June 29, 2009

Abwaan Xasan Sh. Muuminkii Labaad oo Awdal U Kacey Ayaan Abwaanka Cusub ee Maxamed Cismaan Budin U Aqoonsanahay - By Abdirasaaq Hammaal.

Magaalada Hargeysa oo ah caasimada somaliland waxaa dhawaan lagu qabtey tartan ku sahabsan suugaanta soomaaliyeed, tartankaas waxaa ka soo qeyb galey dhalinyaro dhowr ah oo ilaahey hibo u siiyey curinta gabayada kuwaas oo dhamaantood matalayey lixda gobol ee ay ka kooban tahay JSL. Xafladaas oo lagu qabtey hoolka jaamacada Hargeysa ayaa sida ay sheegeen shakhsiyaad goobjoogayaal ah aheyd mid si heer qaran ah loo soo agaasimey, xafladan waxaa soo qaban qaabiyey ururka nabada iyo damuquraadiyada ee geeska africa kaas oo fadhigoodu yahay dalka filand, hal-ku dhiga xafladan ayaa ahaa tartanka gabayada nabada sida ay ku soo warameen wariyayaasha ku sugan magaalada Hargeysa kana qeyb galey xafladaas ayaa magac dhabey dhalinyarada ka qeyb qaadatey tantanka kuwaasi oo kala ahaa:

1)Maxamed Cismaan Budin (Gobolka Awdal)

2)Siciid Maxamed Gaheyr (Gobolka Maroodi Jeex)

3)Cabdirasaaq Saleebaan (Gobolka Saaxil)

4)Mustafe Mohamed Jibriil (Gobolka sanaag)

5)Axmed Cabdilaahi Jaamac (Gobolka Sool)

6)Axmed Cabdi Xirsi (Gobolka togdheer)

Gabayaa kastaa wuxuu soo bandhigey gabey uu curiyey kaas oo caqliga garaadkiisa ku jiraa gaafwareegayey guusha waad heli, gari laba nin kama wada qosliso baa la yidhee waxey madashii gariirtey oo ay gufaacdey gartii runta aheyd markii ay gudigii garsoorku ku dhawaaqeen in tartanka uu kaalinta koowaad ku guuleystey Abwaan Maxamed Cismaan Budin oo isagu ka socdey gobolka Awdal oo ku yaala Galbeedka Somaliland, gabeyga uu tantanka kaga qeyb qaatey Abwaan Budin waxa magiciisa la yidhaahdaa SAW NABADU GOGOL MAAHA.

Wax waliba sinaan iyo sifo lagu magacaabaa loo saaraa hibadee waxaan baaq boogaadina hambalyo iyo tahniyad halka tan uuga tabinayaa Saaxiibkey Maxamed Cismaan Budin.

Hadaba Waa Kuma Maxamed Cismaan Budin?

Abwaan M.O.budin waxa uu ka mid yahay abwaanada da,da yar ee sabankan aan ku jirno u soo kacey umada ku hadasha af-soomaaliga, abwaan budin oo sidaan korka ku soo xusney dhalasho ahaan ka soo jeeda gobolka Awdal ayaa ah shakhsi uu ilaahey ku maneystey hibooyin badan oo ay ugu hareyso halabuurnimadu, waa murti yaqaan maanseyn kara gabayada iyo geeraarka, waa hobol codkiisa dhagtii maqashaa marnaba aaney ka caajisey, waa fanaan iyo faras u soo kacey fanka soomaaliyeed, waa jilaa iyo majaajileyste malaayiin ruux mar kaliya ka wada qoslin kara.

Maxamed Cismaan Budin waxa uu ka mid ahaa ardeydii aan wax ka wada baran jirney dugsiga sare ee Sheekh Ali Jawhar waxaana uu ahaa ardey aan aad isugu dhaweyn, dhawaandhiyaha ka sokowna aan isu jaal aheyn (classmate) waxa kale oo aan ku wada jirney ardeydii dugsiga u qaabilsaneyd soo diyaarinta bandhig faneedyada gaar ahaan marka dugsiga la xidhayo iyo marka ay jiraan xafladaha gaarka ah, abwaanka intii aan dugsiga sare wada dhiganeyney wuxuu noo dhiibey dhowr ruwaayadood oo uu jilistoodana nagala qeyb qaatey, ruwaayadahaas waxaan ka sii xusuustaa.

