May 30, 2009

Gudoomiye Siilaanyo oo Seeftiisii keli-Talisnimada Galka Kala Soo Baxay.

Shir balaadhan oo maanta oo sabti ah ka dhacay magaalada London ee dalka Ingiriiska oo ay ka soo qayb galeen dhamaan taageerayaasha xisbiga mucaaraka ah ee Kulmiye ayaa ku dhamaaday jawi niyad jab ku riday dadkii madasha isugu yimid, kadib markii gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye, isla markaana ah musharaxa markii labaad u taagan jagada madaxweynenimada ee xisbigan Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) sheegay in wax dimuqraadiyad la yiraa iyo xukuumaditoona aanay ka jirin Soomaaliland.

Gudoomiye Siilaanyo ayaa xataa dadka ajnabiga ah ee uu la kulmo sida wasaaradda arrimaha dibadda ee Britain ka dhaadhiciya waxyaabo liddi ku ah Soomaaliland, balse Dimuqraadiyad,xukuumad tayo leh iyo ictiraafba la heli doono hadduu isagu ku guuleysto doorashooyinka foodda inagu haya ee madaxtiiyada.

Gudoomiyuhu wuxuu taageerayaashiisa ka codsaday “inay labanlaabaan qaadhaankii ay siin jireen xisbiga” si buu yidhi “looga dhabeeyo hamigiisa qabashada hogaanka dalka, haddii taasi dhabowdana dhamaan taageerayaashu lacagtooda heli doonaan oo mashaariic dowladdu siin doonto.”

Arintaas dhaqaalo weydiisashada ayaa taageerayaal badan ka cadhaysiisay iyagoo ku xanshaashaqayey “in aanay waqtigan diyaar u ahayn lacago dambe oo ay ururiyaan” maadaama bay yiraahdeen oo lacagihii malaayiinka ahaa ee aanu hore u ururinayba qayb la lunsaday, qaybtii kalena lagu dhameeyey waxa loogu yeedho “ka cun oo ka codee”.

Taasina dadka aad ayay u niyad jebisay, qaarkoodna waxay yiraahdeen lacag taageerayaal ama codeeyayaal ku iibso waxa ka macquulsan iyadoo lala yimaaddo qorshe wax qabad iyo horumarineed oo shacabka lagaga bedesho codadkooda.
 
Sida wararku nagu soo gaadhayaan waxa loo diiday inuu shirka ka soo qeyb galo mudane ka tirsan golaha baarlamaanka oo ka soo baxay isla xisbigan Kulmiye, kaasi oo ah Md. Maxamed Cali Xirsi. Qaar ka mid ah qabanqaabiyayaasha shirka ayaa mudanaha ku qanciyey in gudoomiye Siilaanyo ganafka ku dhuftay qorshe ay u soo jeediyeen qabanqaabiyayaashu oo ahaa in mudanuhu shirka kasoo qayb galo.

Diidmada Siilaanyo ku diiday ka soo qeybgalka shirka ee Md. Maxamed Cali Xirsi, ayaa lagu xidhiidhinayaa mid aargoosi ah, maadaama oo mudanuhu isu soo taagay jagada musharaxa madaxweynenimo ee Kulmiye dhexdiisa, taas oo ka cadhaysiisay Siilaanyo oo ku hanjaba inuu xisbiga isagu samaystay, intuu noolyhayna aan cid kale soo hawaysan karin inay isla soo sharaxdo.

Dhinaca kale waxa la soo gaadhay waqtigii 65 jir wixii ka weyni ay u tanaasuli lahaayeen jiilasha cusub si hore loogu talaabsado, loogana takhaluso maskaxaha taariikhda madowi ku xardhan tahay.
 
Wixii faahfaahin dheeraada ee kasoo baxay shirkaas kala soco shabakadaha wararka ee dhexdhexaadka ah.

Saed Salah

Email: saedsalah09@hotmail.com

Login