June 2009

June 30, 2009

“Jihadists Pose No Clear and Present Danger” Meles Zenaw

zenawi Q: The current instability in Somalia led for the call from the House Speaker of the transitional Parliament for support from neighbouring countries. The Africa Union (AU) has already endorsed this call. What would be Ethiopia’s reaction?

More

Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland Mudane Jaamac Sweden oo Sheegay In Doorashadu Wakhtigii Loogu Talagalay ay Dhici Doonta.

Get Flash to see this player.

“Xisbiyada Mucaaridku Way ka quusteen Inay Doorasho Hadii ay Dhacdo ku Soo Baxayaan, Dee Markaa ha is Dhiibeen” Muj C/risaaq Ciyaale

Urur Siyaasadeedka ARDAA Wuxuu La Mid Yahay Mashruucii “Jiifoo Jaq” ee Lagu Dhacay Danyartii Iyo Haweenkii Reer Hargaysa.

Dan waxaan u maleeyayeen, Maskaxdayda ka doortay, Daliil baan idin siinne, Dadkow aad u dhagayso

Markaan fiiriyay ee aan falanqeeyay  ee aan  la xidhiidhay xubno mihiima oo jooga duleedka meesha shirku ka dhacaayo ee Magaalada Ottawa Waxa ii soo baaxday in ujeedadan shirkani ayna waxba ka duwanayn “mashruucii Jiifoo Jaq” ee lagu dhacay Haweenkii iyo danyartii reer Hargaysa.  Sida xubno mihiim ahi ay sheegeen waxa cirka isku shereeyay isku san qashada iyo suuldhabaalaynta ay wadaan nimanka isku sheegay hogaanka Ururka Jiifoo Jaq “Ardaa” si aan loo dareemin shaadirka madaw iyo soodhka  birlabta leh ee ay wataan.  

More

Madaxweyne Maantaa Lagaaga Fadhiya Cadaalad iyo Geesinimo Inad Ku Furdaamiso Shaqaaqda Ceel-Bardaale

Dawlada-wanaagsani mar waliba waa in ay heegan u ahaato wixi ka soo baxa ha’yaddaha sharci danjinta ee dalkaasi leeyahay, islamarkaan waa in ay diyaar u noqota fulinta go’aamadaasi loo soo gudbiyo dawladaasi. Haddii ay dawladaasi ka gaabiso fulintu  hawlahaasi loo igmaday waxa meesha ka baxaysa wada shaqeyntii iyo nidaamkii dawladnimo ee shuruucda dalku ku dhisnayeen….

More

Xildh. Duur Oo Awood Darada Golaha Wakiilada ee uu Katirsan Yahay Kula Galgashay Xukuumada Somaliland.

Hargeysa (SN) - Xildhibaan Maxamed Nuur Caraale (Duur) oo ka tirsan Golaha wakiilada ee Somaliland ayaa fadhiidhnimada kamuuqata Golaha wakiilada kula galgashay xukuumada Somaliland waraysi uu siiyay qaar kamid ah saxaafada dalka. More

Xildhibaan Axmed Yaasiin Sh. Cali oo Ku Baaqay Xaalad Abaareed Inay Ka Taagan Tahay Guud Ahaan Gobolka Awdal

ahmed-yaasin-sh-cali-ayaale-small Boorama (Harowo) - Xildhibaan Axmed Yaasiin Sh. Cali shir jaraad ku qabtay Rays Huteel oo ku yaal magaalada Boorama, ayaa Qaylo dhaan Abaareed ka sheegay G/Awdal, isaga oo xildhibaanku maalmahan safar ku soo maray meelo ka mida G/Awdal degmooyinkiisa, dhulkaas oo uu sheegay in ay ka jiraan xaalad adag oo haysata dadka iyo xoolaha degaanada uu soo maray, gaar ahaanna biyo la’aan iyo baad la’aan.

