May 4, 2009
Xuska Maalmaha Qalinka iyo Xilka Madaxweynaha Qaranka Q-2aad.
Soo tukashadii salaadii jimcaha ka dib waxaan soo hogaan beegsaney hoy weyn oo la noogu sii diyaariyey hadhimo sharafeed, haddii aan hadhimadii shanta farood kala baxney, shukriga dharagayaguna soo dhaweynayo kalmada alxamdulilaah waxey shaashada hamadu hiigsatey in badhkayo u baxo barxada dambee guriga si aan u qaadano hawo nafis ah oo naftu ku naxariis qabowsato, waxey aheyd maalin roobaad ay heegaba heego badaleysey sidaas baa keentey karka iyo kuleylka ka baxaya hoyga aan ku jirno.
Xusuusta gaarka ah ee xiskeyga ku mudan waxey muujineysaa magacyada dhalinyaradii aan maalinkaa is hareer fadhiney misana aan haasaawa wadaaga aheyd oo ay ka mid ahaayeen gudoomiyihii ardeyda Mohamed Dayur Hussein, abwaan Mohamed Osman Budin, Abdifatah jama Haji, Mohamed Adan Riraash oo ku magac dheer (Suldaan Gurey) iyo Omar Haji Daahir Elmi, sheekada macaan ee hadba meel cuskaneyna ka dib waxaan maqalka dhaghayaga ku soo dhacdey qeylo iyo oohin haween oo ka dhex baxeysa hoyga aan ka soo baxney inta uu maanku naxey misana dubaaqu didey ayuu damiirka malahayagu maleystey in guriga aan ka soo baxney dab qabsasadey, inta aan kaca fadhiisaney ayaan u cararney gudaha hore ee guriga, misana waxaa naga hor yimid mid ka mid ah dhalinyarada aan martida u aheyn isaga oo noo macno fasiraya mushkilada jirtana waxa uu yidhi waxaa maanta geeriyoodey madaxweyne cigaal oo waliba waxa warkaas oo faah-faahsan imika sheegaya radio ethiopia, hadaba su,aasha taagan waxey tahay markii la maqley warkaas dhiilada iyo naxdinta xambaarsan sidee ayuu ahaa dareenka xaalada magaalada hargeysa?
Run ahaantii waxey aheyd maalin madow oo wadatey dareen murugo leh iyo damaq cabsi wata oo dunxidhkiisu yahay maxaa xigi doona? inkasta oo dumarka somaliland markii ay dubaaqa indhoodu daawanayeen diirada wel-welka iyo walbahaarka ay si bayaana u arkeen qax labaad, barakac balaadhan iyo burbur kale oo aan ka soo kabosho laheyn hadana waxaa hubaal ah in raga iyo waxgaradka somaliland aaney taas la qabin haweenka somaliland maxaa yeeley ragu waxey aaminsanaayeen in dadku ka soo daaleen dagaalo sokeeyo, nabadu tahay naas la nuugo waxey wada qirsanaayeen in dalka dawladi ka jirto dawladuna leedahay dastuur iyo sharci ay dadku ku kala dambeeyaan sidaa darteed quruxda wadanku ku jiro samatabinta suuban ee dalka iyo dadka si taas loo helana ay lagama maar maan tahay in la raaco qawaaniinta dalka u yaala wixii ay dhigayaan.
Hadaba iyada oo arintaas laga shidaal qaadanayo waxaa intii aaney ced ceedu godka dhinaca galin shir isugu yimid qasriga madaxtooyada xubno ka tirsan xukuumada madaxweyne cigaal iyo xildhibaano ka socdey labada gole ee baarlamaanka somaliland, masuuliyiinta ugu cad cad ee ka dhex muuqdey madasha lagaga arinsanaayey xaalada cusul ee dalka soo food saartey waxaa ka mid ahaa mudane dahir rayale kahin oo isugu ahaa madaxweyne ku xigeenka somaliland, mudane ahmed mohamed adan (qeybe) oo isaguna ahaa gudoomiyaha baarlamaanka (wakiilada) marxuum sheekh ibrahim sheekh yusuf sheekh madar oo isaguna markaa ahaa gudoomiyaha golaha guurtida, iyo masuuliyiin kale oo ay ka mid ahaa yeen taliyayaasha ciidamada qaranka iyo booliska iyo waliba xubno kale oo ka socdey maxkamada sare ee dalka.
