May 26, 2009
Marwo Carina Hagg, oo ah Mudane ka Tirsan G/Wakiiladda ee Dalka Sweden oo Somaliland si Weyn u Amaantay.
Waxa maanta kulan gaar ahi dhex maray Ku xigeenka wakiilka Somaliland ee Sweden Mudane Hussein Mohamed Ali (Hussein Wadadyare) iyo Marwo Carina Hägg oo ah marwo ka tirsan gollaha wakiilada ee dalkan Sweden, lagana soo doorto gobolka Jönköping ee dalka Sweden.
Waxa dhawaan magaalada Chicago (USA) jaamcad ku taala oo ka mid ah Jaamacdaha ugu caansan dalka Markaynka oo la yiraahdo “Univertsity of Illinois at chicago” lagu qabtay xaflad loo sameeyey dufcaddii sanadka 2009 ka qalin Jabisay jaamicada oo uu ka mid ahaa Idiris Cabdilaahi Faarax (Gaas) oo ah arday ka soo jeeda G/Awdal, isaga oo ku takhasusay culuunta PUBLIC ADMINISTRATION AND ECONOMICS.
FT. (Djibouti) - There is a striking view from the road leading to Doraleh Container Terminal, in the east African state of Djibouti. The terminal, the first phase of which opened this year and will cost $400m to develop fully, lies on an artificial island in water deep enough to accommodate the latest large container ships. The approach is along a new, kilometre-long causeway. The huge, state-of-the-art container cranes at the end stand in stark contrast to the rest of run-down Djibouti City.
Maqaalkan Waxaynu si weyn ugu Lafo Guri Doonaa Arrimaha Siyaasadeed ee Wakhtigan Xaadirka ah Taagan Xadgudubyada khadka cas Dhaafay ee Mucaaridku iyagoo u Kasaya Ku Talaabsadeen Maahana wax Ku Cusub Bulsho weynta Somaliland inay Maqlaan Kulmiye ayaa Dalka Dibbaddiisa ka Neefsaday Waana Wax Laga Yaayaqsoodo.
Waxa dhammaan dadku akhristeen Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye waraysigii ay ka qaatay Ogaal intii aanu ka soo bixin Jamhuuriyadda Somaliland. Waraysigaa oo lagu weydiiyey ma aqbali doontaan haddii doorashada la idinka helo, maxuu ku jawaabay Guddoomiyuhu, waxa uu yidhi haddii si sharci ah nalooka helo waa aqbalaynaa haddii kale se waa ku dagaalamaynaa.
Qoritaanka wararkii aan salka & raadka toona lahayn ee Xanuunkii Rift-valey ee Xoolaha Somaliland, Sirahii Ciidanka qaranka Somaliland Ee iska caabinayay cadowgii xuduudaheeda kusoo duuley, Isku dhufashadii ay ku guuldareysatey Xidhiidhka Somaliland iyo Ethiopia Aflagaado aan geedna loogu gabanin oo ay joogteysatey madaxda qaranka somaliland.
Hargeysa (Harowo Desk) - Wasiirka Qorsheynta Qaranka Somaliland Md. Cali Ibraahin (Cali Sanyare) iyo Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Md. Siciid Cadaani Mooge ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay ujeedada socdaalka Wafdiga Qaramada Midoobay ee maanta dalka Yimiday, isla markaana kulanka la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo wixii ay labada dhinac ka wada hadleen iyagoo faahfaahsan hoos ka dhegayso.
Get Flash to see this player.
Hargeysa (Harowo) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefdi uu hogaaminayo Xidhiidhiyaha hay’adaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr Mark Bowden. Madaxweynuhu kulankaasi uu la yeeshay Mr Bowden iyo wefdigiisa, waxa ugu horeyntii ugu mahad naqay socdaalka ay ku yimaadeen Somaliland, waxa kale oo uu uga waramay baahida Somaliland ee dhinacyo badan oo ay ugu horeeyaan Gurmadka abaaraha ee ka dhacay gobollo badan oo Somaliland ka tirsan.
Boorama (Harowo) - Waraysi Xiiso badan oo dhinacyo badan taabanaya ayaa wuxuu maanata la yeeshey weriye Hashim Sh. Cumar Good oo ka tirsan Shabakadda Wararka ee harowo.com Maxamed Rashid Sh. Xasan oo ah Musharaxa Madaweyne ku-xigeenka ee xisbiga UCID. Hadaba, Soomaalidu waxay tidhaa “Af Jooga Looma Adeego”, Bal Hoos ka Dhegeyso Waraysigii oo Tifaftiran
Get Flash to see this player.
Bashoy wax la quuto dartiis waxaad u jeceshahay kalluun ama “Mallay”, markasta oo urtiisu ku daartana wayrax iyo wareer baa maanka iyo miyirkaba kaa qaada. Hasa yeeshee ma aad is waydiisay kalluunku bad buu ku jiraa adiguna biyahaad ka caagantahay, hadaba waxa la yaableh kalluun bad ku nool oo aan ka soo baxayn iyo adigoo biyaha neceb ood intaad ugu dhex gasho aan kala soo baxayn.
Waxaa markii u horeysey si qayral caadi ah ugu fidaya isticmaalka Sinjibiisha Wadamada Reer Galbeedka, inkasta oo mudo boqolaal Sano ah si joogto ah looga isticmaali jirey Wadamada Asia Shay si weyn loo tixgeliyona ay ahayd Sinjibiishu markay noqoto arimaha Caafimaadka iyo weliba iyadoo loo adeegsan jirey wax kariska.