More

June 29, 2009

Warbixin: Ergo Ka Socotay Urur Siyaasadeedka ARDAA oo Waji Gabax Kala Kulantay Ottowa iyo Kooxdii “Dabaqa Carta”, oo Hawlihii Lagu Yaqaanay Bilowday.

calaamda-ardaa-small Ottawa (Harowo) - Ergo ka socota Urur Siyaasadeedka ARDAA, kana soo kacantintay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, USA, isla markaana uu hor kacayey gudoomiyihii hore ee urur siyaasadeedkii fashilmay ee ACNA, Maxamed Alla-Bari oo Shirka ka dhacaya Ottawa Hortii turxaan bixin u timiday Magaalada Ottawa, ayaa sida ay noo xigiijiyeen ilo ku dhaw dhaw dadkii shirka turxaan bixinta ka qayb galay kala kulmay waji gabax iyo guul daro hawlihii ay u socdeen.

More

KULMIYE Fighting for Freedom of Awdal People - By Ismail Muumin Aare.

imaaciil-muumin-aare The government of Somaliland prohibited all public meetings of the opposition political parties. This was clearly an attack on the constitution of Somaliland which allows for the free assembly of the citizens. This was surely a step on the slippery slope that ends in tin pot dictatorships. KULMIYE decided to challenge this illegal action of the government of Somaliland by organizing meetings that were held in all the major cities of Somaliland.

The party felt that it is in the best interests of the nation to ensure that freedom of assembly and freedom of speech are defended now at this cross roads moment of time.

Throughout the country the government responded with a show of force, rapid propaganda through stated owned media and intermittent harsh treatment of KULMIYE Party leaders. KULMIYE offices in Borama came under particularly harsh repressive measures. The offices were surrounded by police, traffic and army personal. The participants of the meeting were harassed, some were beaten up.  There were no deaths but the armed security services were clearly there to intimidate the public.

The leadership of the KULMIYE party in Borama expressed surprise and dismay at the ferocity and intensity of government actions against the public. The leaders of KULMIYE made it clear that they will accept no repression and no oppression of the people of Borama; not now, not ever.

Source: Warkamaanta.com

Bal Markanna Ku Soo Dhawaw Heestii Bagaan Hinqadaan U Hadhayeey - By Sooraan

Get Flash to see this player.

oday-jeex-cumar-geeleBoorama (Harowo) - Oday Jeex Cumar Geele, kana mid ah waxgaradka aadka Looga qadariyo Goboka Awdal, ayaa waraysi uu siiyey Shabakadda Wararka ee Harowo.com, si ba’an u dhaliilay go’aankii dhawaanta gudi ka socota Guurtida Somaliland oo uu soo xulay Salebaan Gaal (Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland), kuwaas oo uu Oday Jeex Cumar ku tilmaamay inay qaadeen “Gar Eexo”. Oday Jeex Cumar wuxuu aad ula yaabay kana  subxaano laystay sida xaqa iyo shareecada diinta Islaamka uga gudbeen gudida ka socotay Golaha Guurtidu, iyaga  oo adeegsaday qabyaalad badheedh ah iyo wax aan dan u ahayn beelaha isku khilaafsan Degaanka Ceel-Bardaale. Haba hoos ka dhegeyso hadalkii Oday Jeex Cumar Geele oo tifaftiran -


Get Flash to see this player.

Halkee Buu Ka Yimiday Ururkan Lagu Magacaabay ARDAA?

Waxaan dhamaan wada og nahay in July 26-2008 lagu qabtay shirkii ama xil wereejintii ururkii ku dhintay magaalada Toronto, Canada ee la odhan jiray AACNA, sababta uu u dhintayna la wada ogsoon yahay, iyadoo loo wareejiyey si aan daacadi ku jirin iyo dadka loo magacaabay maddaxda oo ay ku jiraan shaqsiyaad an aad looga jeclayn magalaada Toronto. Wax kasta oo aan daacadi ku jirina wuxuu ku dabeeyaa burbur iyo baaba’, AACNA halkaas ayuu ku dembeeyey (Dead-end).

More

Tolow Yaa Bedeli Doona Boqorkii Suugaanta Somaaliyeed (AHU) Abwaan Xasan Sheekh Muumin?

Marka hore waxan hambalyo iyo bogaadinba hawada u marinayaa abwaanka da’da yar Maxamed Cismaan Budin guusha uu kasoo hooyay tartankii gabayada gobolada somaliland ee lagu qabtay magaalada Hargeysa habeenkii khamiista ee taariikhdu ahayd 25-06-2009 kuna guulaystay kaalinta koowaad.