1)Garasho iyo Aqoon baa lagu gaadhaa harumar

2)Ramadaantan wanaagsan yaa raali ku sooma?

3)Saalax Suuq dhibe sideen ka yeelnaa?

Ruwaayadaa la magac baxdey garasho iyo aqoon aa lagu gaadhaa harumar waxey aheyd mid uu abwaanku ugu talo galey in uu ardeyda ku dhiiri galiyo aqoonta iyo qiimaha ay leedahay dhanka kalena waxa uu ardeyda kaga waaninayey balwadaha badan ee barbaarta soo koreysa dhawaaca u gaysta noloshooda sida cabista sigaarka iyo cunista jaadka, ruwaadayaa waxaa ku jirey dhowr heesood oo ay ka mid aheyd mida odheysa:

Quruumihii naga horeeyey

Wax qaad cuna mey laheyn

Qarnigan aynu joognana

Dhamaantii waa qalqaali

Qaad bey wada raadiyaan

Walee ardey aakhir sabanow

Quluub laawow qaldaanow

Adaa wax u qaban lahaayee

Bal mar uun is qoomameeyoo

Quruumaha horumarey ku dayoo

Dalkaaga iyo dadkaa wax u qaboo.

Sidoo kale ruwaayadii la magac baxdey Ramadaantan wanaagsan yaa raali ku sooma? waxaa ku jirtey qasiido dhowr beyd ka kooban taas oo markii uu maxamed ku luuqeynayey misana jilayaashu ka daba jiibanayeen ay aad uula dhaceen dhamaanba daawayaashii madasha bandhig faneedka fadhiyey habada waxaan qisiidadaa ka soo qaadaneynaa labadii beyd ee ugu horeeyey oo kala ahaa

Jubqaaniyey dhahaa

Ku jeclaadayey dhahaa

Jubqaani jaandi garow

Ku jeclaadayey dhahaa

Jini jaad yar haysta baan

Jaadkii ka amaahanee

Jaliilkii ilaahayow

Jeegagaaga noo furee

Jubqaaniyey dhahaa

Ku jeclaadayey dhahaa

Jubqaani Jaandi garow

Ku jeclaadayey dhahaa

Jimcihii horee tagey

Jidkaa aniga oo marayaa

Tu yar oo jaqalsani

Isha ii jabisayee

Jubqaaniyey dhahaa

Ku jeclaadayey dhahaa

Jubqaani Jaandi garow

Ku jeclaadayey dhahaa

Xusuus baa geel lagu xero geeyaabaa la yidhee abwaan budin waxa uu aad ugu xeel dheeraa badalaada midhaha heesaha soomaaliga kuwaasi oo uu ku maaweelin jirey mararka qaarkood ee ay ardeydu ku jiraan nusa saacaha (Breaktime) heesahaas waxaan aad uuga sii xasuustaa heestii macaaneyd ee uu ku luuqeyn jirey fanaanka codka macaan ee Xasan Aadan Samatar

Sida meel bariisoo

Oo buura dheedheer

Maraq baal maraayoo

Bartankana baruuryuhu

Kaga beegan yihiinoo

Faaskuna diyaar yahay

Yaa salaam yaa salaam halkan kuma soo wada koobi karno taariikhda iyo taxanaha murtida Abwaan Budin balse markan aan jaleecno dhinaca maaweelada qosolka, maalin maalmaha ka tirsan anaga oo wada socona abwaanka ayaa waxaan aragney nin bidaar leh oo waliba laangadheynaya (jiis) mid naga mid ah misana xusuusta maanku u maleynayo maxamuuto inuu yahay baa yidhi maxadamow bal ninkaa jiiska jaliilku siduu u abuurey ka waran? abwaanka oo ahaa shakhsi aaney dabnihiisu jawaabta hadalka la daahin baa durdadiiba jawaabey oo yidhi Timaha kala Dagey Dushiisiyo Oradka Xawda Laa i Diley, dhamaan akhyaartii aan wada soconey misana qowlkaa budin bishimihiisa ka soo baxey maqleysey ayaa qosol isla oogsadey sabab kale ha moodinee macnaha maxamed u jeedey wuxuu ahaa in ninka uu ku tilmaamey in madixiisu timo badan kala dageen uu yahay nin bidaar leh, mida kalena ay tahay in ninkan uu ku sheegey in uu ku socdo oradka xawda loo yaqaano yahay nin jiis ah oo tamar lagu ordaa ayna ku jirin mijihiisa ”Timaha Kala Dagey Dushiisiyo Oradka Xawda Laa i Diley”  Odhaahdaasi ma aheyn mid ku digasho dusha ku sidatey balse waxey aheyd mid hoosaasigeedu yahay.

