May 26, 2009

Qodobo iyo Waano Ku Socota Madaxweynaha iyo Labada Xisbi Mucaarid ee Somaliland.

Aniga oo ah weriye C/fataax Siciid Caamac, ahna weriyaha Burco ee wergeyska MAALMAHA, waxaan aniga oo ku hadlaaya magacayga iyo magaca inta ila fikirka ah waxaan halakan madaxweynaha Somaliland iyo xisbiyada mucaaridka ah uga soo jeedinayaa 20 qodob oo ay ilatahay inay danta dalku ku jirto. Kani waa fikirkayga cid gaarana u hadli maayo, cidna kuma duraayo, waxaan ka cudurdaaranayaa wixii saluuga ama sikale loo arko oo ku saabsan maqaalkaygan.

1. Madaxweyne ahaw masuul daacada oo dadkiisa quluubtooda kasbada waxaad ka badbaadi cidkasta oo idinka dhex shaqaysa.

2. M adaxweyne xidhiidh dhaw la yeelo raciyadaada sidaad xaalkooda wax uga ogaatid si aad jawaab ugu hesho su’aasha danbe.

3. Madaxweyne lasoco oo xog ogaal u ahaw xidhiidhka raciyadaada iyo kuwa aad usii wakiilatay inay wajibaadkoodi uguteen sidaad ugu igmatay, dhegayso talada iyo cabashada ka imanaysa raciyada aad iyaga u igmatay balse haw dhago nuglaan kuwaad adigu uga dhigtay masuulka waxay idinkala dilayaan adiga iyo shacabkaaga.

4. Madaxweyne talada ka qaado fikrada shacabka haka qaadan kuwaad adigu shaqada u diratay, waayo waxay yartahay inta runta ka sheegaysa xaalada dhabta ah amaba waxay ka eeganayaan dano gaar ah.

5. Madaxweyne ka fogow kooxaysi, xisbiyeysi iyo in bulshada aad muxaafid iyo mucaaridba adigu masullka katahay kala dhawaysato waxaad helidoontaa cid koox ama xisbi kaaga badan waana shacabka oo idil

6. Madaxweyne ninkast oo maanat kamida kuwa adiga iyo dadweynaha iskiin nacsiinayaa waxa uu kuula safanyahay dan isaga ugaara ee maaha jacayl iyo wanaag uu adiga kuu hayo waxaana tusaale kuugu filan waxay hada sameeyaan kuwii mar dadka kuugu dhawaa inay idaacadaha iyo warbaahinta kaa caayaan. Taasna waxaa keenay markaad dantoodii gaar ahaaneed ay ufuliweyday ama xilkiiba laga qaaday

7. Madaxweyne waxaan kuu soo jeedinayaa kaana codsanayaa in aad dalkaaga oo dhan Ku hogaamisid sinaan iyo iskoxaysi la’aan, shacabka teladiisana aad qaadatid si hadhaw eedi kuu raacin.

8. Madaxweyne gobolada dalka oo dhami adiga ayaa masuul ka ah, waxaana waajib kugu ah inaad midkasta xaaladiisa la socotid, waana inaad gobolada dalka aad tagtaa taasi oo sharaf kuu ah madaweyne mudadii aad xilka haysay gobolada bari hal mar baad tagtay, hadana waxaan kaa codsanayaa inaa tagtid oo aad dadweynaha ka saartid waxa lagu beeray ee ah madaxweynuhu ma imankaro Burco, Laascaanood iyo Ceerigaabo.

9. Madaxweyne waxaan kuu soo jeedinayaa in gogosha wada hadalka ay markasta kuu goglanaato si cidkasta ugu qanacdo, kuna dedaal in markasta wadahadalku yahay furaha hour marka “ aan wada hadalo waa aan heshiino”.
 
10. Madaxweyne badi la hadlka iyo inaad markasata dadweynaha uga xogwarantid halaka uu maraayo xaalada dalku, waxaan kuusoo jeedinayaa madaxweyne in aad samayso khudbad todobaadle ah oo aad dadweynaha warbaahinta uga soo jeediso halka xaal maraayo, si dadku uga dhergaan barnaamijka dawlada hadii kale waxaa waligood jiridoonta wararka suuqa lagu soo sameeyo ee hadhawna dadka dhegohooda gala sababana isfaham daro dhexmara dadweynaha iyo xukuumadda.