More

Madaxweyne Ku-xigenkii Hore ee Somaliland Md. C/raxman Aw Cali Farax, oo Safar Caafimaad Ku Jooga Dalka Malaysia.

cabdiraxmaan-aw-cali-faarax-small Malaysia (SN) - M/xigeenkii hore Ee Somaliland Mudane C/raxman Aw Cali Farax (Laba Tolle) ayaa safar dhinaca caafimaadkiisa ah kujooga Caasimada Malaysia ee Kuala lumpur. Mudane C/raxman Aw Cali Faarax waxa kuweheliyada safarkiisa caafimaad marwadiisa. Mujaahid C/raxman Aw Cali Faarax oo haatan xaaladiisa caafimaad aad ufiican tahay ayaa lagu sameeyay baadhitaan guud (check up), kaasi oo loogu cadeeyay in xaaladiisu fiican tahay, dhawr todobaadna uu dibada kuqaadan doono dawooyin loo qoray, isaga oo hada degen Huteel kuyaal Badhtamaha Caasimada Malaysia ee Kuala lumpur.

More

Xafladdii Xidhitaanka Sanad Dugsiyeedkii u Horeeyey ee Dugsiga Sare ee Magaalada Boon.

dugsiga-sare-ee-degmada-boon-small Boon secondary school, Waxa si rasmi ah albaabada loogu furay taariikhdu markay ahayd 01/09/2008. Dugsigani wuxu Boon u furay Bog Cusub oo ididiilo balaadhan xanbaarsan , Marka la eego sida ay ahayd xaalada waxbrasho ee dagmada. Ka hor dugsigan ma jirin nidaam waxbarasho oo ka danbeeya dugsiga dhexe. Arday badan ayay ka hor iman jirtay Duruuf Adag markay usoo wareegayaan Boorama hanoqoto duruuftaasi mid dhaqaale ama mid bulshaba.

More

Madaxwayne ku-xigeenka Somaliland oo Shaaca ka Qaaday in Xaalad Abaareed oo Ba’ani Dalka Ka jirto, Baaqna u Diray Shacabka iyo Beesha Caalamka.

madaweyne-kugeenka-somaliland-small Hargaysa (Harowo Desk) - Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa Shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Magaaladda Hargeysa, Shaaca kaga qaaday in xaalad abaareed oo aad u darani dalka ka jirto, waxaanu Madaxweyne ku xigeenku u soo jeediyay shacbiga Somaliland in ay Alla bari iyo duco badan sameeyaan, isla markaana Soomaan mudo sadex cisho ah, hadii intaa roobku ku iman waayana si deg deg ah dalka oo dhan looga sameeyo isu soo baxyo Salaad Roob-doon ah. Hadaba, hadalkiisi oo dhamaystiran hoos ka dhegayso.

Get Flash to see this player.

Saylici Iyo Saxarla Maxay Iska Shabahaan? Sheeko Gaaban oo Xiisole

Waa qoys soomaliyeed oo saman barwaaqo ah jooga, Saxarla waxay ahayd gabadh yar oo soo koreysa, sida caadiga ah caruurtu wiil iyo gabadhba waa is dhex boodaan marka ay yar yaryihiin oo wax ukala soocan iyo wax kala xadaynaya midna ma jiro. Saxarla waxay had iyo jeer la ciyaari jirtay wiilasha yar yar,Sida caadiga ah waalidiinta soomalidu ma dhibsadaan kamana hor istaagaan inay gabadhu wiilasha raacdo, la dheesho, dhuumow dhuumow la cayaarto, xataa wax la cunto marka ay yar-yaryihiin. Laakiin waalidku waxay isku dayaan inay gabadha ku koriyaan ama ku tabo-baraan xishoodka iyo asturaada,waxay ku waaniyaan inayna iskala mid dhigin wiilasha, si marka ay waynaato ay u dareento xishood oo aanay u caadaysan inay wiilasha dhexboodo.

More

Abwaan Xasan Sh. Muuminkii Labaad oo Awdal U Kacey Ayaan Abwaanka Cusub ee Maxamed Cismaan Budin U Aqoonsanahay - By Abdirasaaq Hammaal.

