June 24, 2009
Faallo: Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka ARDAA, oo Shaaca ka Qaday In Ayna Wax Doorasho La Yidhaa Ka Dhaci Doonin Shirka Lagu Qabanayo Magaalada Ottawa ee Dalka Canada
Gudoomiyaha Urur Siyasadeedka Qurba-jooga Awdal ee la magac baxay ARDAA, mudane Ibraahim Cabsiiyey, ayaa markii ugu horesay isaga oo ku hadlaya magaca ururka shaaca ka qaaday “in aysan wax doorasho la yidhaa” ka dhaci doonin inta uu socdo shirweynihii ugu horeeyey ee taageerayaasha ururku sida la filayo ku qabsan doonaan magaalada Ottawa ee dalka Canada. Sidaa wuxuu Ibraahim Cabsiiyey ku sheegay waraysi uu sii siiyey Shabakad aan sidaa loo aqoon oo ka mid shabakadaha Reer Awdal, magaceedana la yidhaa “Warkamaanta.com”.
Halkan ka dhegeyso Ibraahim Cabsiiye oo faah faahin ka bixinaya sida ayna doorasho u dhici doonin iyo qorshaha uu doomayo inuu lacag ku urursado.
Get Flash to see this player.
Shabakadda Warkamaanta.com, ayaa markaad eegto waxyaabaha ku xardhan bogeeda hore aad arkaysaa inay u ololayso Somaliland weyn, iyada oo aanay habo yaatee ka muuqan wax astaan ah oo ku lugle Awdal ama Somaliland. Waxa kale oo intaa u dheer iyada oo shabakaddan aan lagu arkin hal link ah (Website Links) oo ku abtirsada Awdal.
Isla Waraysigan ayuu Ibraahim Cabbsiiye markii ugu hohreysay ku soo bandhigay qorshasha hadoodilan ee uu doonayo inuu lacag kaga khiyaamo dawladda Canada iyo hay’aha calamiga ah ee caawiya ururada Samofalka ee aduunyada sadexaad, isaga oo sheegay in qaadhaanka yar ee laga soo ururiyo dadka isugu yimaada shirka ka dhigan doono gundhig uu dhawrto kaga urursado dawladaha Waqooyiga America iyo hay’adaha kale ee wax bixiya, isaga oo ku yaboohaya “Yaa Alla Wax Siiyey”.
Mar aan wax ka weydiinay dad ku dhaw dhaw, una dhoon daloola arimaha urur siyaasadeedka ARDAA iyo kuwo kale oo daneeya siyaasaha Qurba-jooga Awdal ee Waqooyiga America, sabobta Ibraahim Cabsiiye ugu dhiiraday inuu shirka hortii ku baaqo “Doorasho Ma Dhacayso”, ayaa waxay noo sheegeen 80% dadka la filayo inay shirka yimaadaani ka soo jeedaan jufada Ibraahim Cabsiiye, 20% kalena isugu jiraan taageerayaasha huubihii ka hadhay loolankii qadhaadhaa ee isbaahaysigii mucaaradka Awdal ku dhex maray shirweynihii xisbiga Kulmiye ee ka dhacay Magaalada Burco Sanakii ina soo dhaafay.
Dadka Ibraahim Cabsiiye aadka u yaqaan ayaa dhamaantood ka markhati kacaya inuu Ibraahim maanta horteed Cag ka laalaadin, laguna arag meel lagu hadal hayo horumarka Awdal, iyaga oo dhinaca kalena ku tilmaamay inuu Ibraahim Cabasiiye (gudoomiyaha ADAA) number ka yahay shakhsiyaadka Soomaaliyeed ee ku talax tegay, kuna bahaloobay dhaca qadarka yar ee ay dawladda Canada ugu deeqdo dib u dejinta qaxootiga Soomalida ee ka soo firxaday dagaalada iyo Masiibooyinka ka taagan Somalia. Waxa la yidhi Soomaali been way sheegtaa ee been ma mahmaahdo, xusuuso mahmaahdii ahayd “Ninkaad Kabo Ka Tolaynayso, Marka Hore Kabihiisa Ayaa La Eegaa”.
Warar lagu kalsoonyahay oo aan ka helay magaalada Toronto, Canada, halkaas oo uu Ibraahim Cabsiiye degan yahay, ayaa noo xaqiijiyey in dhawaanta laga eryey urur ay Soomaalida Canada degani leedahay oo la yidhaa “Midnimo”, ka dib markii lagu eedeeeyey inay ku maqan tahay lacag kor u dhaaftay $300,000. Wararka la xidhiidha eedaymahan iyo sidii looga eryey Ibraahim Cabsiiye waxan idiinku soo gudbin doonaa maqaalada dembe.