Ma ogtahay curyaan kaba

Cago looma waayinee

Ceynkaa wax loo yidhi

Kuwada Cararayee ladan

Iney ku cimro qaataan.

Mar aan la kulamey qoraaga caanka ah ee lagu magacaabo Boobe Yusuf Ducale oo aan wax ka weydiiyey maansada iyo maansayahanka waxa uu igu yidhi meel aan la yareysan karin ayey kaga jireen nolosha mujtamaca soomaaliyeed ilaa maanta aynu joognana kaalinta ay bulshada ku leeyihiin waa mid muhiim ah, in kasta oo laga yaabo in aaney aheyn sidii ay baryihii hore ahaan jireen, gabeyga iyo gabyaaguba bulshadii soomaaliyeed ee raacatada aheyd waxey u ahaayeen is-gaadhsiin, waxey u ahaayeen idaacad iyo wargeys gabayga iyo gabayaagu iyaga ayaa nabada iyo colaadda wax ka tari jirey, wada-noolaansha iyo kala fogaanshaha ayey sargoyn jireen mid wax isu dira iyo mid nabadeeyaba wey lahaayeen intaa ka sokow gabayaa keliya ayaa mararka qaarkood labada doorba ciyaari jirey oo marna colaad hurin jirey marna nabadda u adeegi jirey.

Gabayaaga caanka ah ee Salaan Carabey isaga oo ka hadlaya ereyga iyo gabeyga saameynta ay ku leeyihiin nolosha wuxuu yidhi “Afku wuxuu la xoog yahay magliga xawda kaa jara’e.”

Sidaas ayaa loo dareensanaa awoodda gabeyga iyo gabayaagaba oo waxaa loo aqoonsanaa hub laxaadkiisa aan la qiyaasi karin sidaas darteed waxaan bulshada ku boorin lahaa in abwaanka da’da yar ee soo koraya lagu ixtiraamo karaamada iyo hibada suugaaneed ee ilaahey siiyey, waa in la dhowrto la dhaqaaleeyo lana ogaadaa in uu dadka kale wax dheer yahay, waa in uu helaa gacan qabad buuxa si uu niyad balaadhan ugu helo curinta hal abuurnimadiisa, waa in laga caawiyaa sidii uu u ururin lahaa suuganta badan ee uu alifo si aan murtidiisu u noqon hal bacaad lagu lisey balse ay u noqoto keyd iyo dhaxal gal dheeftiisa ay  ku dhargaan jiilka dambee soo kacaya waayo gabayga soomaaliyeed waxaa lagu tilmaamaa faallo ka hadasha dhacdooyinkii ugu dambeeyey, qalab loo adeegsado doodaha siyaasada iyo kuwa bulshada, keydiyaha maalmaha taariikheysan iyo qaab lagu cabiro kalgacal iyo caaddifadba.

Dhawaan ayey aheyd markii uu Abwaan Maxamed Cismaan Budin si balaadhan u soo bandhigey daah-furka maansooyinkiisa iyo habkii uu ku bilaabey hal abuurnimadiisa, madashu waa madashii macnaha weyn ku fadhidey ee MASKAX MAAL iyo magaalada BORAMA, Abwaan Budin waxa uu habeenkaas soo bandhigey daah-furka murtidiisa oo ay si weyn oo xiiso boholyow ku ladhan yahay u dhageysanayeen bahweyn isu dhafan, waxa uu abwaanku sharaxaad buuxda ka bixiyey suugaanta soomaalida waxaana uu xusey in ay waayihii hore ay suugaantu ku saleysneyd deegaanka soomaalida balse tan casriga ah ee isagu la hana qaadey ay salka ku hayso deegaanka, waayaha maanta, wadciga nolosha iyo dunida casriga ee is-badalkeedu badan yahay, Abwaan Budin waxa uu ka dhawaajiyey habeenkaas in ay suugaantu ku timaado saddex arimood midkood kuwaas oo kala Hibo Eebe, Hido Raac iyo Hama waxa kale oo abwaanku xusey in suugaantiisu tahay mid Hido Raac ah, shan gabey oo ka mid ah gabayadiisa carsiga ayuu ku casuumey marti sharaftii madasha fadhidey waxaana la soo wariyey in ay aad ula dhaceen marti sharaftu midhihii ku jirey gabey uu ugu magac darey DIRSOOC.