Arar: Ugu horrayn, labaatan sano iyo dheeraad ayaa la bililiqaysanayey hantidii qarankii Soomaaliyeed. Sidoo kale, suugaantii, maansadii iyo wax ka qabadkoodii ayaan iyana ka badbaadin dhibta dhacday.
DUSA MARREB, Somalia — From men of peace, the Sufi clerics suddenly became men of war. Their shrines were being destroyed. Their imams were being murdered. Their tolerant beliefs were under withering attack. So the moderate Sufi scholars recently did what so many other men have chosen to do in anarchic Somalia: they picked up guns and entered the killing business, in this case to fight back against the Shabab, one of the most fearsome extremist Muslim groups in Africa.
Boorama (Harowo) - Xaflad lagu qabtay xarunta Xisbiga UCID ee magaalada Borama ayaa Waxa Maanta ka hadalay Musharaxa Madaxwyne Ku-xigeenka xisbiga UCID Md. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan, halkaas oo uu musharaxu ka jeediyey Khubad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa, wuxuuna kaga hadlay arimo door ah oo ay ka mid yihiin hawlaha xisbiga, doorashada soo socota, dhaqaaaha iyo mustaqbalka dhalinyarad. Hoos Ka Dhegeyso Khudbaddii Musharaxa oo Tifaftiran.
Get Flash to see this player.
Boorama (Harowo) - Munaasibad lagu soo dhaweeynayey musharaxa M/Ku-xigeenka ee Xisbiga Ucid Mudane Maxamed Rashiid Sh. Xasan ayaa waxa khubado kala duwaan ka jeediyey masuuliinta xibiga UCID iyo qaar ka mid ah taageerayaasha xisbiga ee G/Awdal iyo Selel. Hoos Ka Dhegeyso qayb ka mid ah hadaladoodii.
Get Flash to see this player.
Boorama (Harowo) - Wafti balaadhan oo ka socda xisbiga Ucid oo uu hogaamnayo musharaxa xisbiga ee Madaxweyne ku-xigeenka ee xisbiga, ayaa waxa si diiran ugu soo dhaweeyey xarunta xisbiga ee magaalada Boorama madax xisbiga UCID ee heer gobol, heer degmo iyo taageerayaasha xisbiga ee G/Awdal. Hadaba Hoos ka Daawo qayb ka mid ah Sawiradii munaasaibaddan.
Waxan hanbalyo iyo bogadin u dirayna caruska iyo carusada Eng Abdiqaadir X. Mohamed Cali iyo DR. Hodan Cabdulahi X. Shirwac oo meherkoodu ka dhacay Magaaladda Borame ee gobolka Awdal, manta oo ay taariikhdu tahay 21/5/2009, waxaanu Leenahay noqda ku wii isku waara oo ubad iyo khayr qaba kala hela, weliba waxaanu idin leenahay { Reerkii Lagu Naste Lagu Negaadee Wada Jiree Nabad gala Allahayoow Idinka yeel. Aamin aamin
May 23, 2009
Ururada iyo Taageerayaasha Ka Baxay Xisbiga Kulmiye ee Deg. Allaybaday oo Ka Hadlaya Sababaha ay Xisbigaa Uga Baxeen.
Allaybaday (Harowo Desk) - Degmadda Allaybaday ee Gobolka Gabilay waxaa maanta ka dhacay xaflad balaadhan oo lagu soo dhawaynayo Ururo kala duwan iyo taageerayaal tira badan oo ka tirsanaan jiray Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE, balse maanta ka baxay, kuna biiray Xisbiga UDUB ee talada dalka Haya. Hadaba ururadaas oo mid walba gudoomiyahoodu u hadlayo, iyaga oo tafaasiil ka bixinaya sababaha ay xisbiga Kulmiye uga diga rogteen hoos ka dhegayso.
Get Flash to see this player.
Allaybaday (Harowo Desk) - In ka badan Toban urur oo isugu jira kuwa dhalinyarada, ururada haweenka iyo xubno tira badan oo ka soo jeeda Degaanka Allaybaday, isla markaana ka tirsanaan jiray Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE ayaa maanta ku biiray xisbiga UDUB.
Xaflad Balaadhan oo lagu soo dhawaynayo oo ka dhacday Degmada Allaybaday, ayaa waxaa ka qayb galay Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha C/laahi Ismaaciil Cali (Ciro), Xoghayaha Guud ee Xisbiga Udub Jaamac Yaasiin Farax, Wasiir Ku Xigeenka Duulista Hawda Md. Axmed Cumar Cagadable, Gudoomiyaha Gobolka Gabiley Maxamed Axmed Aw Cabdi ( Xabiib), Safiirka wareega Md. Maxamed Aar, Gudoomiyaha Xisbiga Udub ee Gobolka Hargaysa, Haweenka Xisbiga Udub ee Gabiley iyo Hargaysa, Agaasimaha Telifishanka Qaranka, Maamulka Degmada Allaybaday, Xubno Qurba Jooga ah iyo Dadwayne kale oo tira badan. Hoos ka dhegeyso khudbadihii ay ka jeediyeen xafladaa Maxamed Aar, Xoghayaha guud, C/risaaq Ciyaale iyo Wasiirkuxigeenka Duulista hawada.
Get Flash to see this player.
Hargeysa (Harowo Desk) - Diyaarad ay leedahay hayada la dagaalanka Ayaxa ee bariga Afrika (DLCO) ayaa hawl gal ay ku buufinayso Ayax koron-koro ah oo si baaxad leh ugu dagay deegaano ka tirsan gobolada Saaxil iyo Maroodi-jeex maanta ka bilawday deegaanada Ayaxu ku habsaday.