Waxa hadaba la yaable, ururkan iyo Ibraahim Cabsiiye oo aan wali Irbad dun galin inay talaabadii ugu horeysay ee ay qaadaani noqoto daasad lagu qarafaysto oo lala dhex wereego Waqooyiga America, iyada oo la isticmaalayo magaca Awdal. Hadii waxqabadka ay sheegayaani run ka yahay, miyaanay ahayn in marka hore ay dhulkii tagaan, kana bilaabaan mashruuc yar, sida ururada kale ee Reer Awdal, dabadeedna la kaashadaan cidii kale ee wax ku kordhin karta. Taasi miyaanay kuu cadaynayn inay ujeedadada Ibraahim Cabsiiye iyo ururkani tahay mid ka fog wax qabad iyo horumar dhulkii ku saabsan ee ay tahay siyaasad maldahan oo lagu fushanyo dano gaar ah.
Xumaan laabta Idiin Qofalayd Baa Qunbacateene, Ma Qiyaasin Qaankaad Tahiyo Hawsha Qaradeeda
Dhinaca kale waxa iyaduna isweydiin mudan maxaa ku kalifay gudoomiyaha ARDAA inuu markii ugu horeysay ee uu soo hor istaago saxaafadda Awdal miciinsado Website u ololeeya Somali Weyn? Iyada oo ay jiraan in ka badan lix website oo qaadaa dhiga arima la xidhiidha Awdal, kuwaas oo aad ugu kala gedisan aragtidooda dhinacyada siyaasadda, horumarka Awdal iyo arimaha la xidhiidha samofalka intaba.
Jawaabta Su’aashaasi marka la soo koobo akhristow waxay iskugu soo biyo shubanaysaa: Si kasta oo ay Websiyada Awdal ugu ka duwan yihiin aragtida guud iyo shakhsiyaadka siyaasiyiinta ah ee ay kala taageeraanba, waxay ka siman yihiin jiritaanka Somaliland iyo inay Awdal ka mid tahay Somaliland. Mahmaah Soomaaliyeed ayaa tidhaa “Shinirba shimbiirkiisa ayuu la duulaa” - Gudoomiyaha ADAA wuu ogyahay cidda uu rabo inuu warkiisu gaadho..!
Faalo dheer oo uu dhawaan ka qoray urur siyaasadeedka ARDAA aqoonyahan Maxamed Muuse, oo ah indheer garad ku xeel dheer arimaha Somaliland iyo siyaasadaha Reer Awdal, ayaa wuxuu hoosta ka xariiqqay, isla markaana farta ku goday ujeedooyinka ka dembeeya samaynta ururkan, kuwaas oo sida ku cad qoraalada ku yaal Websiteka qabyada ah ee ururku inay ka baxsan yihiin wax qabad iyo samofal ku kooban Awdal.
Hababa, marka laga gudbo hadalada macaan iyo “baddaan ranjiyaynaynaada” ku soo baxa baaqyada uruku soo saaro, loona fiirsado shakhsiyaadka ka dembeeya ARDAA, waxa lama huraan ah in meesha loo socdaayi tahay Somalil Weyn. Qofkastaa xaq buu u leeyahay aragtidiisa siyaasadeed, wuuna u ololayn karaa meesha uu isleeyahay danbaa ugu jirta dadkaaga iyo dalkaaga, mana aha wax ceeb ah ama la isku aflagaadeeyo, laakiinse waxan meesha qaban, loona baahan yahay inay ka waantoobaan aqoonyahanka Awdal meelkasta oo ay joogaanba siyaasad lagu fushanayo dano gaar ah oo loo soo xidho shaadh samofal. Taasi waxba ma soo kordhinayso, waana ta Soomaali maanta halkaa dhigatay, qayrkeedna ka reebtay.
Nin Doonay Maal Dalaalla Ilayn Durduuran Maayee…….Ha Degdegin Sidaydee Dariiqa Toosan Raacoo, Ogooow Iga Dembeeyooow Dan iyo Xarago Isweydee
Ugu dembayn maaha markii ugu horeysay ee shakhsiyaad dano gaara wataa damcaan inay ku gabraartaan magaca danyarta Awdal, maydka ururadii ARDAA ka Horeeyey ee noocan oo kale ahaa ayaa isdabo yaal tan iyo dixdii Hoosweyne, waa la arki doonaa ninkii nool gugan maanta gugiisa bal in ADAA iyo Ibraahim Cabsiiye “Ibad Dun Geliyaan” iyo inkale.
Ha Dhakhlayso…….!!!!!
Axmed Skeekh - Harowo.com