Akhristaha tixgalinta mudanow su,aasha markan taagan waxey tahay Abwaan Maxamed Cismaan Budin imisa meelood ayaa ka shabahaa Abwaan Xasan Sh.Muumin?

Inkasta oo uu Abwaan Xasan Sh.Muumin ahaa abwaan weyn oo miisaan cusul ku lahaa suugaanta soomaalida dhigiisa oo kale sida soomaali looga helaana ay tahay mid dhif ah hadana saansaanta ka muuqata Abwaanka da’da yar ee Budin waxaan odhan karnaa waxa uu Abwaan Xasan Sh.Muumin ka shabahaa dhowr qeybood oo kala ah:

1)Abwaanimo

2)Aftahanimo

3)Alifida heesaha

4)Sameynta ruwaayadaha

5)Curinta Gabayada

6)Jilista ruwaayadaha

7)Luuqda heesaha

8)Murtida iyo maaweelada

Ugu dambeyntii waxaan saaxiibkey Abwaan Maxamed Cismaan Budin oo ah shakhsi aan in badan soo wada caweyney u hibeynayaa maansadan gaaban oo isugu jirta dhiiri galin iyo ku dhaadasho taas oo aan curiyey ka dib markii uu igu soo duuley warka tibaaxayey in uu ku guuleystey tantankii gabayada ee gobolada JSL, maansadan waxaa magaceeda la yidhaadaa HAYBADLEEY.

Hal abuur murti yaqaan ah baa tahay

Hab dhaqan wanaagsan leh baa tahay

Horu socod fiican la siiyey baa tahay

Hadal qurux san lagu sooryeey baa tahay

Hibasho kalgacal huwan leh baa tahay

Hurinaaya nabad hor leh baa tahay

Hiigsanaaya nolol qiimo leh baa tahay

Hamad farxad iyo qosol la sudhey baa tahay

Hagaajiye dhalinta soomaaliyeed baa tahay

Hooskiisa lagu soo hirtoo loo hiloobo baa tahay

Hadal dulqaad lagu sooryeeyey baa tahay

Hormuud hadafkiisu cad yahay baa tahay

Hindisaha barnaamijyada loo hibeeyey baa tahay

Hobol maamuus mudan oo shafar loo dhiibey baa tahay

Halyey hooyo macaan dhaadhiyey baa tahay

Hanad cismaan budin dhaley oo lagu dhaarto baa tahay

Hoobaan garaadkiisu bisil yahay baa tahay

Hadhuub aan laga xiiso go,in baa tahay

Hanuuniye umada soomaaliyeed u kacey baa tahay

Habaar iyo caajis lada wada xijaabey baa tahay

Haybad iyo hadyad duco lagu galbinayo baa tahay

Hir aqoon maaweelo laga buuxiyey baa tahay

Hagaha maatidiyo hilin toosan mariyaa tahay

Hadh cad gudayoo codkiisu gudheyn baa tahay

Hanfigiyo kuleylaha hoy laga hoos galo baa tahay

Hubsiimo la siiyey oo halmaam laga reebey baa tahay

Hayaan geedigiisa lagu wada kalsoon yahay baa tahay

Haad samada duulayoo samaha daadihinaya baa tahay

Haatuf af-soomaali loo soo diroo erey ururinaya baa tahay

Hidihii dhaqankeeniyo dhulka hooyo aamin-san baa tahay

Qalinkii Abdirasaaq Hammaal

E-mail:   rasiiqi07@hotmail.com

Login