, maalintaas ayaa ugu dabaynaysa reer Ottawa isku duubnaan dambe, waanad arki doontaan arintaasi sida aan sheegay haddii ay noqon weydo haddii Ilaahay yiraahdo.
Mida kale horta aad iyo aad ayey inoogu yartay dad daacad ah oo raba in uu wax u qabto dadkeenii iyo dalkeenii. Tusaale ahaan waxa la iigu yeedhay fundraising loo samaynaayo Isbitaalka Dumarka ee Borame, waxaana soo qaban qaabisay gabadha la yiraahdo Xaliima Xasan Sacad oo gudoomiye u ah uruka Madbakh, waxa kale oo ka soo qayb galay maddax ka socota wadanka Canada oo ay ka mid tahay Jean Augustine (first African Canadian woman elected to the Parliament of Canada).
Hadaba, waxaan aad iyo aad naxdin u leh dadkii reer Awdal ee toronto oo 2 % ay ka yimaadeen fundraising-kaasi, oo xitaa waxaan maqlay DR. ka mid ah aqoonyahabka Reer Awdal ee toronto in la sugaayey inuu yimaado oo gooyey ama iman waayey. Waa wax naxdin leh, laakiin somalidii kale ayaa buuxisay meeshii reer Awdal laga rabay. Taasi waxay ku tusaysaa in isku dir iyo kala qaybin loo geystay bulshada reer Awdal ee Toronto.
Ottawa-na taas oo kale ayaa ku dhici doonta waxaan wada sugaynaa bal bulshada reer Ottawa sida ay ku dabayso shirkaas kadib, inkasta oo ka hor shirkan ARDAA-ba loo geystay kala qaybin iyo isku dir, laakiin burburka dabana waan wada sugaynaa.
Thank You All
Ali Abdi Farah Abraar
Toronto, Canada
Email: alifafifizase@hotmail.com
