May 6, 2009
Faallo: Xisbiyada Mucaaradku Ma Doorasho Doonbaa, Mise waa Dib-u-dhac Doon?
Waxa marar badan lagu murmaa ama si kala duwan loo arkaa asbaabaha dib-u-dhaca Doorashooyinka cida lahayd iyo arrimaha keenay dib-u-dhacaas, taasoo axsaabta tartamayey dhexdooda ka abuurtay khilaaf siyaasadeed oo cirka isku shareeray. Murankii iyo khilaafkii dhinaca siyaasada ee la xidhiidhey muddo-kordhintii Guurtida ee Distooriga ahayd, waxa ku lumay waqti badan oo wax badan la qaban lahaa muddadii labada bilood ahayd ee laysku haystay waa sharci muddo-kordhinta guurtida ee waqtiga madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa iyo waa sharci darro oo ma aqbalayno.
Hase ahaatee jiitankii waqtigu ku lumay lagu soo afjaray go’aankii ay soo saareen guddida dhexdhexaadinta khilaafka siyaasadeed oo ka koobnaa shan qodob, waxaana uu go’aankaasi ahaa mid dadweynuhu si aad u ah ugu diirsadeen, isla markaana ay soo dhaweeyeen inta danta iyo lexejeclada ka leh Somaliland gudo iyo debedba.
Intaa wixii ka danbeeyey waxa la filayey in Komishanka Doorashooyinka qaranku hawlahooda gudo-galaan, una bilaabaan sida ay u kala mudan yihiin, Haseyeeshee iyadoo in-ka-yar todobaad ay ka soo wareegtay go’aankii lagu soo afjaray khilaafkii siyaasiga ahaa ee u dhexeeyay Axsaabta, ayaa durba haddana waxa ka soo yeedhay Xisbiyada Mucaaridka sheeko hor leh oo aan loo fadhiyin wakhtigan oo odhanaysa “Komishanka Doorashooyinka Qaranka kuma kalsoonin ee ha la beddelo”.
Dhawaaqaas ka soo yeedhay labada Xisbi Mucaarid waxa uu ku noqday dadka waxgaradka ah ee Somaliland badankooda amakaaga iyo af-kala-qaad, waayo Komishanka ha la beddelo hiddeedba ma joogno, waxayna u eg-tahay arrin hor leh oo lagu wiiqayo hawl dhaqaajinta Komishanka, loona jeedo in lagu niyad jabiyo Komishanka, si aanay shaag u rogin, ka dibna sidaas wakhti dambe ku lumo oo mar kale loo galo muran Siyaasadeed oo ku lug leh muddada qabashada Doorashada Madaxtooyada.
Haddaba su’aasha meesha taal waxa ay tahay haddii wakhtigan la joogo hadda la yidhaahdo Komishanka Doorashooyinka ha la beddelo oo kuwa cusub oo hor leh ha la soo magacaabo muddo intee le’eg ayaa lagu soo dhammaystiri karaa soo xulistooda, ansixintooda Goleyaasha, Madaxweynaha iyo xil wareejinta labada Komishan ka cusub ee Axsaabta Mucaaridku ku dhawaaqeen iyo kan hore ee sanadka ku gudo jiray hawsha, iyadoo haatan wakhtigii Doorashada loo cayimay ay ka hadhsan yihiin afar bilood iyo maalmo ?
su’shaas jawaabteedu waa mid meel cad oon mugdi ku jirin taala, taas oo ah wax aan suurta-gal ahayn in hadda la beddelo Komishanka Doorashooyinka, iyadoo muddadii loo cayimay qabashada Doorashada ay ka hadhsan tahay dhowr bilood, geesta kalana ay soo xulista iyo dhammaystirka Komishan cusub oo hadda loo xadhko xidhaana ay ugu yaraan qaadanayso wakhti ka badan muddada ka hadhsan Doorashada Madatooyada.
Waxa haddaba ay is-waydiintu tahay mar haddii arrinta Komishan cusub oo hadda dib loo yagleelaa oo loo layliyaa muddadaa aan soo sheegnay qaadanayso, Doorashadana wakhtiga ka hadhsan aynu og-nahay, maxay Axsaabta Mucaaridku u dan leeyihiin, ma in doorasho sidaa ay doonayaan ku qabsoonto wakhtigeeda, mise in haddana dib-u-dhac kale ku yimaado si ay markaa qiil uga dhigtaan Qoddobka ah muddo dambe lama kordhin karo ee halkaa ha ka baxaan Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisu ?
Waxay ila tahay in ujeedadoodu tahay dib-u-dhac iyo khilaaf dambe oo la galiyo masiirka ummada, taasina fili maayo in cid yeelaysaa jirto, hadday jirtana waxaan ku darayaa oo aan leeyahay dee waa hagaage aan labada Gole ee kalena kala dirno oo saddexda Xisbina kala dirno.
Talo ahaan waxaan leeyahay, waar sidii roon Rabaa oge si aanay mar dambe inooga murgin xaalada siyaasadeed kalsoonida siiya Komishanka hadda jira oo ah ka qudha ee suurta-gelin kara in Doorashadu ku qabsoonto wakhtiga loo cayimay ee ah 27/09/2009, taas oo aan u arko in uu yahay dhabbaha ina gaadhsiin kara Doorasho lagu kala baxo oo aan dib-u-dhac dambe lahayn.
C/llaahi Cumar (Wayab)
Souce: Wargeyska Waaheen