Magaalada Hargeysa oo ah caasimada somaliland waxaa dhawaan lagu qabtey tartan ku sahabsan suugaanta soomaaliyeed, tartankaas waxaa ka soo qeyb galey dhalinyaro dhowr ah oo ilaahey hibo u siiyey curinta gabayada kuwaas oo dhamaantood matalayey lixda gobol ee ay ka kooban tahay JSL. Xafladaas oo lagu qabtey hoolka jaamacada Hargeysa ayaa sida ay sheegeen shakhsiyaad goobjoogayaal ah aheyd mid si heer qaran ah loo soo agaasimey, xafladan waxaa soo qaban qaabiyey ururka nabada iyo damuquraadiyada ee geeska africa kaas oo fadhigoodu yahay dalka filand, hal-ku dhiga xafladan ayaa ahaa tartanka gabayada nabada sida ay ku soo warameen wariyayaasha ku sugan magaalada Hargeysa kana qeyb galey xafladaas ayaa magac dhabey dhalinyarada ka qeyb qaadatey tantanka kuwaasi oo kala ahaa:

More

Madbakh Fund Raising: An Exemplary Success.

madbakh-small Madbakh has concluded yesterday, June 26,2009, the first of one of its multiple drives of fundraising efforts for the Borama Women’s Hospital, in Toronto, in an unprecedented manner in both scope and expectation.  The function happened in accordance with the schedule, with the exception of the unforeseen and overwhelming response from the Somali community in the Greater Toronto Area that showed their support for their fistula stricken sisters and their plight. The crowd grew by the hour and the huge space rented for the purpose grew smaller that it eventually spilled to the outside. The atmosphere was congenial and emotional in the most concise description.

More

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Oo Shahaado Sharaf Gudoonsiiyay Muwaadin Reer Somaliland ah oo Socdaal Gaadhi ku soo Maray Sadex Qaaradood.

axmed-yuusuf-yaasin-smallHargeysa (Harowo Desk) - Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa Maanta Shahaado Sharaf dhiiri galin ah oo xukuumada Somaliland ku maamuustay Gudoonsiiyay Maxamed Muuse Yuusuf Makhtal oo ah muwaadin si iskii ah isugu hawlay Ictiraaf-raadinta Somaliland, isla markaana gaadhi yar oo uu wato ku soo maray 18 dal oo ku kala yaala qaaradaha Yurub, Aasiya iyo Afrika.

More

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo Beesha Caalamka Ugu Baaqay Inay Somaliland Gurmad Degdeg ah Ula soo Gaadhaan.

axmed-yuusuf-yaasin-small-2 Hargeysa (Harowo Desk) - Shir jaraa’id oo uu qabtay madaweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa waxa uu beesha caalamka ugu baaqay in ay gurmad degdega la soo gaadhaan bulshada Somaliland oo uu sheegay in ay saamaysay abaaro baahsan oo ku habsaday guud ahaan gobolada Somaliland.

Madaxwayne-ku-xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin oo ay weheliyaan xubno Wasiirro ah iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan guddiga ka hortaga aafooyinka dabiiciga ah, ayaa shir jaraa’id ee uu maanta ku qabtay Hargaysa, waxa uu sheegay in abaaro baahsani ka jiraan guud ahaan dalka Somaliland.

More

June 27, 2009

Kal-jeclaysi Wiil Laguma Dhalo, Kulanti Mooyaane…! Urur Siyaasadeedyada Qurbajooga Awdal oo Hadda Tafiirtii Sedexaad (Third Generaton) Maraya, Ayaa Ilaa Maanta Goblan Jooga, Waxbana Ka Soo Naaso Cadayn.

Hal Xaraan ahi Nirig Xalaal ah Ma Dhasho….Hadii ay Adal oo Xaaraan ahayd Acna dhashay, Acna-na ay Ardaa Dhashay……Miyaanay Markaa Ardaa Xaaran ahayn!

Taariikhdu waa gafto:   Halkan Ka akhriso sooyaalka taariikhda foosha xun ee ay soo mareen urur siyasadeedada ay samaystaan Qurba-jooga Awdal, kuwaas oo gebi ahaanba lagu guul daraystay, iyada oo sababta u weynina ay tahay curfi qabiil oo looga taagwaayey shakhsiyaadka hogaanka u qabatay. More

Login