May 26, 2009

Madaxweye Rayaale oo Socdaal Ku Tegay Magaalada Berbera.

madaxweyne-rayaale-smallBerber (Harowo) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa caawa fiidkii Socdaal Shaqo ku tagay Xarunta Gobolka Saaxil ee Berbera. Madaxweynaha iyo Wafdiga uu hogaaminayo oo ay xubnihiisa ka mid yihiin Wasiirada Arimaha Gudaha iyo Xanaanada Xoolaha, iyo waliba Taliyaha Ciidanka Qaranka.

 Waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay magaalooyinka dherersan wadada laamiga ah ee isku xidha Berbera iyo Hargeysa dadwayne aad u tira badan oo sitay caleemo qoayn, waxa kale oo xuduudka labada gobol ee Maroodi jeex iyo Saaxil kaga hor yimiday masuuliyiinta gobolka Saaxiil, oo u sii galbiyay ilaa magaalada Berber.

Ujeedada socdaalka waftiga madaxwaynaha ayaa la xidhiidha, kormeer shaqo oo uu ugu kuurgalayo guud ahaan xaalda gobolka iyo magaalada Barbara. Socdaalka madaxwaynaha JSL, sida ay ku soo waramayaan wararka laga helayo, waxa si diiran u soo dhaweeyay masuuliyiinta gobolka Saaxil iyo dadwayne aad u faro badan markii ay gaadheen magaalada Berbera.

Afhayeenka madaxtooyada JSL oo markii waftiga madaxwaynuhu dagay guriga martida ee magaalada Barbara saxaafada la hadlay ayaa sheegay in waftiga madaxwaynuhu u yimi gobolka Saaxil hawlo shaqo, oo uu ugu kuur galayo xaalada gobolka Saaxil guud ahaan, sida afhayeenku sheegay waxa uu madaxwaynuhu la kulmi doonaa, masuuliyiinta gobolka iyo madaxda laamaha dawlda. Waxa kale oo madaxwaynuhu kulan la yeelan doonaa Odayaasha, Waxgaradka, Hogaan dhaqameedayada, dhalinyarada iyo qaybaha bulshada ee gobolka.

Afhayeenka madaxtooyada SL Mr. Siciid Cadaani Mooge oo saxaafadu su$B!G(Baalo ka waydiisay in socdaalka madaxwaynuhu ku eegyahay gobolka Saaxil iyo inuu dhaafi doono? Ayaa sheegay in socdaalka madaxwaynuhu ku eegyahay gobolka Saaxil oo aanu dhaafi doonin, balse ay dhici karto inuu dhaafo maadaama uu yahay madaxwaynihii dalka, oo uu waajib ka saaran yahay gobolada dalkoo dhan. Waxa kale oo su$B!G(Baal laga waydiiyay afhayeenka inay jirto kulamo uu la yeelanayo cid aan ahayn masuuliyiinta gobolka? Waxa afhayeenku kaga jawaabay inuu la kulmayo cid kasta oo ku dhaqan gobolka, sida waxgaradka, odayaasha, hogaan dhaqameedyada iyo dhalinyarada gobolka Saaxil.

Afhayeenku waxa kale oo uu intaa ku daray inuu soo kormeeri doono xarumaha iyo xafiisyada dawlada ee magaalada Barbara. Halkaasna uu kaga dhagaysan doono warbixino masuuliyiinta laamaha dawlada. Ugu dambayntii afhayeenku waxa uu ku soo gabagabeeyay mudada booqashada madaxwaynuhu uu ku joogi doono gobolka Saaxil inay qaadan doonto mudo dhawr maalmood ah, balse afhayeenku muu carabaabin tirada maalmaha uu waftigu joogi doono gobolka. Booqashada madaxwaynaha JSL iyo waftiga uu hogaaminayo ku tagay gobolka Saaxil ayaa ah tii labaad ee uu ku tago gobolkaasi tan iyo bilawgii sanadka.

madaxweyne-rayaale1 

Harowo Desk, Hargeysa, Somaliland

Login