May 4, 2009

Dr. Gaboosoow Falaadhi Gilgilasho Kaagama Go’do.

Waxaan salaamayaa dhamaan shacbiweynaha iyo warbaahinta Soomaaliland meel kastooy joogaanba. Salaantaas ka dib waxa maanta (Axad 03-05-09) kusoo baxay mareegta wararka ee Hadhwanaagnews.com waraysi uu bixiyey Dr. Gaboose, oo waqtigan xaadirka ah ka mid ah xisbiga Kulmiye, balse aan wax xil ah ka hayn xisbigaas, isagoo laga casilay jagadii uu hore uga hayey ururkii aan sharciyeysneyn ee Qaran, oo hadda lagu kala tegey, kadib markuu si lama filaan ah uu u shaaciyey Dr. Gaboose inuu taageero xisbiga Kulmiye.

Taageerayaashii ururkaas Qaran waxay hadda ugu yeedhaan Dr. Wanjale (Traitor) maadaama oo isagoon la tashan lana socodsiin saaxiibadiisii kale uu taageere u noqday xisbi kale.

Dr. Gaboose wuxuu waraysigan ku beeniyey war kusoo baxay inta badan shabakadaha wararka ee Soomaaliland oo sheegayey in Kulmiye ay ka dhex tooseen koox isbedeldoon ahi. Soomalidu waxay ku maahmaahdaa “ama afeef hore lahoow ama adkeysan dambe”. Labada garab ee shirka ku kulmay ee ay kala hogaaminayeen Dr. Gaboose iyo Muuse Biixi go’aamaday wada qaateen warbaahintu way wada daabacday.

Marka Gaboose weji adkaanta inuu iska dhaafo ayaa u fiican. Wuxuu shalay yidhi maanta qofka dafiraa waxay cadaynaysaa daciifnimadiisa iyo laba wejiilenimadiisa. Hana ogaado in beentiisii la bartay oo uu danayste yahay eegaya tiisa qudha, dhamaan dadkii taageeri jireyna uu cidla kaga dhaqaaqay, isagoon xataa la socodsiin.

Anigoo ka mid ah dadkii taageeray ururkii Qaran ee uu Gaboose gudoomiyaha ka ahaa intaan sharcigu diidin ka hor, waxaan usoo jeedinayaa walaalkay Dr. Gaboose inuu dib ugu noqdo ku shaqaysiga meheradiisii dhakhtarnimo, maadaama siyaasaddu ay u gelisay shaadh midabyo badan oo ka dhigay jirjiroole dhinac loo raaco aan la garaneyn.

Siciid Saalax.

Email: saedsalah09@hotmail.com

Login