11. Madaxweyne dalka ictiraaf hortii waxaa loo baahanyahay inaynu inagu caalamka indhohooda soo jiidano halkii aynu odhan lahayn kaalaya oo nala eega waxaanu qabsanay, waayo nim fadhigaa arka looma saro joogsado, waxaan taa uga jeedaa madaxweyne caalamka ilaa uu isagu dan inaga yeesho oo uu arko hadii ay inala sameeyaan xidhiidh inaynu faa’iido iyaga uleenahay ayuun bay inoo soo jeesanayaan. Waxaynu taasi ku gaadhi karaa wada shaqayn dhexmarta dadweynaha iyo xukuumada, ganacsatada oo dalka loo ogolaado inay maalgashadaan si xora oo xeerka dalka waafaqsan

12. Madaxweyne xilka dalka waxaa ku saaray shacab ee wasiiro iyo guurti midna kuma saarin, ninkii waxkugu waydiista dadkaygii ayaan kuu soo xero galinayaa oo anaa codkuu haya been ayuu sheegay ee dantiisa ayuu kaa fushanayaa haday guurti, cuqaal, Salaadiin, wasiiro iyo dhamaan koofiyad baclayaashu kuma saari karaan kursiga, balse waxa ku doortay waa shacab waxaana laguu doortay inaad iyaga u shaqaysid, balse inaad niman kani masruuf kugu waydiistaan maaha bal madaxweyne hoos u eeg waxaad u qabatay dadkii ku doortay ee maalinta dhan milicda iyo raxanraadka kuu taagnaa sidii ay codkooda kuu siin lahaayeen.

13. Madaxweyne waxaan kugula talin lalahaa inaad shacabkaaga xidhiidh dhaw iyo wada shaqayn layeelato taana waxay ku imankartaa adigoo latashada lanahadla dadweynaha si toosa albaabkaagana ufura dhalinyarada inta ka fayow ee ka badbaaday qabyaalada, iskooxaysiga iyo fikirada khaldan ee lagu shubtay iyo haweenka dalka ee ah Hooyooyinka dalka oo ah kuwa maanat xogta dhabta ah ka haya xaalada bulshadu ku sugantahay

14. Madaxweyne albaabka ka xidho dhuuni qaatayaasha ku shaqaysata magaca dadweynaha iyagoo kaaga doonaya luqmad iyo dano iyaga u gaarka ah madaxweyne hadii aad dadweynahaaga si toosa ula yeelato xdhiidh toosa waxaa shaki la’aana inaad dalka taladiisa markale dib ugu guulaysatid hadaanad kuguulaysatana aad sharaf kala tagto iyo sumcad

15. Madaxweyne hour marka dalku waxaa uu ku imankaraa bulsho iyo dawlad isku xidhan oo aan cidi dhexgali Karin madaxweyne marlabaad waxaan kaa codsanayaa in aad gobolada dalka oo dhan martid kana sifaysid waxa maskaxdooda laga buuxiyey

Xisbiyada mucaaridka waxaan u soo jeedinayaa

1. Waxaad tihiin xisbiyo qaran dastuurka dalka ayaa idiin ogolaaday inaad tartan taan idinka oo aan sharciga ka baxaynin waxaan idiin soo jeedinayaa walaalayaal mucaaridnimo maaha in waxa kastaba laga soo horjeesto ee waxaa dastuurka dalku idiin sharciyeey inaad wixii khaldan dadweynha farta ugu fiiqdaan ee maaha in aad dawlada u aragtaan cadaw.

2. Walalayaal dawladu ciyaar maaha waad aragtaan koonfur waxaa ka dhacaaya waxaa sabab u ah dawlad la’aan walaalayaal dawalad xumi dawlad la’aan bay dhaantaa waxa ay cadaw inaga horjoogto ee waliba dhexdeena ah ayaa ciidaa kabadan, markaa waxaan leeyahay mucaaridka haloo dulqaato hadii dawlada xumaatay.

3. Walaalayaan talada dalka ayaad u tartamaysaan hadaad maanat hadiimooyin iyo xumaan sii beertaan waxay hadhaw idinku noqondoontaa caqabad wax qabadkiina waayo kaad hadeer la colaytamayseen ayaa mucaarid kuu ah isna dee markiisa ayuu ridanayaa  taasi waxay keenaysaa in dalku waligii kabixin isqabqabsi iyo muran.

4. Waxaan idiin soo jeedinayaa dalka idinkaa u xisbiya ah ee iska ilaasha waxkasta oo eed idiin soo jiidaaya.

5. Ku doorta qofka aragtidiisa iyo waxqabadkiisa ee haku dooranina dadtiisa gaarka ah ama qabiilkiisa kuna dedaala inaad bulshada dalka oo dhan kasbataan balse ka fogaada inaad kal geysaan

6. Iska jira garab ku daaqayaasha, laba aflayaasha iyo laba eefka marba meel ku carara, iska jira nin yidhaa reer hebel ayaan matalaa eek u dedaala in aad xisbiyeysaab reerka laftiisa isaga oo dhan.

Weriye C/fataax Siciid Jaamac (C/fataax shalumaray)

Burco, Somaliland

Mobile:  00252-2-4412143

Email: cfataaxilkacase@hotmail.com

Login