Dhamaan masuuliyiintasi waxey faataxada u mareen madaxweynaha geeriyoodey waxeyna tacsi u direen shacabka somaliland, wada tashi gaaban ka dibna waxaa la isla gartey in talaabada ugu horeysa ee lagu dhaqaaqayo tahay hirgalinta iyo ku dhaqanka sharciga dastuuriga ah kaas oo qodobka 89 qeexayo geerida ama shaqo ka fadhiisinta madaxweynaha sida loo xalinayaa tahay xalaaleynta in madaweyne ku xigeenka xilka loo dhaariyo, isaga oo buuxinaya booska madaxweynuhu baneeyey, masuuliyiintii madasha fadhayey ee qodobkan in uu hirgalo aad ugu hanweynaa waxaa ka mid ahaa mudane abdiqadir jirde oo isagu markaa ahaa gudoomiye ku xigeenkii koowaad ee baarlamaanka.
Salaadii maqrib ka dib markii cod baahiyaha radio hargeysa iyo warbaahinta kale ee caalamka laga maqley magacaabista iyo dhaarinta madaxweynaha cusub ee dalku yeelanayo oo noqdey mudane dahir rayaale kaahin waxaa neef qabow ka soo baxdey dhamaan shacabka reer somaliland intii wel-welka qabtey ee baqaha laabtoodu tamaniyeysey talow xaalada dalku maxey noqon?
Madaxweyne daahir Rayaale kaahin go,aankiisii ugu horeeyey ee uu soo saaro wuxuu noqdey magacaabista gudiga qaban qaabada aaska madaxweynaha geeriyoodey, gudigaas oo uu gudoomiye u ahaa wasiirkii arimaha gudaha ee wakhtigaas oo ahaa marxuum abdilaahi cade.
Maalmo yar ka dib ku fadhiisashadii uu madaxweyne rayaale ku fadhiistey kursiga talada dalka laga kantaroolo waxaa timid 18 may oo ah maalinta kaliyee ay is calool xaadhaan madaxweynaha dalka iyo shacbiga reer somaliland, 18ka may waa maalintii ay somaliland ka go,dey koonfurta somaliya sidaas darteed waa maalin farxad weyn ugu fadhida shacabka somaliland wadanka oo dhana uu galo fasax, waxaa maalintaa banaanka u soo baxa madaxweynaha dalka wuxuuna u waayo waramaa dadkiisa isaga oo uuga sheekeynaya marxaladaha dalku halka ay marayaan misana u hoga tusaaleynaya mustaqbalka waxey ka dawlad ahaan damacsan yihiin, hadaba 18kii may ee sanadkii 2002 da waxey aheyd mid ka duwan kuwii hore dalku u soo marey maxaa yaaley?
Waa mida koowaad ee waxey tan ku soo beegantey maalmihii murugada iyo maroora dilaaca geerida madaxweyne cigaal, waa mida labaad ee waxey wadatey dareen gaara oo xakamihiisu yahay xiisaha loo qabo madaweynaha cusub iyo daruusta ku xeeran badbaadada uu la maagan yahay dalka, khudbadaa madaxweyne rayaale ka jeediyey 18 kii may waxey noqotey mid ay dhageysigeeda soo xaadireen kumaan kun oo qof oo ka kala yimid dhamaan gobolada dalka oo dhan, madaxweyne rayaale wuxuu aad ugu dheeraadey qorshaha uu la damacsan yahay maareynta iyo maamulka dawalada cusub ee dalku yeelanayo, waxaa kale oo uu madasha 18ka may ka balan qaadey soo dhisida xukuumad kooban oo tamar iyo tayo ay ku meel marto leh, wuxuu ka dhawaajiyey in ay lama maarmaan tahay sugida xuduudaha jamhuuriyada somaliland.
Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftey wax ka badalka garsoorayaasha dalka oo uu ku tilmaamey in ay tahay arin ay aad ugu baahan yihiin dadweynuhu iyo qaar kaloo badan, balanqaadyadaa uu madaxweynuhu u balan qaadey shacabka somaliland isagoo mid mid u fulinaya wuxuu markiiba xilka ka xayuubiyey ku dhawaad boqol garsoore isagoo badalkooda u magacaabey kuwo kale oo daacad ugu adeega dadka, inkasta oo aaney waxba iska badalin tirada qaab dhismeedka xukuumada hadana wuxuu soo dhisey xukuumad tayo leh maadaama ay ku jireen wasiiro miisaan cusul ku leh shacabka dhexdiisa, madaxweyne Rayaale isagoo oofinaya balanqaadkiisii ahaa sugida xuduudaha somaliland wuxuu socdaal ugu baqooley soohdinta bariga fog ee somaliland wuxuuna gaadhey magaalada laascaanood oo ah caasimada gobolka sool, tagista magaalada laascaanood uu tagey madaweyne Rayaale waxey noqotey mid taariikhi ah maadama uu rayaale noqdey madaweynihii u horeeyey ee ka dega laascaanood tan iyo intii ka dambeysey dilkii lagu dhex diley laascaanood madaxweynihii jamhuuriyada somaliya marxuum abdirashiid ali sharmake oo 15-10-1969kii isaga oo socdaal booqasho ku maraya goboladii waqooyi la odhan jirey lagu toogtey magaalada laascaanood.
Xoghayihii guud ee xisbiga talada dalka haya (UDUB) oo wakhtigaa ahaa dr abdi aw daahir ayaa isla sanadkaa hunguri ka galey kursiga uu si ku meel gaadh ah ugu fadhiyey madaxweyne rayaale, shir jaraa,id oo ku qabtey magaalada hargeysa ayaa wuxuu ku cadeeyey in uu yahay shakhsiga kaliyee u taagan tartanka doorashooyinka madaxtooyada ee dhawaan ka qabsoomeya dalka, isaga oo is sharaxaadiisa ku macneeyey in uu yahay masuulka ugu sareeya xisbiga UDUB, markii uu warkaasi soo gaadhey madaxweyne rayaale muxuuu sameeyey? dr abdi aw dahir ayaa dihdey dabadeedna daacey dacartii bilaa camalka ka dib markuu madaxweyne rayaale u fujiyey rukunada iyo sakxada uu ku fadhiyey salaanka siyaasada ee uu ku taagnaa abdi aw daahir, wuxuuna buuxin booskaa u magacaabey marxuum maxamed ismaaciil bulaale.
Inaskta oo tartan qarsoodi ah rag badan u galeen qabashada jagada madaxweyne ku xigeenka jamhuuriyada somaliland hadana madaxweyne rayaale ayaa booska uu ka kor marey buuxintiisa u magacaabey mudane ahmed yuusuf yaasiin oo ahaa xildhibaan ka tirsan golaha baarlamaanka, dad fara badan ayaa soo dhaweeyey magacaabista mudane yaasiin oo markaas noqdey madaxweyne ku xigeenkii afaraad ee ay yeelato jamhuuriyada somaliland, xulashada uu madaxweyne rayaale u xushey xildhibaan ahmed yuusuf yaasiin in uu noqdo ku xigeenkiisa waa mid ku timid xilkasnimo madaxweyne oo xeerineysa heyb wadaaga mudane ahmed yusuf yasin iyo marxuum mohamad haji ibrahim cigaal.
La soco Q-3.
Abdirasaaq Hammaal
E-mail: rasiiqi07@hotmail.com

